Eegmadooda ayaan ku wareeray!way ay tirro badan yihiin, laakiin way qurxoon yihiin dhamaantood, Waxaan u malaynayaa waxaas kasii qurxoon ee ka ag muuqda waa adiga. Ha i rumeysan hadaan been kuu sheegayo.
Iminka weeye, Joodarigaygu dhulka ayuu yaalaa, aragtidaydu waxay si toos ah uga dhex baxday saqafka guriga, waxkasta oo iga kaa qarinaya way dhaaftay, naftana waxay ku qancisay adiga mooyee cid kale inaanay u qalmayn, qiimo aanay ku lahayn, qadarina aanay u hayn.
Ruuxda waa geedi, aniga way iga guurtay, Waataas! Waataas… siday u rooraysay Samada dhex gashay, way is guubaabisay sidii mid guumeysi kasoo dhex baxday, Goonyeheeda ayay isku kala balaadhisay iyada oo geeso yeelatay. Way gubaanaysaa misana oo is guhaadinaysaa, aday ku gocanaysaa oo ku goobaysaa!
Kaalay, u kalaay naftan kuu kadeedan, naftan kurboonaysaa dartaa, naftan kuu keliyeysatay ee koonka kuugu jecel, naftan jacaylkaaga ka kici la’a ee kaftankaagii tawday, maad la tacaasho; way kuu tacabsan tahay oo kuu tiiraanyooneysaa, tegitaankaagii ayaa tallan ku abuuray, tashi baa ku furan oo hadal ma tahlayso. Haka tashan e kaalay u tali!
Ha cidleynin, kaalay ciirsi u noqo oo cadawga ka cesho, kaalay la cawey, kaalay cishqiga la wadaag oo cimriga la qaybso,ha canaanan, inagadaa calafka iyo khuraafaadkiisa, carro-san aan ku wada noolaano, kaalay caafimaad sii!
Kaalay eeg dareenka aan kuu qabo, waa mid dumin kara dunidan yar ee dihaalka badan, aynu isku-duubnaano si aynu dadkan inagu hareeraysan u dareerino, aynu isdugsano oo dayaxa wada daawano. Naftaydu way kuu dulleysantahay oo ku doonaysaa, dookheeda baad tahay e maad daryeesho dacdaradana ka bi’iso?
Ilmada indhahayga ka qubanaysaa adiga ayay ikaa tusaysaa, si cajiiba ayay kuu asleysaa oo midabkaagii u abuuraysaa, iimahaaga ayay iga qarinaysaa indheer-garadnnimadaadana way ii bidhaaminaysaa, maad i eegto oo urugteyda fiiriso, maadan arkeyn sida aan u irdheysanahay, sidaan kuugu oomay sowdigan ujeeda! Afku inaanuu hadal odhan karayn waad aragtaa, kaalay awood u noqo hakula hadlee, kaalay uurkayga baadh oo ka uruurso ereyada kalgacal!
Way ku jeceshahay naftani sabab la’aan, kaalay sasabo,silica ka bi’i oo si uun u gal, way kugu sahwiyeysaa oo kuu sooman tahay, kaalay selelka ka saar, kaalay saaca iyo dooga usoo saar, way sii socotaa oo jidkii siraad bay haysaa e adduunkan kaalay ku sabaali, kaalay u seexso sidii sebi !
W/Q Â EESHIYA HENE
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Â
Â
Leave a Reply