Shaqadii guriga ayay bilowday oo ay mashquul ku noqotay, casirkii markii la gaaray ayay banaanka so fariisatay, waxaana u yimid saxiibteed Idil, intii ay fadhiyeen ayuu soo maray Seeraar, markaan ma uusan eegin lknse Idil ayaa tiri,
“Galab wanaagsan aboowe”
“Wanaagsan oo wacan” ayuu yiri asaga oo aan eegin dhankoda, socodkiina sii watay
“Kibirkiisa ma aragtay horta, qof dhan oo salaamay oo uusan si fiican salaanta uga qaadaynin”
“Waa iga qaaday waaba maqlaysaye”
“Taas ma salaan qaadniinba, ugu yaraan inta istaago si xushmad leh kaaga qaado ayay ahayd”
“Anigu sidaas ayaan ku qanacsanahay, nin xishoonaya in uu yahay ayaan dareemay,”
Saado qudheedo wa dareentay ee waa is doqon diidsiinaysay, tan kale wa ay dareentay in markii uu ag marayay hawada laga dareemayay burjigiisa,
“Waxaan maqlay naag ayuu qabi jiray oo kala tageen” ayaa Idil tiri
“Walle in uu mujrim u egyahay, markaas ayaad adna tiri waa nin wanaagsan, ninkaas naaga furriinka yaqaan”
“Adiga waxaan u malayn xanaaqii ayaa weli kugu jira” oo inta Saado eegatay tiri “ilkahaan kaa daadin miyuu ku yiri?”
“Haa, waaban baqsana, amuu feedh kugu bilaaba ayaa ban is laha, ee ilaahay odaygiigii buu keenay”
Idli inta qososhay ayay tiri
“Haddu kaa tuuro, asgaan kugu dari lahayn, waa wiilkaas quruxda badane, anigu wax uma arkeen hadduu iga daadiyo oo i guursanayo” oo haddana qososhay
“Naa iga tag, wax waalan baa tahaye”
“Saadooy nafta runta u sheeg ninka waa rabtaaye, waligaa runta kama waaban ee jooji beenta aad naftaad ugu shekaysnayso, ayaantaan sidii hore ma tihide”
“Naa bax baa lagu yiri”
In kasta oo ay saxiibteed bax ku tiri, oo ay ka hor timid warkeedii, hadana waa ay dareesanayd in wiilka aysan wax ciil ah u qabin, uurka wax ugu sidin, walle war baa jira, ma eegmadisii maalintii dhaweyd ayaa wax badashay? waa aydan aaban kala jeclayn wixii buuq labadooda dhex maraye, kaba darane waxay daremaysa in ay ayadu gardarnayd, oo gardaradii ayadaaba isa saaratay, waa wax ku cusub Saado, oo fudaydkaas cid ay is maageen isaga dhaafta, war jiraaba cakaaruu iman, ayay is tiri ayada oo hoosta ka qoslaysa.
Dhinaca kale Seeraar markii uu sariirta galay, maskaxdiisu aad bay u shaqaynaysay, naagta gaaban edeb darnayda, ayuu is yiri, waligiis naag ku soo af celisa ma uusan arkin, muxuuse arkaa waligiis qof dumara hadal qaldan kuma oran, fal qaldan iska daaye, Seeraar waa dadka aan fudaydka ku kicin, haday kacaanse aan harin, tan aad ayuu u la yaabaay, gardarada cad ee ay la soo beegsatay iyo cayda, mudankeeda in uu tuso ayuu go’aan ku gaaray, muuqaalkeedi ayaa u sawirmay, waa ay qurxoontahay, waliba gaaban tahay ayuu is yiri, Seeraar dumarka gaaban aad ayuu u jecel yahay, ayadu waxay gaabnidii ku sii darsatay diricnimo, muxuuse uga fakaraya hada naagtii sidii la okayd jidka ugu cayday, ma aarshasho ayuu ka raba? Waa ceeb qof dumar gacan uma uu qaadi karo.
Saado islahabeenkaas waxay ku riyootay, ayada oo la taagan Seeraar oo ay ku leedahay,
“Raalli iga noqo aboowe, waan kaa qaldana, hal mar lee i cafi”
asna si macaan inta u ilka cadeeyay ku leeyahay,
“Dhib maleh abaayo, isla markiiba waa iska iloobay waxaas, ee amaad adigu weli ciil qabta?”
“Bismillaahi, maya aboowe, hadaan ciil qabo, maba ku soo raadsheen si aan kuu raalli galiyo” oo inta dhoolla cadaysay tiri “waa uu ku cafin doona isma lahayn wallaahi. Mahadsanid, aboowe”
“Qof uurka xumaan kuugu sidi kara in uu jiro u malayn maahyo, quruxleey”
Farxad ayada oo la duuli rabta, oo laabta qoboow macaan ka marayo, oo foolka wiilka oo dhoolla caddayna daawanaysa, ayaa hurdada waxa ka kiciyay, addiinkii salaada subax
“Ah, cakuye shiikhaana muxuu ahaa” ayay tiri oo ka daba gaysay “ilaahoow towba”
Durbadiina go’aan ayay ku gaartay in ay raali galiso, waxayna u sheegtay Idil oo tiri, sidaas ayaan samayn raba
“Waxaan dareemaya in aan ka qaldana wiilka, marka in aan raali galiyo ayaan raba”
“Waa lagu hayaaye maad ii sheegtid” Idil tiri
“Maxaa i hayn laha?”
“Waxaadan ogayan kuma hayaan, ee maad ninkaas iska daysid, qaabkiisan arkaye mid raali galin kaa yeelaya maahane”
Saado niyada ayay iska tiri
“Ninka ma ayada ayaa isla rabta?” balse afka waxay ka tiri
“Ha yeelo ama ha diido, anigu danbigii aan ka galay, waan ka raali galain”
“Sow adigii lahaa ninku waa edeb daran yahay, oo waa ku taabtay? Ma ninkii sidaas ku yeelay ayaad leedahay waan raalli galin? Naa ma adgaaba taabshada rabay waa yaabe? Kaas oo kale kab ayaan foolka kgag garaaci lahaa wallaahi, ragna ku soo diri laha” ayaa Idil tiri,
Saadna shib ayay ka tiri
La soco……..
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply