Ku tabay, Toosanoow [sheeko jacayl ah] Qaybtii-7aad

 

 

 

Inta ku booday ayay gacan qaadkii haabatay ayada oo mar horeba soo fariiisatay, oo farrintii eegtay, mobilkii ayaa ka fara baxsan gaaray, indhaha inta isku qabsatay oo mar martay ayay eegma kale u celisay farrintii, qoraalkii indhaheedu kuma dhicin ee durbadiiba sawirkii yaraa ee dhinaca ahaa ayay qabteen, waa asagii, rag uma eka, farriintii ayay fiirisay

“Wcs walaal, nabade, see tahay adigu?” ayaa ku qaran.

Nef weyn ayaa ka soo baxdy, akhyaarsana bal wanaaga uu hadlayo arka, hadal xun ma uusan oran , yaa tahay ma oran, maxaad iga rabtay ma oran, sidii muslinku qabay ayuu salaantii mislinka Iiga qaaday, iigu soo war celiyay, alle akhyaarsana, ciyaal suuqa kale waxay oran lahaayeen, ma I taqaan maxaad iga salaantay? Yaad ahayd adigu horta? Maxaad iga rabtay oo fariisnta iigu soo dirtay? Iwm, asaguse sidii diintu qabtay ayuu sameeyay,

“Waan fiicnahay walaal, mahadsanid” ayay afka ka tiri

Oo inta isla yaabtay tiri, inaan qoro ayay ahayde afka ka iraahdo maahayn, ma asagaa I maqlaya, markay damacday in ay qoraalkii bilowdo ayaa wax kale ku soo dhaceen, oo is tiri bal eeg in uu ku oggolaaday, mise wallaahi farrin baa taal odhanaysa, seeraar waa oggolaaday saxiintinimadaadii, asxaabadiis ayay ka mid noqotay maanta, berrina insha laah kumaankunkaas saxiib ee ugu jira ayadaa uga dhawaan, wadnihiisa ayadaa noqon.

Farriintii ay qoraysay waaba iloowday waxay ku mashquushay fiirinta saxiibadiis, in gabdho u badan yihiin iyo in kale, gabdhaha ugu jira mid walba siday u egtahay, ma dhamayn karto oo ma wada baari karto inta saxiib ugu jira, faduulnimo darteed ayay in doora baartay oo eeg eegtay, ka dib farriintii ayay soo xasuusatay, waana online asagiina hadda.

“Fiicanahay aboowe, alx” ayay u qortay oo ka dba gaysay “xaalada ka waran walaal”

Way ogatahay weedha xaalada ka waran in ay tahay sheego bilowgeed marka laga hadlayo baraha bulshada, waa qofka kula hadlaya ee iidan is aqoon hadalka ha soo tufo, sheekadu ha is fur furto, waana intay rajaynayso in ay dhacdo hadda, durbadiiba waa u soo war celiyay

“Nimca alle ayaa lagu jiraa, xgaagana?”

Kubbadii ayada ayu uku soo celiayay, in yar inta fakartay ayay u qortay

“Walaaloow raalli iga ahoow doqon baan noqdaye, aqbalaadii kaagama mahad celin weli, mahasanid walaal”

“Dhib maleh, mar hadaad mahadii sheegtayna, adaa mudan abaayo, dadka dhan sidaas uma fakaraane”

“Waa run dadku sidaas uma wada fakaraan, balse aniga waa ila ceeb qof dhan oo aad tiri aan is barano oo kaa ogolaaday, inaadan uga mahad celin, waase dhici kartaa inaan gafsanahay, hhhhhhhh”

“Maya abaayo, kuma gafsanid oo xushmada iyo iyo wanaaga ayaa ku jira sidaas, eray wanaagsan nafsada ayuu u roon yahay”

“Waa runtaa walaal, haye, barasha wanaagsan, magacaygu waa shacni aboowe, adna sow seeraar maaha? Kan kuugu qoran”

“Haa, barasha wanaagsan”

La sheekaysay in doora, markaas ayuu weydiiyay xaafada ay dagan tahay, waxayna u sheegtay isla xaafadii

“Oo aniguba ayadaan daganahaye?”

“Wallaahi? Maasha allaah, waaba la isla kaaya soo doontaan u malayn, hhhhh” ayay u qortay

“Hhhhhh, waa dhici kartaa”

“Waxaan maqli jiray dadka wanaagsan jinkooda isa soo jiita, malaha waa tii”

“Waa runtaa sidaas anba waan maqlay, waxna waa ka jiraan ayaan u malayn, waaana tahay sidaas, oo sheekadaada waxaan ka dhadhansaday qof wanaagsan inaa tahay oo qiima leh, igana raali ahoow hadaan soohdin dhaafayna, waa iska kaftamaynaaye”

Waxay damacday in ay u qorto, qiimo iyo qaayo tan iyo qiyaamaha iyo ka gadaal allaha ku huwiyo, balse waxay u qortay.

“Kaftanku waa wax wanaagsan, ilaahay jacjuun nagama dhigo, dabeecadu waa qaali, mahasdanis walaal, adiga qudhaada waan dareemaya qof wanaagsan inaa tahay”

 

Halkaas ayaa sheekadii oo gaagaaban uga bilaamatay, ayaduna ayba farxad dhinac ula dhacsanayd, oo eraygii uu soo qoraba wax kasta kala qaalisanaa, waliba ay la yaaban tahay oo is leedahay, quruxdii, garaad badni ayuu ku darsaday, habeenkaas wa is barasha wanaagsan ayaa dhacday, xagee ka dagan tahay xaafada ayuu weydiiyay, aqal reera kale ayay u sheegtay, asagana waa weydiisay, waana u sheegay halka uu dagan yahay, una sheekay in uu xaafada ku cusub yahay.

“Xaafadaan dad wanaagsan iyo in xunba waa daganyihiina wax wanaagsan allaha kugu toosiyo”

“Amiin, danbaase u kala baran doonaa”

Habeenkaas sidaas ayaa sheekadii ugu dhamaatay oo habeen wanaagsan iyo habeen wanaagsan laysku yiri, iyo insha laah waan is arki doonaa.

Bal hurdo kaalay keen, intii ay hadal is dhaafsadeen ayay dib maskaxdeeda ugu laabatay, eray xun kama hayso.

mar qudha ayaa war war galay, runta nafta  u sheeg ayay isku waanisay,

ninkaa sidaas u qurxoon oo u wanaagsan naag la’aan maahane,

dhalanteedku yuusan kula tagin wadanayahow,

naf yahay aduun sidii la rabo lama helo,

raja xumo ay ayadu isku beertay ayaa gashay, ma oydaana waa qabatay, inyar ka dib dareen rayn rayn ayaa galay,

oo ahddusan saxiib lahyn ka waran,

mid u qalanta hadduu waayay oo uu weli raadinayo,

wallaahi waa dhici kartaa,

quusasho waa camal shaydaan,

sow ilaahay ma oran ha ka quusanina raxmada eebe, ilaahoow towba,

diirimaad iyo baqoow dagganaasho oo isku dhafan ayada oo dareemaysa ayay huruday, markay sii gam’aysana waa dhoolla cadaynaysay.

La soco…….

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply