“Sidee loo eego?”
“Waa sheeko dheer mar kalaan kaaga sheekayn, ee adaa hadalka wataye, rajadu waa sidee?
“Waa sidaas hadaan ku idhaahdo, been baan sheegay, ilaahay baase jooga”
Waa runtiis, ilaahoow adaa jooga ee dhinacayga u soo dharbaax, fiicnaan lahaydaa ayada oo duqsi u aragta oo dadkaba aan ka aqoon, ilaahoow saasaan kaa baryay, raboow olol jacayl baa igu shidan, asgaana damin kara.
In yar ka dib waa kala tageen oo xilli danbe aya ala gaaray, aroortii ayaan shaqo u kallahaayaa ayuu yiri, ayaduse tan iyo iftiinka waabari inay la sheekaysato waa doonaysay,
Inkasta oo gabadha uu sheegayo ku taagnayd oo ay hoos ka habaaraysay, haddana rajadu aad bay u wanaagsanayd, hankeedu aad ayuu u sareeyay.
habeenkaas hurdo fiican ayay seexatay, wax badan ayay ku riyootay in kasta oo arorortii markay kacday aysan wax badan ka xasuusan, meelo meelo riyadii ah uun baa u iftiimayay oo ay xasuusatay, sida ayada iyo asaga oo xeeb taagan oo xaysku cagahooda dushooda ku dhamaanayo, waa ay caga cadaayeen, gacmahana waa is haysteen, shimbiro meel fog bada dusheeda duulaya iyo doomo qaarna dhawaa qaarna fogaa oo socday ayay daawanayeen, marmar inta ayadu ka soo jeesato daawasha bada ayay foolkiisa kor u eegaysay, asna inta dareemo ayuu hoos u soo eegayay asaga oo dhoolla cadaynaya, markaas ayaa farxad gabigeed wada qaadaysay.
Waxa kale oo naxdin ku dilay qayb kale oo riyyadii ka mid ahaa, waxay xasuusataa, waxay aragatay seeraar iyo idil oo isla taagan, oo dad badan hareeraha ka joogaan oo ay leeyihiin hambalyo, arooska cusub, oo hadba idil inta gadaal u soo fiiriso si fool xun u ilka cadaynayso, ayada oo dhexda ka haysta seeraar oo isku dhajinaysa, oo ay oohin qabsatay, oo hayadeed inta u timaado weydiinayso
“Hooyo maxaad la oyn?”
kuna tiri,
“Ninkaan jecla ayaa qumaydaas iga qaaday”
hooyana si qaboow ugu tiri,
“Calaf baan isku kiin galin hooyo, mid wanaagsan oo aad is jeclaataan waad heli doontaa, samir hooyo”
ayaduna inta kor u qaylisay ay leedahay,
“Nin kale ma rabo, nin kale, marabo, asgaan jeclahay, asagaan rabaa, seeraar baan rabaa?
oo orod is qaaday, una roortay dhicii arooska, ayada middi gacanta ku sidata, oo doonaysay in ay idil nafta ka qaado, balse markii ay u dhawaatay labadiiba waa mirqeen.
Si ay u fasirato riyadii dabne waa ay garan weyday, waxayse ku qiyaastay in labadaas aysan waligoo is guursanayn, waayo riyada markii ay u ordaysay xagooda labadiiba waa baaba’een, hawa cidla’ ah ayay noqdeen,
waxaas fasiraad maahan, waaba is guursadeen oo waaba ku aragtay riyadee, ilaahoow riyadaas run ha ka dhigin, ilaahoow riyadihii hore run ka dhig, sow adeerkay ma odhan jirin, riyada xun sida lagu arko maahan ee waa sida kale, riya xun hadaad aragto, wax fiican ayay noqon, sax, wallaahi, is guursan mayaan, sidaas weeye riyada macnaheedu hadaan garatay.
Sidii caada ahayd howshii ayay iska boobsiisay oo banaanka fag u tiri xilligii seeraar soo mari jiray, dhinicii uu ka imaan jiray ayay eegtay, cid soo socota maleh, malaha ayada soo hor martay oo xilligii lama gaarin, dhinaca kale yay eegtay,
waa kaas, asagaa soo hor maray saaka, yaase la taagan, hogeey, waa asagii iyo qumayadii, maxay saacaan soo doontay balaayadu, doolala dheeraa.
Waxay indhaha saaratay labadoodii oo isla taagan, oo seeraar ka sii jeedo xaggeeda, idilna u soo jeedo dhinaceeda, hadal ayay dal dalaysay idil, markii ay aragtay saado oo banaanka taagana waa ay ku durugtay wiilkii, si aad u malaysid in ay wax ka ursanayso, oo inta saado soo eegtay u dhoolla cadaysay, wiilkii wuxuu is yiri, eeg qofka kaa danbeeya ee gabadhu u ilka cayn, gadaal ayuu soo jaleecay, saado oo sidii qori illinka hor taagan ayuu isha ku dhuftay, inta ku jeestay idil oo wax yiri, ayuu dhaqaaqay, ayaduna inta istaagtay ayay sii eegtay tan iyo intii oo laabad ka galayay.
Markii uu mirqay ayay dhinicii saado soo aaday ayada oo dhoolla cadaynaysa, balse saado meel fog ayaa maskaxdeedu ku maqnayd, riyadii xalay ayay ka fakaraysay,
Riaydaydii miyaa rumawday? ilaahoow run ha ka dhigin, waaba rumowday waad aragataaye, ma labadooda aan xalay ku riyootay, saakana ayaga oo isla taagan aan arakay miyaa fasiraad u baahan? oo maxay hadda iigu soo dhoollcadaynaysaa qumayada xuntaa? qumaynimadaan ku keenee, walaahi anaa qumayo qabrigedii ku riyootay ah, dhulku ku liq intaadan isoo gaarin, ilaah baan kuu baryee.
Dhulse ma liqin ee isla hadalkii ay ku jirtay ayay ka kala jartay oo ku tiri
“Maxaa ku helay, saado, si baad u muuq gadisan tahaye”?
“Waxba, madaxa I yara xanuunaya”
“War dadka maxaa madaxa ka wada helay saaka waaban yaabanahee?”
“Yaa kale oo madaxu xanuunaad aragtay?”
“Kii aan la taagnaa siduu war iigu dal dalayay, ayuu markuu gadaal kuu soo jaleecay oo ku arkay igu yiri, madaxaa I yara xanuunayee, nabadeey, shaqaan aadayaaye, yaab siduu iigu sheekaynayay, oo uu u faraxsanaa, indhaha markuu ku saaray ku lahaa madaxaa I xanuunaya, malaha labadiina jin ayaa is diidan, acowdu billahi, habar yartay iyo ninkeeda ayaa ayaan sidaas noqday, laakiin ayaga sixir baa la kala dhex dhigay, adinkase cadowtinnimo idin dhex taal weeye, ma fiicna sidaas”
“Maxaan fiicnayn?”
La soco…….
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply