Hadalka Idil kuma uusan socon Saado, haduu dir dire ahaa iyo haddii uu wanaag ahaaba, guriga tag fool buug samayso waxaan ahayn kama dhex guuxayn, warka Idil intiisa badana maba maqlayn oo waxay ku mashquulsanayd siday teeda u maarayn lahayd, waase dareensanayd in saxiibteed aysan hor jeed ahayn.
“Madaxaa i xanuunaya xoogaa ayaan is kala bixin” ayay ku tiri
“ii naso xabiibti, waa garan karaa aragiisaa madaxa ku xanuujiye” inta tiri ayay dhaqaaqday.
Saado socodkii ay halkaas ka bilowday melena kuma leexan, cidna ma salaamin, dhinacna ma eegin, ee sariita ayuu ku dhamaaday oo ay fariisatay, fool buug samayn ayay u dhaqaaqday, markii hore waxay doonaysay in ay bal horta magaciisa baarto inta aysan mid cusub samaysan, waxayse ay door biday arrin isku jaan go’an, fool buug samayso, hana ahaado asagu qofka ugu horeeya ee aad ku darsatid, qofka ugu horeeya ee aad fariin uga dirtid, qofka kaliya ee ku jira fb geeda shacni, go’aankaas waa ay qaadatay, cid kale kuma darsanayso, asaga ayuu u gaarayahay, maalin ilaahay waa i gaarsin aan tuso oo ku iraahdo arag qof aan adiga ahayn iiguma jiro, sidaad wadnahayga kali ugu tahay ayaa kanna kali ugu tahay, noloshayda oo dhan aday kali kuu tahay, farxad yar ayay dareentay hoosna ka ilka cadaysay.
Markii ay samaysay ayay raadisay magaciisa, Seeraar, magac qurxoona, tolow Seeraar macnaheedu waa maxay? Ma ku dherersanaabaa, ma sida uu wadnahayga ugu dherersan yahay oo kalaa? Walle in uusan macnahaas ka fogayn, ee tii wadnihiisa ku dhirirsan allow iga dhig, dhowr Seeraar ayaa soo baxay, balse asagu ka ugu horeeya ayuu ahaa, rag oo dhan sidaas ayuu uga sareeya, ayay is tiri, alle qurux badana sawirka u saran, hadayse si fiican u sii eegtay, waxay nafteeda u qiratay in asagu uu aad uga qurxooyahay sawirkiisa, malaha mid aan sawir qaadida aqoon ayaa ka qaaday, hoos ayay u socotay oo sawiradii dadka kale eegtay, sawirkiisa mid qurux ku gaara maleh, ilaahoow rag ka roone iiga dhig ayay ku ducaysatay.
Badhanka saxiib codsiga ayay farta la aaday, intaysan riixina fartii inta joojisay oo tiri, bismillaahi, oo jug ku siisay, awliyo allaay ku haga inuu arko, maalin, labo, saddex, weli ma ussan aqbalin, malaha ma uusan arag ayay tiri, maba fiirin, waana gartiis oo wiilkaas quruxda badan waa hubaal in boqolaal gabdho ah ay saxiibtinimo ka codsadaan, usbuuc ayay gaadhay oo dhaafaty, war war ayaa la soo darsay, maalintay saxiibtinimada u dirtay wax badan ayaa laga soo wareegay, ka gadaalna waxa dhicikara in gabdho badan u direen, oo ayadii hoos martay, rajana maleh in uu arko, ilaahoow tus.
Laba toddobaad markii ay ka soo wareegtay oo weli ogolaansho aysan ka helin ayaa talo ku cadaatay, go’aan waxay ku gaartay jitaabadii u danbaysay in ay samaayso, tijaabo naf la caari ah oo si ay ugu guulaysan doonto aysan ogayan, farriin waa in ay u dirta, haddii uu ka soo jawaabi waayana ka waran? nin qoyan biya iskama dhowro, ayaa soomaalidu tiraahdaa, wadne wax jecel oo qofkii uu jeclaa u bidhaamayana waalli wax ma dhaamo, wixii la rabo ha la sheego, jidkaan u istaagaya oo runta faraha ka saarayaa, wuxuu rabo ha igu sameeyo, ha I dilo haduu rabo, oo hadduu I dilo ama igu qayliyo I caayo sow sheeko bilowgeed maaha? Xaafadaa isku soo baxaysa, gabadha maxaad u dharbaaxaday ayaa imaan, asna wa isku xishoon, waa I raali galin, anna waan ka ogolaan, anna waan raalli galin, asna waa iga oggolaan illeyn waa nin danbi galiye oo gabar dharbaaxaye, sheekadu waa noo furmaysa markaas, maalinta kale een arko waa ay salaami wuu ka qaadayaa asna, magaceeda ayay u sheegi, kiisuu u sheegi, barasha wanaagsan ayaa ka dhacaysa, lambarkiisa ayay qaadan waana la xariiraysaa, marka danbana runtay u sheegaysaa in waxaas oo dhiba ay dartiis u martay, tolow muxuu samayn doonaa markaas? Balse in ay farrin u dirto hadda ayay go’aan kii ugu danbeeyay ku qaadatay.
“Asalaama calaykum walaal”, oo aysan soo gaabin ayay u qortay, waliba fara gariir yar in uu ku jiro ay dareemayso ayay ku qortay, farta waaweyna waa ku qortay, si uu si fudud u akhriyo, in doora inta fariintii eegatay ayay is tiri, intaan kuma filna, oo ku daratay
“See tahay walaal?”
Intaas kabadan in ay qorto waa awoodi weyday, inta gacan qaadkii is gees dhigtay, oo sariirta isku kala bixisay indhaha isku qabsatay ayada oo hoos ka dal dalaysay, ilaahoow tus, ilaahoow tus……
Intay ilaahay baryaysay ma taqaan balse hurdo ayay la dhacday, waxaana ka kiciyay dhawaaq diginin farrin soo dhacday, bow inta tiri eegtay, waa magac nin oo codsi saxiibtinimo u soo diray, mobikii inta sariirta ku dul tuurtay ayay tiri,
“Waxaad ku faraxdo alla kuma tuso” qolkiina ka baxday ka dib markii ay maqashay hooyo oo u yeeraysa,
hooyo oo dayrka ganbar ku fadhida ayay u tagatay oo tiri
“Hee, hooyo”
“Maanta maxaa ku helay maadheey, ma xanuunsan tahay? foolkaaguna ma fiicne”
“Maya hooyo, waa caafimaad qabaa, waxba majiraan”
“Maanta oo dhan qolkaad ku jirtay marna kama aadan soo bixin, waxaan is iri amay xanuunsan tahay”
“Maya hooyo, waan iska daalanaa uun, waan nasanayay”
Markaas ayay dareentay in xilli ku tagay oo wax badan ay qolka ku jirtay, howshii guriga ayay iska dhamaysay ayada oo hadba mobaylka eegaysa bal fariin soo dhacday intay howsha ku jirtay, mase arag wax yimid, habeenkaas fiid hore ayay qolkeeda gashay, gacanqaadkeediina laabta gashatay, sugitaankii wax soo dhaca ayaa ku dheeraaday, rajaduna waa sii yaraanaysay, maalinba maalinta ka danbaysa quusasho ayay u sii dhawaanaysay, xaaladaas ayadoo ku jirta, haddana wadanheedu wanaag ayuu saadaalinayay, iftiin soo baxa oo dunida u nuuriya ayuu hammi weyn ka qabay, sida maskaxda oo kale wadnuhu quusasho ma yaqaan, cakuye wadnahaan muu iska iloobo, waxaan dhici Karin ayuu u hanqaltaagayaa, ayay nafta ku tiraahda, xilli aan caruurtu seexan ayay hurdo la dhacday, waxayna ku riyootay ayada oo Seeraar la joogta, asga oo guriga quruxda badan ee uu dagan yahay ka soo baxaya ayay illinka ku qabatay, oo ku tiri
“Codsi ayaan ku soo diray, ima aqbalin, farriin ayaan kuu soo diray iigama soo jawaabin” ayay riyada dhexdeeday Seeraas ku eedaynaysay,
“Wallaahi abaayo ma arag.”
Hadalkii ayay ka dhex gashay
“Naagihii ayaa kaa batay ayaan u malayn, ma adaaba indha ii leh”
“Goormaad ii soo dirtay? codsiga iyo farriinta”
“Laba toddobaad waa ku dhowdahay”
“Sug aan hadda fiirshee oo ku aqbalee” ayuu yiri
Doodaas macaan ayada oo ku jirta ayaa farriin soo dhacday hurdadii ka kicisay.
La soco…….
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply