Xariirkii Saado iyo Seeraar ee fool buuggu waa sii horumaray, ayagiina waa fur furmeen, kala xishoodkii badnaa waa yaraaday, dad is baratay oo wanaag isku bartay ayay noqdeen oo arrima kala gooniya ka sheekaysta, Saado waa isk ilaalinaysay in dag dag ay wax uga weydiiso arrimihiisa gaarka ah, noloshiisa, jacaylkiisa, shaqadiisa, iwm, ha fududaan gabareey ayay nafta u sheegaysay, balse ayadu waa ay doonasay in wax walba oo ku saabsan Seeraar ay ogaato, gabadha uu saaxiibka la yahay, in xariirkoodu dhab yahay iyo in kor kor uun uu tahay, in uu jecel yahay, maya, ma jecla anaa huba, allaahu akbar, gabareey ninka uurkiisa kuma jirtide tartiibso, haddii uu saaxiib leeyhay waa qasab waa jecel yahaye, ilaahoow ha ka dhigin sidas.
Horta muxuu maqribkii u soo galaa khadka oo maalintii oo dhan uusan u soo galin? waa weydiinta ugu weyn ee ay is weydiinaysay Saado, malaha saxiibtiis ayaa xilligaas soo gasha, laga yaabee in ay maalintii shaqayso, ama wax barasho ku mashquulsan tahay, ama ay dal kale oo waagu markaas u baryo joogto, balse mar ay weydiisay asaga ayaa si wanaagsan oo waliba macaan, sida ay is tiri Saado, uga dhaadhiciyay sababta uu maqrib u so galo, wuxuu u sheegay in maalintii uu shaqo jiro, galabtiina wax akhristo, maqrib ka dibna uu fursad yeesho, wallaahi wa nin dantiis ayaqaan, haddi wiilasheennu sidaas oo kale ahaan lahaayeen, malintii oo dhan khadkay ku jiraan, gabdhaan la hadal, tan kale la hadal ayay ku jiraan, uf, waxaad waa reer miyi nimo, sida badanna wa wiilal xun xun oo gabdhaha been u sheega, jacayl beena ku abuura, Seeraar la mid ahan, maqribkii ayuu soo galaa wax badan kuma jiro, aniga uun buu ila hadlaa baaban u malayn, kaligay baa? Ma dhici karta, gabar saxiiba oo uu la sheekaysto maleh? Bal caawa weydii, go’aankaas waa qaaday, in ay caawa noloshiisa wax ka ogaato.
Maqribkii markay tukatay ayay sariirtii dusha uga baxday, shaqo uma taal oo siday Seeraar khadka uga baratayba casir dheer ayay howsha iska dhamaysaa, waxaan ilaalada foolbuug ahayna ma qabato markaas ka dib, hooyadeed xataa waa yaabatay, in gabadhu aysan sidii hore ahayn waa aragatay, la yaabtay howsha boobsiiska ay u qabato, siiba aroortii iyo casirkii, aroortii il biliqsi inta howsha ku qabato ayay banaanka fariistaa, casirkiina sariirta is gaysaa, hooyadii meel ay u qaado waa garan weyday balse waxba ma weydiin, waayo bixitaakii Saado xataa waa yaraaday oo gurigay maalintii oo dhan joogtaa, maxay wax weydiisaa marka.
Waa online qalbigii, waa ku jiraa
“Asc toosane”
“wcs….hhhhhhhhh maanta magacii ma iga badashay?”
“Kuma cajabin miyaa magaca cusub, aboowe? Hhhhhh”
“Inaan mar labaad aan wal qasho ayaaba igu soo dhacday oo magacaan qaato”
“Kolley anigu waa sidaan kuu arko, toosane ayaa tahay, intaan wada sheekaysanaynay ayaa igu filan ogaado inaad nin wanaagsan tahay, soomaalidu waxay tiraahdaa, nin aadan beri ku baran bil kuma baratid”
“Mahadsanid abaayo, adiguba qof wanaagsan ayaa tahay, waa dareemay, lkn nin fool xun baan ahaye amaad is rogtaa markaad iaragtid” ayuu si kaftana ugu soo qoray
“Hhhhhhhh, qof aan ku aqoon sidaas ugu sheekee”
“Oo ma I aragtay”
“Haa”
“Run sheeg?”
“Wallaahi”
“Hhhhhhhh, illayn waad I basaasysay”
“Mar hadaad xaafada ayan daganahay tiri, bal arag ayaan is iri, wax badana iguma qaadan ogaado ninkaa tahay, marka beenta iska daa, adiga iyo fool xumo meel iskama soo gashaane”
“Mahadsan tahay abaayo, ee, mar hadaad adigu I aragtay sow anna xaq uma lihi inaan ku arko, walib isku xaafad ayaan daganahaye”
“Waa runtaa, balse dhib inaan kuu soo jiido ma rabo, anoo kula taagan saxiibta na aragto, maya, maya, dartay laguu daqro marabo”
“Hhhhhhhh, cid I daqraysa maleh, ee ha ii baqin”
“Waxaan igu soconayn ayaad ii sheegaysa toosanoow, amaad igu dhibsata magacaan kuugu yeerayo aboowe”
“Maya wallahi, waaba magac qurxoon waan ka helay, ee waxaan dhici karin een kuu sheegay waa maxay?”
“Nin joog iyo jamaalkaaga oo kale leh, oo leh gabar iga masayrta oo I daqarta malihi”
“Hhhhhhh, daacadii ma lihi, waan la haan jiray balse xariirkii waa shaqayn wayay”
Fursadaan dahabka ah ka faa’iidayso oo sii fag fag ayaa ku soo dhacday Saado, markaas ayay u qortay
“Dumarku wa masaakiin, waa loo dulqaata, sow lama oran waa feer qaloon dumarku”
“Runtii qof xun maahayn, qof wanaagsan ayay ahayd, ee dabeecadihii ayaan isku keeni weynay uun”
Waa nin wanaagsan walaahi, xumaan in uu ka sheego saxiibtiisii hore ma rabo, xataa waxaa dhici karta in ay xumaysay, walle gobannimo waa u dhalsho, kan hadii alle gacanta ii soo galiyo maba daayeen, dabeecadayba inta rogo ayaan tiisa oo kale ka dhigi lahaa, waxay u qoraty markaas
“Waa run labada qof haddi ay is dabeecad keeni karin noloshu dhib ayay noqon, waana ogahay raggu dumarka masayrka badan ma jecla” sii faar faar ayay inta danbe u tiri
“Qof waaya araga ayaa tahay, waxa u badan ee aan isku qabanay waa masayrkaas”
Ilaahay haddu ikaa siiyo wallaadan juuq iga maqasheen iyo xageed u socotaa iyo xagge ka timid, waxayse u qortay
“Qof kaa masayray, waa qof ku jecel sow ma ogid?”
“Waan ogahay, balse wax kasta hadday soohinta ka baxaa dhib ayay keenaan, sow maaha?
Alla xikmad badanaa oo garaad badanaa
“Taasaan been ahay, gaasheedna wadnaha ma qufu baad ku dhajisay? hhhhhhh”
“Waan ku dhajiyay, balse hadda iiguma dhagana, inuu sidiisii hore iigu dhaganaado ayaan u shallaayay”
Ba’aye, saxiib ayuu leeyhay uu iga qarinayay, oo hadda soo tufay, rag aamin maleh, been badaa kii raga ahaa
“Oo yaa qufulkii jabiyay hadda? waaba naag balo tan wadne la qulay furtaye”
“Wa midaan nooceeda weli aanan arag, hhhhhhhhh”
“Kolley mid uun baa jabin lahayd, haday ayadu jabisayna dhib maleh, jacaylna ceeb maaha”
“Jacayl wuxuu ku wanaagsan yahay in laguu og yahay, ee hadaan laguu ogayn waa dhib”
Idam alle ma ogaato, camma allaha ka saaro jacaylkaad u qabtid, aniguba danbi ayaan ka galay wiilka, been ii sheegay ayaan u maleeyay, waan fududaadaye, rag inuusan la mid ahayn waan ogaa
“Been maaha jacayl aan laguu ogayn oo lagula wadin waa xanuun”
“Adna ma ila mid baa tahay?”
“Si haddii loo eego”
La soco…….
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply