Ku tabay, Toosanoow [sheeko jacayl ah] Qaybtii-11aad

 

 

 

“In sidiina oo kale uurka wax la isugu hayo, wadaadau ma fiicna sidaas ayay yiraahdeen”

“Anigu in aanan xumaan cidna uurka aanan ugu hayn waad ogatahaye, maxaaad ka wadaa hadalkaas?”

“Adigu hadaadan ugu hayn, asaga ayaa uurka kaaga buuxa, doqon ku xunka”

“Oo ninkaad hadda la sheekaysanaysay oo la qoslaysay, maxaad u cayn? Laba wajiilanimadu ma fiicnee”

“Uma laba wajiilayn walaahi, ee runtaan u sheegay”

“Maxaad ka hadlaysa?”

“Waa I shukaansaday, horayba sow anigii kuugu sheegay in uu I soo damciyay, maanta markii aan haddana ka diiday ayuu yiri, iga bar xaafada gabar aan la raaxaysto”

“Haye?”

“Gabdhaha xaafadeenu saas u malaysay maahan, ayaan ku iri, waa gabsho sharfan, markaas ayuu yiri, tan edebta daran mid sharfan uma eka ee bar ii soo qalqaali ayadaan ka aargoosane”

“Waa tuma taasna?”

“Adiga ayuu kaa wadaa, wasakha xun, waxaan ku iri, afkaaga edeb u yeel, saxiibtay aniga hortayda waxaas kuma dhihi kartide, xaafadana ayadaa ugu sharaf badan, ee dedb yeelo”

“Haye?”

“Markaas ayuu yiri, waxba ha igu xanaaqin aniga, taas sharaf kama muuqatee, walle mar aan qabataba inta caloosha u buuxiyaan bax ku oran”

“Edeb daranaa ninku” ayaa Saado oo war sii baaraysaa tiri

“Waa akhlaaq leh maahan, ee ninkaas yuusan jileec kaa arkin, ani ahaan horta meel baan iska saaray” ayay tiri ayada oo wajiga kala rogaysa, beentaa kaaga sii daran, eray run ah ma yaqaan”

“Waa maxay beenta uu kuu sheegay?”

“Ku lahaa indhahaygaan kaa jeclahay”

“Saa maxaad uga bensatay? Sow kuma jeclaan karo?”

“Ma qof aad jeceshahay miyaa xaaraan loo quudha? Kaaga darane, markii aan ka diiday

wuxuu rabay, ayuu waan ku jeclahay I yiri, naarta allaha kugu fogeeyo dheh. Muxuu gabdha masaakiin ah soo halleeyay”

 

 

Markii ay kala tageen, ayaa Saado fakar gashay, ayada oo is leh,

Idilin in ay war badan tahay, oo waxay sheegayso been u badanyihiin waa hubaale, amaa wax uun ka run yihiin warkeeda, oo ninku siduu u muuqdo uusan ahayn, ma dhici kartaa akhyaarnimada iyo hadal wanaaga in uu igu soo dabayo? walle rag aamin maleh, wax kasta ka filo, amaa gabadha uu hoosta ka jecel yahay ay tahay Idil? Maxay ayadu ilaaldan ugu jirta, oo ar kasta ninka ugu fool xumaysa, oo nin xun in uu yahay ugu sheegta? Walle wax baa jira, ama ayadaa rabta ama asagaa raba oo si uu wax ugu sheegto ayuu garan la’yahay, caawa ayaanse kala ogaan, runta waa in ay soo baxdaa caawa, oo gabreey adiga maxaa ku qaaday? naa shaydaanka iska naar, labadaas wallaan wax u dhex marayne, nin fiyoowna Idil wax ku darsanayne, aniguba hadaan nin ahay wax kuma darsadeene, dhal dhalaalka beenta ah ayaa sira ragga, taasna waa jirta.

 

 

Maalintaas oo dhan maskaxdeedu mashquul ayay ahayd, waxaana ku dheeraa, inta ay fool buug isku arkayaan Seeraar, waa inay ogaata waxa ka dhaxeeya labadooda, maxay is lahaayeen? maxay ku tiri? maxuu asagu yiri? ma saaxiibaa? ma jecelyahay siday ay ayadu tiri? Gabdha uu sheegayay ee uu hosta ka jecla ma iyada toloow? Ayada Saado ahaan maxaa u tala ah haddi ay dhabtahay oo uu jecel yahay?

 

 

Inkaar qabahaan xaafada maxaa soo dajiyay, noloshaydii ayuuba wareer galiyay, doqon miyaa muu dareemo inaan jeclahay? Sow uma sarbeebo jacaylka markaan fool buug ku jirno? Nin wax fahma maahan miyaa? Jacayl miyaa qarsooma? Qof ku jecel miyaa is qarin kara? Mise kas ayuu isku khaafiyaa oo jacaylka tan kale uu u qabo ayaa ku weyn? Taasey meel xun ka bax, Wadnahaygay dhaawacday, danbiga se asagaa iska leh, sow lama oran qofkaad jeceshahay waxaa ka wanaagsan oo laga door bidaa kan ku jecel, si aan yeelo maaqaan, ilaahoow jacaylkiisa iga dul qaad, nin aan ii jeedin oo tu kale u caddahay si aan isku tuso maaqaane, xanuunka waxa igu siibadiyaana waa idil, oo wax wanaagsan aan iiga sheegin, maantana iila timid wuu I jecel yahay, talo adaa ku filan alloow, jacayl aan gaari karin ayaan ka dabac rucleeyaaye, wadne waan wax maqlayn ayaa waalli ii wada e.

 

 

Galab dheer ayay wixii howl u yaalay iska dhamaysay, qorshaheedu waa caawa in ay wax kasta ogaato, wax kasta oo ku saabsan gabadha seeraan jecel yahay, tan wadnaheeda dhaaca u gaysatay, waa in ay ka dhalisaa caawa war oo dhan, haddii uusan u

soo jeedin oo rajo jirin waa inay ogaataa caawa, caawa waa inay niyada ka jartaa Seeraar ama hesha, wax ka dhaxeeya maleh, qumayo xun oo Idil oo kale ah nin wanaagsan kama qaadi karto, Seeraar adaa leh, ayaa niyadeeda ka guuxaysay maalintii oo dhan.

 

 

marna inta isla yaabto ayay is tiraahdaa, sidee ku yeelatay waaba kuu cadeeyay naag kale ayuu jecel yahaye, ilaahoow taas nabad waaga ha ugu barisiin ayay ku habaarta, gabadha uu sheegayo, qumayada xuntaa, habaar aan cid kale maqlayn ayay u taana taanaysay, inantii uu yiri wan jeclahay, marna istaaqfuru laah ayay tiraahdaa intay gabadha habaartay, xaladeedu ma daganayn, xilliggi ay khadka isku arki jireen Seeraar markii uu soo dhawaadayna sariirtay ku ururtay, weerar aan ganbasho lahayn oo ay runtaku ogaanayso, asaga runta ugu sheegaysyo ayay diyaar u ahayd, sikasta oo ay u towbad keento, markasta erayga ugu danbeeya ee laabteeda ku soo dhacaana wuxuu ahaa, ilaahoow meel xun ka bixi taas.

 

La soco…….

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply