Beri hore waxaan arki jiray wadaado inta loo yeero, oo quraakna akhriyaan, wixii tabartu tahayna la siiyo, oo ayaga oo ku faraxsan inta ducayna baxa.
balse xilligaan waxaan aragnay, kuwa markaad tiraahdid shiikh cid qraan ii akhrisaan doonayaa ku leh,
“Immisa jaamaca ayaa laguu akhrinaya”
“Hal jaamac kaliya sheehkoow”
“Immisaad lacag bixinyasaa”
Markii aad tiraahdid intaas sheekhoow ayuu inta waji kaa dadbo ku oran
“Waa yartahay, meesha quraan baa la akhrin ciyaar ma taal”
“Shiikhoow hadde tabartayda ayaa in taas ah”
“Oo wax kale ma haysatid miyaa” ayu ku weydiin
Waxaa ku galaysa markaas waa kuu soo beer jilcay, markaas ayaa oran adoo dhaar isku jiidaya
“Maya wallahi shiikhoow”
Markaas ayuu la soo boodayaa
“Subxana llaah, oo haddaan wadaada isku keeno, hilib ayay rabaane xaggee uga keenaysaa”
“Lacag hilib ma hayo ee taad qaadataan ka cuna” ayaad oran adoo niyad jabay
Markaas ayuu inta is xanaajiyo ku oran
“Shirki baad ku jirtaa, daawada iyo dhaqaatiirta lacag waad u ogoshahay, wadaada quraanka ilaahay akhrinayana waxba uma ogolid, subxanallaah, waa aduunyo gadoon, daawadii gaalada wax u oggoloow tii allena la bakhayl, akhii ha danbaajin, danbigaaga lama dhagaysan karee i dhaaf orod dhaqtar aad”
Markaas ayaad inta baqdo oo naartii kuu sawiranto iyo adoo silsilada daba ku xiran, ayaad oran
“Haye shiikh bal kaalaya berri, dayn baan raadinayaaye”
Markaad kala tagi rabtaan ayuu ku oran
A’Anagu idaha ma cuno ee ari cad noo kari ama kalluun”
Waxaas oo kharj ah markay ku galiyaan, ayay maalinta danbe quraanka markay shan daqiiqo akhriyaan, ku oran waan dhamaynay, markaasaad yaabtaa oo niyada iska tiraahdaa, boosiis badanaa, walle ilaahay quraan waa baray, oo tiraahdaa
“shiikh ma dhamayseen affar iyo tobakii iyo boqolkii”
“haa waa soo gaagaabinay quraanku saas ayuu ku baraka badan yahay, sow ma ogid saddex qulhuwalle waa kitaab jamee?”
Markaas ayaad ciil farta qaniintaa oo istiraahdaa, quraan gaagaaban iyo dsaddex qulhuwalle, anaaba akhrisan karaye maxaa waxaas oo kharasha iga bixiyay, wax aad samaysid yaad garan weyn, cunnadii horay u cuneen, lacagtii waa hormarsadeen.
Intaas markay dhacdo ayay kuu faanaan oo yiraahdaan
“islaanta aqalka irrida cas ee dhinaca suuqa ku taal sow ma taqaanid?”
“haa, siraad”
“ayada o tacbaan ah, oo dhaqaatiir lacagtii ka laysay, yaan quraan saarnay, wa bicizati rabi, in aysan dib danbe dhaqtar ugu laaban, fay, kaa fiyoow”
Warkooda markaas ayaad iska daysaa oo tiraahda culuma allaay soo nabad gala illinkna ka soo xirataa, eray danbe inaad ka dhagaystana ku dhibtaa, islaantii daraad xanuunka gaaskii ay ka quraan saareen dartiis u dhimatay, jinni waa ka fiyowdahay ragga leh wax war laga dhagaysto maahan.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply