KUFSI IYO KADEED ADDUUN QAYBTII 15AAD

 

Idil nolosheeda oo dhan ayaa is baddashay, way muraara dilaacday xoolihiina waa dhaafeen iyo mid ka mid ah gawaarideeda xamuulka ahaa, darawalkeediina halkaas ayuu ku dhintay iyadiina lagu kufsaday waliba kufsi aan ku koobnayn hal qof oo todob ka mid ahayd mooryaantii ayaa isag dul dagtay,maadaama ay ahayd dumarka markaa gaariga saaran tan ugu bilicsan uguna jir qurxoonayd.
Wax walba waxbaa dhaama idil murugadeeda iyo dhibaatada ku dhacday ayey Alle uga shukrisay maadama uu nafteeda u badbaadiyay, waana astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano Dadka iimaanka uu ehelka ah.
Dumarkii intii markaa xaab xabsan kartay meesha ay ka xaabsdeen oo ka huleeleen, qof walbana in uu dhibkiisa la kali ahaado oo bulshada aan waxba lala wadaagin ayey intii dumar ahayd ee kufsiga ku dhacay isku dhaarsadeen qof walba shibtiisa ha dhaho ayaa lagu ballamay.
Sababta ay sidaas u yeelayeen ayaa ahayd in bulshada u sheegisteeda aan waxba laga faaiidayn balse dhib maskxiyan ah lagala kulmayo, dumarka dhibka markaa ku dhacay kuma jirin wax gabar ah waxay u wada badnaayen Haween Da’ dhaxaad ahaa oo wada ganacsato ah gaarigana wuu u wada rarnaa.

Waxay ahayd dhacdo lama filaan ah oo murugadeeda leh aamusnaan, fajac iyo naxdin ayaa qof walba oo dumarkaas ka mid ah kasoo wada haray, qaarna waxay is lahaayeen armey ceeb idin dilootaa ka baqid taas laga cabsanayana waxay isku dhaarsadeen in aan cidna loo sheegin dhacdada kufsiga ee kuwada dhacday.

Idil waxaa u bilowday nolol qalafsan misana murugo badan, runtii dhibkeeda waxaa lagu garan karay in ay mar walba gudaha iyo dibadda

ka ilmayn jirtay sida badana dadka waa iska qarin jirtay ilaa xad oo ma jecalyn in qof uu ka dareemo in ay dhib ku jirto ama dhib goconayso.

Nolosha dunida wax walba oo adag waxaa jira wax ka adag oo jabiya, sida aad doonto u adkanow qof ku daciifiya wuu jirayaa mar walba, idilna maadaama ay qof adag ahayd waxaa jilciyay oo hoos u dhigay arrinta kufsiga ah ee ku habsatay .

Idili sidii ayey meeshii musiibada kula dhacday uga soo tageen iyada iyo haweenkii arrinta kula dhacday waxayna soo abaareen dhanka Muqdisho, safarka inta lagu jiray qof walba wuxuu ka fakarayay waxa uu mustaqbalku noqon doono.

Qaar waxay ka fakarayeen in cuduro ay kasoo qaadeen kufsiga iyo in kale, qaarna waxay ka fakarayeen in ay Uur aan xalaal ahayn ka qaadaan, idil waxay qayb ka ahayd kuwa ku fakaraya in ay xanuuno aan la aqoon kasoo qaadaan meesha ama kuwa aan daawada lahayn sida Eedhiska oo kale oo markaa qof walba oo Soomaali ah aad uga baqayay.

Sida aad u fakarayso mararka qaar ma noqoto meesha laga jiro oo dunida xaalkeeda ayaaba ah dhinaca aad jirto dhinaceeda kale in ay kasoo muuqato, idil kumaba fakareen in ay ilmo ama Uur ay meesha kasoo qaadayso, raja nuucaas ah maba ku jirin oo waa hore ayey taas ka quusatay.

Nolosha inta nafta ay kugu jirto lamaba ogola in aad ka quusato wax aan macquul ahayn dunidan kama jiraan, caqli ahaan marka aad si dagan u fakarto qaabka Aadanaha loo abuuro iyo waxa uu ka abuurmo ma ahan wax caqligaaga qaadan karo, waa awood naga wayn waxa wax maamulaya, sidaa darted, ka shaqsi ahaan dunida inta aad ku nooshahay quusta ka saar qalbigaada iyo maankagaba.

Idil Muqdisho marka ay kusoo laabatay waxay iska gashay shaqadeedii, dhaqtarna waa u tagtay oo markaa waxay is lahayd armaa jirooyin sida infection iyo wax la mid ah ay kugu dhacaan, baaritaano badan ayey isku samaysay nasiib wanaag waxba lagama sheegin balse waa waqti hore ayaa lagu yiri inta wax badan la ogaan karo sidaa darteed waxaa lagula talshay in ay saddex bil kadib baaritaan kale usoo laabato si loo ogaado saamaynta dhabta uu yeelan karo kufsiga lagula kacay.

Idil jawigeeda wuu is baddalayay mar walba xaalad murugo iyo uur kutaalo ayey gashay, ma ahayn idishii lagu yaqiin fir fircoonida iyo howl karnimada waxaa ugaarsanayay xanuunka maskaxda ah ee ay kasoo qaadday musiibadaas.

Idil wax badan ayey ka fakaraysay, mararka qaar waxay is waydiinaysay sababta uu Alle sidan ugu imtixaanayo oo waxay dib u goconaysay maalmaheedi hore ee mugdiga ahaa, waa iska bani aadam iyo xaalkiisa, mar walba uu qofku dhibtooda waxa uu hilmaamaaa waxa uu ahaa iyo waxa uu maanta yahay farqiga u kala dhaxeeyo.

Dabeecadda Aadanaha ayaa ah in aysan xusuusan nimcooyinka ay waqtigaas haystaan iyo waxa kaliya oo gubaya ama dhibayana ay yihiin xanuunka markaa ku taagan, idil way qaadan la’ayd oo waa u cuntami waysay in iyada oo idil ah ay kufsadaan intaas oo rag ah hadana qofka waxaas ku dhaceen sababta ay u noqotay ayey is waydiinaysay.

La soco…..

W/Q : Mohamed Musa Sh. Noor

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply