Ku tabay, Toosanoow [sheeko jacayl ah] Qaybtii-3aad

 

 

Saado gurigoodii ayay aaday, Idil ayaa ku hartay fadhigii oo tiri, xooga ayaan sii fadhin, wax yar ka dibna waxa soo muuqday Seeraar oo ay filaysay in uu xilligii uu imaan laha ay dhaweyd, markii uu ag marayay ayay tiri

“Maalin wanaagsan, aboowe”

Inta istaagay ayuu yiri

“Wanaagsan oo wacan, abaaoyo”

Markaas ayay inta booday oo istaagtay tiri

“Raalli iga haoow, fadhigaan kugu salaamayay”

“Wax dhiba ma maleh”

Inta u soo dhawaatay xooga oo wax yar u jirsatay ayay tiri

“Hadal yar ayaan rabay ku iraahdo, ee caadi miya”

“Waa caadi abaayo”

Fool miskiin inta isku yeeshay ayay tiri

“Wax kale maahine, waxaan rabay in aan kaa raali galiyo saxiibtay sidii xumayd ee ay kuula dhaqan tahay maalin dhaweyd”

“Oo ma xaafada ayaaba laga ogyahay?”

“Maya, maya, ayada ayaa ii sheegtay, wiilka waad ka qaldanayd ee raalli gali hadaan irina waa diiday, waa qof dabeecad qallafsan oo kibir badan, xaafada intaas la eg aniga kaliya ayay saxiib igala tahay, aniguna qof dulqaad badan ayaan ahay, sidaas ayay igula heshiis tahay, samirkayga iyo dulqaadkayga, calaa kulli xaal waxaan is iri, mar haddii ay ayadii diiday in ay kuu raali ciliso, Idileey waa mas’uuliyad adiga kusaaran, Idil waa magacayga abeewo, marka raalli ka ahoow waxay kugu samaysay? Kun iyo kow jeer anaa kaa raalli galin”

“Waan kaa aqabalay walaal, qf wax garad ah ayaa tahay, ayadana u sheeg wax aan u qabo maleh”

“Maashaa alaah, wallaahi qof wanagsan baa tahay, waxay kugu dhigtay, haddi aad leedahay waxba uma qabo, qof qaaliya ayaa tahay, ee magaca aboowe”

“Seeraar”

‘“libaax baaaba laguugu magac daray” ayaa Idil oo dhoola cadaynaysa tiri “barasha wanaagsan aboowe, xaafada waad ku cusub tahay, dadka daggana qof xun iyo qof wanaagsan waa isugu jiraan, mase kala taqaanid adigu, anigaa ku dhashay oo intaan ku soo la ekaaday, aniga ayaana hada laga bilaabo isku xilsaaray in aan la taliyahaagii xaafada noqdo” oo inta qosol been le qososhay tiri ‘wallahi ma jecli dadka la dhibo, dhibse maleh, kan xun oo aadan wax ku darsanayn iyo kan wanaagsan anaa ku kala bari doona in shallaah, qoro lambarkayga aboowe”

Lamarkedii ayay sidaas ku siiyay oo soo fariistay bartii ay ka kacday, tirina

“Horay ayaa loo yiri, dumar rag kuma heshiiyaan, anna quruxloowgaan naag kula heshiin mayo” oo qosol yar ku dhufatay.

Saado soo jeed ayay ku daahday, waxay ka fakaraysay sidii ay u raali galin lahayd Seeraar, waxaase ku taagna oo ay ka fakaraysay, muxuu samayn doona markaad raalli ahoow tiraahdid? Muxuu kugu odhan doona? Side kuu qaabili doona? Ma bax ayu uku odhan doona? Ma haye walaal waan kaa aqabalay ayuu ku odhan doonaa? Way oo way, Haddi aayatiinka waxa dhacaya la tusi lahaa oo daaqad yar loo furi lahaa ay ka daawto sida xaal noqon dono markay la kulanto, war warkaan ma hayeen, oo maxaa jira war war raalli galin ka badan wax kaniye? Waxay is weydiinaysay, ma dhici karta in …….? Maya maya, macquul maahan, in ay jeceshay baa, sow lama odhan jacayl qacda hore ah aya jira? Maya, maya, waxaas waa sheekada filimada dhalanteed ka ah ee hindiga, jacayl sow sidiisaba dhalanteed kuma bilowdo? Ma awal baa jacayl ahaa wax la qorsheeyay oo laga soo baaraan dagay, jacayl sow kadis kuma yimaado? Ma wadnaha inta soo garaaco ayuu hoodi hoodi yiraahda jacayl asaga oo la sugayo? May wallaahi, waa kadis jacayl, sibiqna kugu gala, sax, maskaxdeeda waa ay ka saari wesay Seeraar, markii ay wax kale isku maaweeli damacdo, muuqaalkiisii uun baa ka soo dhex galaya, Idil maxay u faanisa horta? Ilkaha hadduu iga daadiyo wax uma arkeen maxay u tiri maba taqaane? Ciil ayaa qabtay, waana isla yaabatay, oo maxad uga xanaaqaysa ilkaheeda ayadaa iska lehe haduu ka daadiyo? Maya ilkaha maahan, maxay ba u tiri waan yeeli laha? Ma ninkay isla rabta? Ninkasta oo xaafada yimaada sidaas ayay caasha uga gasha, uma ba malayso dumar kale xaafada joogaan, ma kaligeed baa naago ka nool, walaahi weyd edeb daran tahay. Mar qudha ayay ka soo baraarugtay riyo maalmeedkii ay ku jiratay iyo isla sheekaysigii, waxay dareentay i ay xanaaqsan tahay, dhuunto xiran tahay, maxay ka xanaaqday? Ah, madaxaaba igu xanuunay fakarkaan, aan iska seexdo, ayay is tiri

Asaga qudhiisu habeenkaas hurdadii waa ka yara daahay, waxa ku soo noq noqanayay, hadalkii Idil, balse si baa niyadu u diidanayd in ay rumaysato, sow ma dhici karto in aysan gabdhu ahayn sida Idil sheegayso? Sow ma dhici karto in ay dhab ahaan u qaadatay in uu si kas ula dan lahaa taabashada? Rag waa dhurwaa ee gabadhii yac iska dhahda ma qof xun baa? Maya, ma dhici kartaa sida Idil sheegayso in gabadhu u xun tahay? Waa dhici karta, Idil qof akhyaarad ah ayay u ekayd, magaceeda maxay kuugu sheegatay? Saado, haa, Saado, waa magac qurxoon oo muuqaalkeeda u qalma, adiga baddaan maxaa ku galiyay Seeraaroow maad iska seexatid? Maxaa uga fakarayasa wax tagay iyo gabar ku cayday? Haa, gabadha, wallahi gabdhaas qof xun iilama eka, war seexo nin yahow, waaba waalate.

La soco……..

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply