ARGAGIXIYIHI WEYNA, KARLOS-Q-1AAD

 

Ilich

Kaarloos ama ilich Ramirez sanches wuxuu dhashay 12 oktoober, wuxuu ka dhashay qoys fir ka soo jeeda Spanish, oo ayaga oo raadinaya magaaladii ku tiri ku keenta ahay ee la waayay, El dorado, ay hindidii casayd xasuuqeen, qaarna adoonsaeen, naagihiina xoog ku haystay, inta badan koofurta ameerika Kaarloos loogama haysto ma naxe aragagixiye ah oo dalkiisii iyo qaaradiiba ceeb u soo jiiday, meelaha qaar waaba lagu faanaa.

 

Qaar ayaaba u arka in uu yahay halgamaa sidii wadanigii qarnigii siddeed iyo tobnaad, Simon bolivr, ee hoggaamiyay dgaalkii looga soo hor jeday Spanish-ka, ama sidii Zapata iyo Pancho Villa ee Maxico, ama sidii dhaqtarkii Arjantiiniga ahaa, Che Guevara.

 

Wargayska garabka midig gee Vezuwela wuxuu ku tilmaamay Kaarloos inuu la mid yahay, Bolivar iyo Francisco de Miranda ee qorsheeyay in uu afganbiyo boqortooyadii Spanish-ka asaga carar ku jooga London, waxay yiraahdeen, “Venezuweel kale ayaa aduunka dagaal la meeraysanaya”

Faraca cida halgamagaan waxuu ka soo jeedaan magaalada Cristobal, oo la unkay 400 oo gu’ ka hor, magaala madaxda gobolka Tachira ee ku taal soohdinta Kolombiya, waa magaalo roob oo ay ku yaalaan kaniisadihii duqoobay ee xilligii gumaysiga, iyo goobaha loolanka lo’da lagu qabto, kuna taal sagaal boqol iyo affar iyo toban mitir buuraha Andes ee Venezuweela,

waxaa ka dhismay dowlad rag hungrI weyn hor kacayaan oo buuraha inta ka soo dagaan u yimaadaan dadka jilicsan ee KaraKas oo 500 oo kilo mitir u jirta, awoodna u sheegtaan dalka oo dhan.

Waxaa soo maray marar hogaamiyaal naxariis daran sida cawarki, General Marcos Perez jimenez, oo Vanazuweela xukamy, ee xiran jiray dharka cad cad  garaadaha garabka u saaran dahabiga ka ahaa, xukumayna inta badan 50 meeyadii qarnigii tagay, laaluush badana ka qaadan jiray shirkadaha shidaalka,

dadka ka soo hor jeedana tan iyo inta ay ka dhintaan jir dili jiray, raga kale ee soo maray waxaa ka mid ahaa, Kaarloos Andrez Perez,oo asagu markii hore wanaagsana, balse 1994 lagu helay musuq maasuq oo xabsi guri la galiyay, in kasta oo mar mar ay qas iyo xaalad daganaansho ciidan ay ku jirtay vanuzweela, hadana nidaam garsoor oo madax banaan oo dowladaha kale ee koofur ameerika ka masayraan ayay lahayd.

Sida badan waxaa muuqatay in dadka buuraleyda ah ee Táchira dagan ay diinta kaga wanaagsanyeen avenuzuweeliyiinta kale ee qun yar socodka ah ee dhulka hoose dagan,

Altagracia Ramirez, Kaarloos aabihiis oo asagu ku dhashay beer nus saac u jirta San Cristóbal, waxay ahayd in uu noqodo wadaad chatholic ah, laga bilaabo 1930-1932, bilowgii da’diisii toboneeyada wuxuu wax ku bartay goobta St Thomas Aquinas oo wadaado faransiis ah ay wax kadhgayeen,

markii uu xoogaa soo koray ayuu dareemay barbaarinta meeshu in ay tahay mid laga daalayo oo dhib badan, wuxuuna is tusay in halkaan aan boos uga banaanayn, sidaas ayuuna ku go’aansaday in uu sharciga barto, bilowgii da’da labataneeyadiisa ayuu aaday Bogota, magala madaxda Kolombiya oo jaamicad ka bilaabay halkaas.

Goobtaas ayay ahayd halkii argatidiisa siyaasadeednA ay ku qaab qaatay markii dagaalku Yurub ka socday, siyaasadiisa waxaa raad reeb ku lahaa hoggaamiyihii dadweynaa ee weynaa Jorge Gaitán, oo markii danbe madaxa u galiyay dalka dagaal dhiig badan ku daatay oo kumaan kun qof ku dhinteen, dalkuna uusan waligii ka soo kaban,

Waxaa kale oo raad reeb ku lahaa Gustavo Machado, hogaamiyihii xibiga shuuciga ee Venezuwela [PCV] ee dalka ka mamnuuca ahaa, wuxuuna ku noolaa magaalada Bogota, wuxuuna halkaas ku haystay dukaan buugta lagu gado oo ahaa barta ay ku kulmaan inta badan dadka garabka bidixda, Ramirez wuxuu sheegay in markii hoggaamiyihii xisbiga [PCV] markii xisbigii la sharciyeey, uu dalka ku soo laabtay.

Madaxa xisbiga ayaa sabab u ahaa in Ramirez, shuuci noqdo, in kasta oo arrimihi iska fududayeen xilligaas hada madax madax iskuguma tuurin oo ka ma mid noqon xisbiga.

Warysi ay ka qaaday wargaysga Observer janaayo 1976, in mudo yar ka dib markii wiilkiisu ku af duubay madaxda ururka OPEC magaalada vIyeena, ayuu ka waramay falsafadiisa siyaasadeed:

[Xilligii Khrushchev, waxaan u jan jeeray dhinaca soofiyeetka, haddase waxay ila tahay in xisbiyadii shuucigu ay noqdeen sidii gooni u gosad, maanta waxaan aad ula jiraa xag jiraka dhinaca bidix, waxaan is leeyahay waxaan u jan jeeraa dhinaca Bakiin, waxaan garan laahay sababta uu Mao’ xiriir ula leeyahay Pinochet iyo dilayaal kale ee Jili].

 

[Dhinaca kale markii hanti goosad laga wareegayo oo habka hanti wadaaga loo rogmanayo, sida kaliya oo ay ku suuroobi karto waa halgan hubaysan loo maro, sidaa darteed falsafa ahaan iyo siyaasad ahaanba si buxda Ayaan ugu raacsnahay wiilkayga Ilich [Kaarloos], in ksta oo aan meela yar israatiijiyad ahaan ku kala aragti duwanahay.

Jir ahaan wiilka iyo aabihiis aad ayay u kala duwanaayeen, isku ekaansho muuqaal oo badan kama dhaxayn, marka laga reebo xoogaa dhagaha hareerahooda iyo sanka, balse aabuhu wuxuu lahaa fool dhuuban iIlich se fool ballaaran ka hor intii aan qalliinka foolka looga samayn, siiba daamanka, fool cali baysteen ayuu lahaa oo dibno culus, aabihiis wuxuu ahaa nin cod kar ah, sina faylasuuf waa u aha, xataa markii u yaraa marna ma doonayn in uu ardaaga hadalka ka baxo oo uu u booda dhanka falka.

Dr Ramirez, lixdan jir ayuu ahaa markii u horeysay ee uu warbaahinta kala hadlo arrimaha wiilkiisa, haddse waa dhintaye, waxa uu markii u horeysay qirtay in uusan maskax ahaa uusan ahayn nin mabda’ adag sida Ilich, shuucinimadiisii kama aysan horjoogsan in uu noqdo Dr Ramirez ,nin hodan markii loo fiirsho heer nololeedka koofur Ameeriko, markii uu ka dhamaystay wax barashadii sharciga jaamicada Venuzuwela.

wuxuu ku shaqayn jiray qareen hoose ee wax kala gudbiya, ka diban si dhaqso ah ayuu u gaaray in heshiishyada dhulalka iyo hantida uu asagu iskiis u maamusho, waxa uu jeclaa in uu ugu yeera hantida sida uu ku helay ‘darbad Ayaan wacnaan oo filan waa ah’, bartamihii toddobaataneeyadana hubaal wuxuu ahaa milyineer dollar.

 

Waxa uu guursaday Elba asaga oo weli qareen yar ah, gabar aad u qurxoon oo ay isku magaalo ka yimaadeen oo diintana ku fiicnayad, in kasta oo catholic nimadeedu aysan ka reebin tumashdeeda iyo xafladaynteeda, waxay isku dhaleen saddex wiil oo ugu magac dareen Lenin, Ilich, waxayna ku dhasheen KaraKas, Ilich 1949, lenin, 1951, Vladimir, 1958, Vadimir markii uu dhashay ka dib guurkoodii mid waaraya uma ekayn waxaana bilowdat saddex gu’ oo Elba iyo saddexdeeda wiil ay ku wareegayeen carriga kareebiyaanka qarashkana uu bixinayay Dr Ramirez.

La soco

Diyaariye

Suldaan Cali Adam Ameeriko

alishka5@gmail.com  website  https://akhri.so/

 

Leave a Reply