Ku tabay, Toosanoow [sheeko jacayl ah] Qaybtii-4aad

 

 

Aroortii danbe Idil ayaa Saado ugu timid guriga ayada oo jikada kambar ku fadhida oo quraac dubaysa, in ay war la soo rooraysana Saado waa garaty markas ayay tiri

“Saxiibay, ma dalqaad gonyasa, aroortaan hore eed socotid waa maxay?

“Shib dheh, sheeko anaa kuu haye”

Saado oo is leh Idil xan faresh ah ayay wada ayaa ku tiri

“Warka soo daa, ma sugi kare”

Idil inta hareeraha iska fiirisay oo hubisay inaan cidi ka ag dhaweyn, tiri

“Kibaan shalay arkay”

“Kee?”

“Kaad is dagaal sanaydeena, magaciisa Seeraar ayaa la yiraahda”

Saado fur canjeeladii ay cajiinta ugu waday si ay birta ku shubto ayaa ka dhici gaaray.

“Naa isma dagaalsanine warka sidaad u dhigaysa xuma” ayay yiri ayada oo qarinaysa in aan wax dareen ah laga dareemin, idli inta qosol yar oo qosol dhagareed ah qososhay ayay tiri

“Haddaad ogaan lahayd halka uu kaa taagan yahay, sida ma aadan tiraahdeen”

Saado oo wadnihii afka u yimid ayaa weydiisay

“See wax u jiraan? Warka ii sheeg”

“Shalay ayaan jidka ku arkay, waan salaamay, asna si aan wanaagsanayn ayuu salaantii iiga qaday….”

“haye”

“Waxaan ku iri, walaaloow maalin dhaweyd is fahan la’aan ayaa adiga iyo saxiibtay idin dhex maray, in ay kaa raalli galisana waa rabatay….”

“haye”

“Haa, waxaan ku iri, inay kaa raalli galisana waa ay rabtay…”

“Intaas wa sheegtay ee wad sheekada, maxuuu yiri marka?”

“Sug, warku siduu yahay aan kuugu shegee, oo wixii dhacay xabbad xabbada kuugu sheege”

“Haye” ayay tiri Saado oo warka in loo dhamaystiro sugi la’, waa ay ka xanaaqsanayd runtii in Idil ay kala hadasho arrintaan wiilka, si baysan u rabin, balse hadda xiisa waxaa haya asagii ayaaba laga shekayn doona, Idil ayaaba afkeeda kula hadshay oo asna uu la hadlay, Idilna laabta waxay iska tiri,” walle tanwaa la haya” sheekadii ayay sii waday

“Ayadu wa kaa xishoon ayaan ku iri…”

“Sax”

“Sheeka dhab qiska jooji, aan sheekada si fiican kuugu sheege”

“Haye”

“Xagee marayay, haa, in ay kaa raalli galisana waa ay rabatay wixii dhicay, markaas ayuu igu yiri, raalli galinteedana ma rabo, arageedana ma rabo, ee hadaysan dhib rabin ag tayda yaysan iman”

Markaan furkii canjeeladii oo buuxda ayaa ka fakatay oo birtii ku dul dhacada, cajiin qasanna dhinac walba u firdhaday, idin aya la soo boody markaas

“Maxaa ku helay, xabiiti?”

Saado oo yaan waxba lagaa dareemin leh aya tiri

“Wasaqaas xunkaa sida uu iskula quman yahay ayaan ka xanaaqay, warkiisana ma rabee iga jooji sheekadiisa”

Saado birtii ayay tir tirid ugu dhaqaaqday, Idilna warkii ayay sii waday ayada o oleh

“Wallaahi waa sidaad sheegtay, ninku waaba mujrim, bal qof la raalli galinayo oo sii dhaaranaya, yaab”

“Wuxuu samayn karo aan aragno, waxaan raalli galinaya maleh, qurunka xunka” ayaa Saado oo weli burtii iyo dharkeedii tir tiraysa tiri, xanaaq na uu ka muuqdo

“Waligay asga oo kale ma arag, qof ka xun waa ii dhimman yahay” ayaa Idil ii illinkii jikada u sii socota yiri, oo ku dartay,” asagaa cirka cana ku og, ee nabdeey macaanto, iskana ilaali ninkaas, mid la aamini karo uma ekee”

Maalintaas waxay goosatay Saado in ay qalibigeeda xirato, iskama iloowdo Seeraar oo dhan, dhalanteedkaan ay ku nooshahayna ay ka baxdo, waxa jira jacayl iyo ka helid, waxaygu waa ka helid mooyee, jacayl maahan, ayay nafta u sheegtay, jacayl dhaqsahaas kuma yimaao, awalbaaban yaabana, jacayl qacda hore ah, war dadku been badana, koley anigu ma rumaysni, wax yaabo badan oo cankaas ahayaa maskaxdeeda ku wareegayay, wallaahi asaguba gar ayuu leeyhay oo asga oo I bar yaya oo I raalli galinaya yaan bax ku iriye, balse hadduba saan nin xun u yahay, waa istaahilaa waxaan ku iri, nn diiday gabar raalli galinaysa nin ba maahan, ha isoo marin dheh, anigu qof dumara oo xanaqqay ayaan ahaa, ee ma igu dayanaya, war bax ku dheh, amay Idil been dheegaysa ama si kale wax u fahantay? Waa dhici karta, Idil fudaydkii ayay ka badatye, intaan ceeboobi lahaa oo dhalanteed isugu sheekayn lahaa ahaday ba ii soo sheegtay, khayr allha siiyo, wallaahi saxiib wanaagsan weeye.

Galabtaas waxa Saado booqsho ugu yimid gabar ay asxaab yihiin oo xaafad kale dagan, markii gabdhii baxaysay ee ay sii dhaweynaysay, ayaa jidka waxa uga hor yimid Seeraar, oo ay gabadhii is aqoonsadeen

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply