Farriin aad u weyn, oo hadyad iyo adduunba wadata ayaa uu boqor Geesaweyne u direy boqorkii ay ilma adeerka ahaayeen ee Baasaweyne. Safar baa la yagleelay, amnigiisana aad looga taxaddaray ayaa farriintii loo dhiibey. Wixii uu soo socdaba waxa uu ugu dambeyn gaadhay boqortooyadii Baasaweyne. Aad baa loo soo dhaweeyey safarkii, waxa aynna la kulmeen boqorkii Baasaweyne.
Loo dhiib farriintii iyo hadyadii aadka u qiimaha badnayn. Baasaweyne aad buu ugu farxay hadyadan judhii uu arkayba. Riyaaq aad u badan baa laga dareemayey jaahiisa. Waxa uu niyadda iska lahaa: “Abaalkaagii ayay gudi kari waayeen, markaa wixii ay hayeenba malaa waa ay kuu soo dhiibeen” iyo “Tolow ma gabadh kale ayaa ay kaaga fadhiyaan duulkii aad ilma adeerka ahaydeen?”.
Waxase mar keliya amakaag iyo fajac ku noqotey markii uu gacan yarihii boqorku uu akhriyey warqadii farriintu ku xardhanayd!
Boqorkii Baasaweyne indhihii waa ay guduuteen, misena midabkoodii ka tageen. Wejigii dhidid xanaaq ayaa kasoo daatey, jidhkii oo dhan waa uu adkaaday. Mar keliya ayuu koofiyaddii boqornimada ee madaxa u saarnayd samada u xoorey, kuna qeliyey:
“SIDEE AYUU KU KEENAY IN UU WAXAAS IIGU SHEEKEEYO ANIGA OO BAASAWEYNE AH? MIYUUNA OGAYN IN AAN DHIMASHO KA XIGO GABADHAADII CARRAABA AYAA LA WAAYEY? WUU OGYAHAY INAAN AABBIIHII IYO ADEERKIIBA AANU DILNAY, MAANTANA MA DAGAAL KALE AYUU DAMCSANYAHAY?”.
Durbadiiba, waxa uu Baasaweyne ku kacay fal aan la mahadin. Waxa uu askartiisii ku amrey in safarkan inta uu ka tiro le’egyahay oo dhan la gawraco, oo dhagta dhiigga loo daro. Lagana soo reebo hal nin oo jawaabta u qaada Geesaweyne. Sidii ayaana askartii ay yeeshay, oo dadkii lagu sameeyey. Deedna waxa uu haddana amrey boqor Baasaaweyne in dhammaan safarka kurarkooda lasoo uruuriyo, kaddibna laba faras lagu kala raro inta meel lagu guro. Ninka soo hadhayna faras gaar ah la saaro, seddexdaas farasna loogu diro Geesaweyne. Warqad farriin ah oo dhiigii dadkii safarka ahaa ee ka yimid Geesaweynana lagu qorey, ayuu uu ugu dhiibey ninkii safarka hoggaaminayey.
Ninkii safarka ku keliyoobay iyo kurarkii dadkii hadyadda martida loo dhigay ayaa si baqasho iyo cago jiid ku jirto goobtii qasriga boqor Baasaweyne ka huleelay goor ku beeggan galab. Wixii ay socdaanba, oo waddo adag uu keligii sii dhex jibaaxaba, ugu dambeyn waa uu gaadhay qasrigii boqor Geesaweyne, isagoo aad u tiiraanyaysan. Geesaweyne oo dhinacna iska leh
“Tolow miyuu kugu soo diidi doonaa hadyadda?”
Ayaa waxa dalaq usoo dhahay ninkii oo cataabaya, ooyaya, naxsan oo fajac ku dhammaadey!
Durbadiiba waxa lagu boobey
“War maxaa ku helay? Hadal, maxaad la aamusantahay?” Ayuu mar keliya ku boobay hadal ahaa sidatan
“Boqoroow, boqoroow, boqor, waxa dhacay…. Waa nala laayey… hh. Eh, ah, adigana haydad kale oo dad la diley ah ayuu … kuusoo dhiibey”.
Boqorkii naxdin ayaa kasoo hadhay!
“War bal na tusa waxa uu sheegayo“ayuu yidhi.
Labadii faras ayaa laga soo dejiyey kurarkii dadka, oo qalaley, dhiiggiina ka dhammaadey. Dadkii qasriga joogey oo dhan amakaag iyo dhabannahays baa kasoo hadhay! Waxa lala yaabay falka uu ku kacey nin boqor Baasaweyne, weliba uu kula kacay boqor ina adeerkii ah.
Boqor Geesaweyne laftiisu aad buu uga xumaadey, haddana uga cadhoodey, misena uga kululaadey falkaas uu ku kacey Baasaweyne. Waxa uuna ku baaqey dagaal lagu baabi’iyo boqortooyada Baasaweyne. Taas oo dhagta dhiigga loogu darayo, lana qabsanayo. Wixii ciidan, qalab, sahay iwm. Ayaa uu Geesaweyne diyaarsadey. Waxa uuna ciidankiisii u qeybiyey toban guuto, oo middiiba ay ka koobantahay shan kun oo askari. Tobanka guuto waxa kala hoggaaminaya Amiir Warsame Geesaweyne, oo boqorku dhalay, Amiir Warsame inankiisa oo isna la dhaho Guutaale Warsame. Laba oday oo ay Geesaweyne walaal yihiin oo kala ah: Madaxweyne, Ciilweyne iyo laba wiil oo labada oday dhaleen oo kala ah: Xirsi Madaxweyne iyo Ibraahin Ciilweyne. Toddobadaas is dhalay oo boqor Geesaweyne sideed ku yahay, waxa kale oo weheliya laba dagaalyahan oo kamid ah ragga uu soo korsadey boqor Geesaweyne oo iyagana lakala dhaho Awseed iyo Olol.
W/Q CABDIFATAAX XASAN BARAWAANI
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply