“Sagal waad soo dheeratay maantaye” ayuu si kaftana u yiri
“Gadhaan saxiibtayda ah ayaan soo booqnayay” ayay tiri, inantii martida ahayd, oo dhinaceeda markii ay eegtay ay aragtay Saado oo aan garab taagnayn oo meel cabbaar u jirta taagan, seeraar iyo gabadhii markii ay sheekadii dhammaysteen, ayaa Saagal u timid Saado oo ku tir,
“Oo maxaad u soo carartay wiilka aan ku bari lahaaye, mis e waad is taqaanaan? umaba malaynayee”
“Ma aqaan, mar dhow ayuu xaafada soo dagay, nin kibir badan ayuuba u egyahay”
“Maahan wallaahi, waa wiil miskiin ah oo aad u wanaagsan”
“Xagee isku barteena adinku?” ayaa Saado weydiisay
“Xaafadeena ayuu ka soo guuray, cidiidsa ayaa xaafadeena dagan, walaashiis ayaan saxiib nahay”
“Dadkaan ka maqlay xaas ayuu lahaa, ee ma guriga cidooda ayuu la daganaa? waaba ceebe” ayaa Saado oo war raadis ah weydiisay Sagal
Sagal inta socodkii joojisay, oo istaagtay, ayay tiri ayada oo yaab foolkeeda ka muuqdo
“Bismillaahi, dad war badanaa, oo been badnaa, waligiis ma guursan, wax badan ayaa hooyadiis iyo aabihiis guurso la daba joogeen, asna uu ka meer meerayay, balse guur waa iska calaf, walaalaeey xaafadiinu war badana”
“Sasaan ku aragnay”
“Wallaahi waa nin wanaagsan ee ma ku baraa?” ayaa Sagal iska soo jartay ayada oo aan markaas waxba ula dan lahayn, Saado na waxay u ragtay fursadii ay raadinaysay in ay timid, markaas ayay ku tiri
“Waa ceeb waa uu tagay haddee, foolbuugiisa isii anaa tartiib tayda u baran, iskagana eegaya si wanaagsane”
“Iska eegid uma baahna kan, anaa kaa huba, ee waayahay, whatsapp kiisa iyo fool buuggaba waan ku siin”
Sidii ayay labadiiba ku siisay Sagal, Saado whatsapp ayadu maba rabain xillgan la joogo ee fool buug ga ayaa u darna, oo whatsapp waxay ugu sheegto ma aqoon, tan kale mobile lamberkeeda ayuu helayaa, tii haddii ay aragtana waa u sheegaysa in ay ayada tahay.
Tii bayaba ku keentaye, idil maxay uga dan lahayd beenta ay u sheegtay, xaas ayuu lahaa oo waa furay, acuudi billaahi, been badana naagatu, beense bilaash looma sheegee, maxaa jira? Ma tuhunkeedii ayaa dhab soo noqonaya? Sagal se maxay u tiri waa nin wanaagsan? Ma nin gabdhaha jidadka ugu dhaarta oo ilakaha ayaan ka daadin yiraahda ayaa wanaagsan? Garaadkeedu hadalka Sagal ayuu la jiraa, oo la saxsan, ma garaadkeeda mise wadnaheeda? Malaha wadnaheeda, maxayse is dhaaman? Mar haday ninka rabto maxay is dhaamaan maskax iyo wadne? Waxba wallaahi,
waxay gudaha iska tiri, muhiimku waa in ay jeceshahay, maya, maya, muhiimku waa in uu I jecal yahay, hadduusan I jiclayn waa in uu i rabo, haddii uusan I rabin waa in uu raalli iga yahay, allaah, gabreey ka isku waalan, balse Saado sow ma oran waa nin wanaagsan, guurna waa calaf, sax calaf haddii uu ii galay maeel kala aadi mayno aniga iyo asagu, ilaahoow ii rumee riyadayda, waxay aragtay in ay weli taagan tahay bartii ay Sagal ku kala tageen, hoos ayay u qososhay inta isla yaabatay oo gurigii si dhaqsa ah u aaday.
Intii aysan illinkii aqalka gaarin idil ayaa jid luuqa uga soo baxday, Idil waxa dhacayay oo dhan korka ayay kala socotay, sheeda ayay ka daawanaysay sida wax u dhacayeen, in gabadhii la socotay Saado ay seeraar salaantay, Saado meel ka durugsan ka istaagatay, markii seeraar uu ka soo tagayna ayadaaba jidka u taagnayd, oo salaanatay oo caafimaadkiisa warsatay, balse wixii Meesha ka dhacay iyo gabadhii midna ma aysan ka waraysan, wixii war ah dhoohanta bacaadka qoor sagaarada ku haysa ayaa kuu keenysee maxaad ka weydiin wiilka ayay iskugu sheekaynaysay, sidaas ayay Saado u sugaysay oo luuqa kala socotay soo noqoshadeeda.
“Gabar saxiibta ah miyaa maanta ku soo booqatay?”
“Haa, gabar muddo isku kaaya danbaysay ayay ahayd”
“Seeraar miyay is yaqaanaan? Anoo dukaanka u socda ayaan arkay ayaga oo isla taagane”
“Isku xaafad ayay ahaayeen baan u malayn” ayaa Saado oo hadalka u soo gaabinaysa tiri
Balse idin kow wax uma joogin, war badan oo ay doonaysay ayaysan weli helin, markaas ayay tiri
“Ma saxiibtiis baa waa ayagii labadoodu gooni u taagnaaye?”
“Ma aqaan, koley aniga iguma oran, ee adigu maxaad rabtaa u ogaatid”
“Ayaan darada naagtaas ayaan la yaabay, hadday saxiibtiis tahay”
“Ayaan darro seeya”
“Wallaahi waan ka xumaaday markaan arakay asaga oo la taagan, miskiinta yaa wax u sheega yaan is iri”
“Waxaad ka hadlayso anigu ma garan, arriimaha dadka kalana wax kaa galay maaqaan, hadday saxiibtiis tahay iyo haddii kale waa wax ayaga u yaal” ayaa Saado oo iska dhigaysa qof aan waxba ogayn tiri, doonaysana in ay guriga dhaqso u gasho, maskaxdeedana ay ku wareegayso, magaca ay la bixi doonto markay foolbuugga cusub maanta samaysato, Shacni, waa magac wanaagsan oo gaaban, haa wallaahi asaga labax, waxaase ka kala jaray riyo maalmeedkeedii Idil o oleh
“haddaan dumar nahay masaakiin ayaa nahay, in aan is garabsiinana waa waajib, naa ma ninkii aan xaafada ku soo dhaweeyay, oo aan walaalka ka dhigtay ee I soo hunguriyeeyay, walibana isku dayay in uu luuqyada igu fuulo sidii dhillo, miyaan qof aan aqaan ku sii daaya oo uga aamusa, aay saxiibtaa tahay adaana xil kaa saran yahay inaad u digtid” oo inta cirka kor u eegtay ayada oo iska dhigaysa in ay eebe la hadlayso tiri “ilaahoow waad ii jeeda inaan been ku hadlin”
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply