Idil iyada waxay ogayd oo qirsanayd aaminsanaydna in waxa ku dhacay uu alle u doortay ee aysan dooran dhallintii kufsiga kula kacday iyada iyo hablihi kale, hadana sidaas ay tahay qof uu ahaaba dhamaan waa ay wada cafisay oo waxya go’aansatay in dunida iyada oo caloosha qof wax ugu sidda aysan ka hayaamin bal waaba u ducaysay in iyada gadaasheed aysan dhallintaas qof kale dhibin ducadaas in la aqbalay iyo in kalana alle ayaa og, balse qalbi wanaaga idil ayaa inooga muuqdo meeshan iyo sida ay u wanaagsantahay in qof walba oo dambi kaa galo alle aad abaal marin uga doonato, laakiin ku fakarka ah in aad ka aargudato uusan waxba soo siyaadinayn, qofka in uu alle kaaga cad gooyo ayaa wanaagsan oo kaliya ee macna ma samayso in aad ka cad goosato nafis ayaana u arki karaysa, balse, nafis maahan ee qofka marka aad dhibaatayso adigana waad is dhibaataysay, xaqiiqda waa taas.
Idil waa sii cuslaatay oo caloosheeda ayaa soo muuqatay, dad badan ayaa su’aalayay sida aan horey usoo sheegayna su’aal walba oo ku saabsan arrintaasna waa iska indha iyo dhaga tiraysay, hooyadeed oo noolaydna maqal ayey arrinta kusoo gaartay in gabadheeda ay uur leedahay ismana waydiin cidda aabaha u ah, idil mar ay hooyadeed su’aashaas waydiisayna waxay ugu soo koobtay “hooyo aniga ayaa wax walba u ah cunugan”, hooyadeedna dhib uma arkin oo waxay iska dhaadhicisay in guur ka qarribmay gabadheeda ay ilmahan ka yimadeen idilna aysan doonayn in arrintaas sheeg sheegeeda lagu sii wado, sidaas ayeyna dadka qaar u wada arkayeen balse dhabta idil oo kaliya ayaa ogayd.
Idil nolosheeda waxay usoo martay safar dheer oo dhib badan waana midda horey loo yiri safar walba oo qiima badan waa mid loo soo maray dhib badan, safarkan maanta ay idil maraysana waxba ugama duwana safaradii cuslaa ee ay nolosha usoo martay.
Xaqiiqdii idil riyooyin badan waa lahayd nolosheeda haba ahaadaan riyooyinkaas kolba kuwa la jaan qaadaya xaaladaha ay markaa ku jirtay, kuwana xaaladahaas natiijooyinkooda ayey ka dhex beermayay.
Idil mar walba ay guur samayso waxay lahayd hal riyo oo kaliya taas oo ahayd sidee hooyo ku noqotaa goormaase noqon doontaa hooyada qof walba kula jecel yahay ee lagaa filayo xoolaha badana lagaaga baxshay, waa su’aal runtii daalisay maskaxda gabadhan yar ee nolosha imtixaanka adag usoo martay tan iyo maalintii ay garaadsatay ilaa maantadan.
Casharada qaar ee nolosha ma ahan kuwa la barto ee waa kuwa ay xaaladaha nolosha aad soo martay ama ku jirtid ku baraan idilna nolosha iyo xaaladaha is gaddiska badan ee ay soo martay ayaa ka caawinayay in xaalad walba ay wax uga barato nolosheeda.
Hadafyada nolosha ee idil ayaa ahaa kuwa ay baddalayeen mar walba xaaladaha nolosheeda, idl maadaama ay guurar badan soo martay waxna aysan uga soo kordhin dhib maskax iyo cuqdad nafsi mooyee ayey go’aansatay hadafkii ugu dambeeyay ee ahaa nolosheed in ay wax u qabato haddii ay ku guul dareesatay in ay hooyo noqoto waa in aysan ku guul daraysan in ay dadkeeda iyo nafteed ka madaxbaanaanayso baahidii markaa ka jirtay miyigii ay ku noolayd, micnaha ujeedada waa ina y nafteeda wax u noqoto, hadafkaasna waa ku guulaysatay ilaa xad ayaa la dhihi karay, dhaawac walba oo dhanka laabta ah oo soo gaaro micnaheeda maahan in ay gabi ahaanba dhaawacantay waxay ku tala gashnayd in hadaf walba iyo fakar walba oo ka dhex abuurma xaaladahaas adag ee nolosheda soo maray ay ka gun gaarto, heerka ay maanta taagantahayna waxaa la dhihi karay waaa mid ka abuurmay riyooyinkii hammigeeda oo ay gaartay.
Idil hadda waxay gashay jawi cusub, xaalad cusub iyo nolol cusub taas oo la doonayo in ay wax ka barato lana qabsato sida ay tahayna ay ku qasbantahay in ay ku aqbasho, waa hooyo dhali doonta Ubad aan aabo lahayn, waa hooyo nafsiyan u cuqdadaysan oo wax aysan waligeed ku riyoon kuna fakarin nolosha ay u yaboohday taana la doonayo in ay u aqbasho in ay tahay xaqiiq jirta oo sideeda ku aqbasho lana noolaato.
Hanit waa tacabtay Iidil, shaqsiyadna waa yeelatay oo tii ay u dhalatay mid kasii fiican ayey dhaqan ahaan ka kasbatay bulshada ay markaa ku dhax noolayd, xaqiiqdii idil waxaa la dhihi karay nolosheeda waa ku guulaysatay oo ilaa xad waa is maaraysay.
La soco…..
W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply