Ku tabay, Toosanoow [sheeko jacayl ah] Qaybtii-8aad

 

Aroortii markii ay kacday saado balan baalis waa ka fududayd, howshii guriga si ay ku qabtay ma ayan garanayan, balse in ay dhamaysay oo aan waxba u harin waa ragatay, xataa quraacdii diyaar ayay ahayd, heeso jecaylna cod hoose ayay ku qaadaysay,

Hooyadeed markii ay soo kacday oo aragtay adduun wada dhamays tiran ayay ku tiri gabadheedii

“Naa xalay ma seexan miyaa?”

“Waan seexday hooyo, hee?”

“Waagiiba ma baryin, hawshiina waabad dhamaysaye, bal koob shaaha ii shub hooyo” ayay islaantii inta tiri gambar Meesha yaalay ku fariisatay, saado ayada oo shaahii shubaysa ayay tiri

“Xilli hore ayaan seexday xalay, hurdadii iga dhamaatay, weysana ma kuu keenaa hooyo?”

“Haa maandheey, khayr allha ku siiyo, maalintii la iga kaa wataase war ii yaal”

“Ama ha la I wato ama yaan la iwado insha allaah waan wada joogi doonaa” inta tiri ayay shaahii hooyo u dhigtay oo biyo weyso shubid u dhaqaaqday.

Howshii iska damaysay, dad weli sooma kicin, maxay qabataa? Sariirtii ayay dib ugu noqtay oo fool buugii ay markii ay kacdayba furtay dib ugu laabatay, weli sooma uusan galin, miskiinka xalay baan dhafriyay, waxay is tiri fool buugga kale ee saado fur bal wax asxaabteeda ah oo soo jeeda in ay ku aragto oo la haasaawdo, balse ra’yigaas

wadnaheedu waa diiday, adoo dad kale oo macna kuugu fadhin la sheekaysanaya haddii uu soo galo ka waran oo adoon la hadlin uu shaqo tago, sax wallaahi, Kanaan ku jirayaa, heesaan iska sii dhagaysan.

Saado xilligii ayaa la dheeraaday, in ay hada fiirisay iskuma malayso ee in wax badan ka soo wareegtay ayay moodaa oo haddana eegtaa bal in uuonline yahay, maleh, alla maxaa ku dhacay, amuu xanuunsan yahay saaka, waa xilligii uu shaqada aadi jiray, si wanaagsan ayay u taqaanay xilliga uu shaqada aado, wax badan ayay kor ka eeganaysay, markuu soo baxo waa taqaan, goorta uu aqalkooda soo hor maro waa taqaan, sida uu u sii socdo waa taqaaan, xataa dhanka uu hadba eego markuu socdo waa taqaan.

Garbasaar ayay soo haabatay oo qolkii banaanka uga soo baxday oo aydoon dhinac eegin illinkii hore socod orod u dhow ku tagtay oo furtay oo banaanka fag u tiri, dhinicii uu ka imaan jiray ayay eegtay, maleh, yaa, dhinacii kale ayay eegatay, wallaahi waa kaasaa sii socda, dhabarkiisa ayay aqootay, rag ku dhabar maaha, garbo waaweyn ayuu leeyahay, dhexda u dhuusan waa yar tahay, luga dhaadheer oo ay hubto haddii surweelka laga siibo in ay wada muruq yihiin ayuu leeyahay, dalbo yarna waa leeyahay oo socodka qurxiya.

Ayada oo weli kumaqan oo sii eegaysa ayaa waxa u yeeray idil oo aysan markii hore u jeedin, oo kabis durugsan fadhida, toloow ayaduna ma bixitaankiisay sugtaa, inta is tiri ayay dhinaceedii u dhaqaaqday, intii aysan gaarin ayaa idil hadashay oo ku tiri

“Walaaleey adiga iyo ninkaas waan idin ka yaabay, aakhiro in ay jirto ma ogidin miyaa?”

Ayada oo hadalkaas uu kadis ku noqday oo yaab ka soo haray ayay tiri

“Maxaad uga jeedaa hdalkaas?”

“dad waa dagaala oo iska illobaa, balse labadiinu waad iga yaabiseen, intaad eegaysay asaga anna adaan ku eegayay, sidaad isha ugu gubaysay ayaan ka yaabay, asaguna Kaaba daran, nin ragga oo sidaas qof dumara ugu dharta oo fursad ku raadiya sidiisa oo kale waligay ma arag, wallaahi mar mar waxaan is iraahdaa, doqontu waa iska qalbi fiyowdahaye amay inta la hadasho oo I cafi tiraahdo, ilkaha daadiyaa, naa iska jir ninkaas, wallaahi hadaan anigu adiga ahaan lahaa jidka dhinuu ka maro kiisa kale ayaan ka mari lahaa”

Saado oo yaab alla u keenay oo ay isku qaban weyday, ninka saxiibteed ka hadlayso iyo kan fol buug ay kala hadashay ayaa tiri

“Naa bal horta subax wanaagsan, aniga iyo ninkaas wax aan kala sidano malehe”

“Wanaagsan abaayo, qof dhoohan baa tahay, waxaan ka baqayay waa waxaas, adigu hadaadan wax u qabin, asagaa tan iyo dhuunta kuu buuxa, ee is jir baan ku leeyahay, waana runtaayoo wax idin ka dheaxeeya ayaaban jirin hadaad banaanka martid”

“Ninkaas warkiisa uma baahniye, ii waran, maxaa cusub, xanka fareshka ah ee xaafada maxaa lagu sheegayay” ayay saado oo in ay sheekada rogto rabta tiri

“Musiibadaas sii socda waxaan ahayn lama hadal hayo xaafada” ayay ugu war celisay

saado tuhunkii ay saaxiibteed ka qabtay waa sii weynaaday, aragaty in idil aysan rabin in kahadalka ninka la joojiyo, waayo se? bal hadalka ka gur ayaa gashay markaas

“Maxaa laga sheegyayna?”

“Danbi tabar uma hayee iga daa walaaleey, waxay ka sheegayeenba ayaga iyo allahoode”

“Hadda ka hor ayaa islaan waxay igu tiri, naagi ninkay caydo waa nin ay rabto” ayaa saado tiri ayada oo eegaysa idil, waana aragtay in ay is gashay oo fool gaddoontay, walle warbaa jira, wacad alle naagtu ninka ayadaa isla rabta, ayay niyada iska tiri

“Nin aan rabo ma caayeen, saa waaban rabaaye”

“Idileey baayo amaad ninka jeceshahay?” ayaa saado tiri ayada oo qosol yar ku qarinaysa war raadiskeeda

“Ma dalkaa raggi ka dhamaaday kaas markan rabayo”

Waligaaba hoos eeg walle waxaan tuhunsanaa ayaa run noqon doona.

Dumarku dareenkooda ilaxaad ka xoog badan kan ragga, dareenkeeduna waxuu u sheegay in idil aysan run sheegayn, in idil isku dir ay wado oo ay ku doonayso in  ayada iyo seeraar aysan salaanta kala qaadin, maalintii ay gabadhu u sheegatay in uusan waligiis guurasan ayaa dhibicdii u herreysay ee tuhunku tifiq ku tiri maskaxdeeda, intii ka danbaysayna waxbaa isa soo tarayay, maalin ay kulmaan oo aysan ninkaas iska jir, ninkaas waa kuu dhaarsan yahay, aysan oran ma jirto, wixiiba waxa isku fuuqsaday seeraarka fool guug iyo kay ka hadasho saxiibteed haday isku mid yihiin, beenleey weeye idil.

 

La soco…….

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply