JOHORADDII GEESKA IYO JINKII REER AXMAR-Q-5

 

Dhinaca kale ee boqortooyada Carraaba guursaneysa ee boqortooyada Geesaweyne waxa la diyaariyey wiilkii amiirka ahaa ee boqorku dhalay oo ahaa Amiir Warfaa Geesaweyne. Amiir Warfaa waa nin maahsan, bilaa dhug ah, dumar aan haweysan iyaguna aanay haweysan, wax matare dhinac kasta ah lagu xanto. Marar badanna waxa uu boqor Geesaweyne ka shakiyaa in uu dhalay alle doorigan ceebeeyey! Waxaana rag qasriga boqortooyada ka mid ah kula taliyeen boqor Geesaweyne in Warfaa uu u guuriyo amiirad Carraaba Baasaweyne aynna kaga filnaan doonto arrimihiisa, noqon doontana mid asturta ceebtiisa intaan uunka loo taliyo iyo boqortooyaduba wada ogaan. Sidaas ayuuna boqorku ku aqbalay taladaas oo uu ugu doonay Carraaba.

Amiir Warfaa intii la toostoosin karayey lagama hagran, kol codka iyo hadalka loo toosiyo oo dubaaqda iyo suugaanta la isugu ladho iyo waxa uu ku odhan lahaa Carraaba, kol labbiska loo habeeyo oo kuwo aan indhuhu qaban abid loo xidho, kol muuqa sare iyo saanta loo dhalaaliyo, kol awoodda iyo murqaha leylisyo adag loo diro iwm, Se abuur iyo toosin abuur baa horreysee waxba waa laga beddeli kari waayey amiir Warfaa. Laga daal oo lagu noog lagana quusey!! Waxa se talo kusoo biyo shubatey in sidiisa loogu aqal geliyo Carraaba, wixii ay kala dheefaanna laga dhursugo.

Wixii labada dhinacba midba xaggooda la isasoo naashnaasho, waxa la gaadhay dharaartii uu ku beegnaa aroosku, waxaana Carraaba loo soo galbiyey xaggaas iyo boqortooyadii boqor Geesaweyne. Mashxaradda, alalaaaska iyo farxadda ayaa is qabsatey. Hobollada kuwii ugu codka baxsanaa ayaa maalintaa johoraddii geeska ee Carraaba heeso quluubta kasoo go’ay ku galbinayey. Ciyaarta iyo damaashaadka, ayaa is xidhey inta u dhexeysa labada boqortooyo ee tolka ah. Gashaanti kasta oo qasriyada lagu carbinayey maalintaa dibadda ayaa ay usoo wada dareereen iyagoo biyaha tufaya. Qaarkoodna  ka makhruuqsan guurka Carraaba maadaama oo ay cidladii iyo kelinnimadii sidaa kaga baxdey halka iyagu ay cidlo iyo cadho ay ku lammaantahy faruurto ruug muddo kusii jiri doonaan ama uu lalis dafi doono!!

Waxa lasoo gaadhey qasrigii boqortooyada Geesaweyne, waxaana lagu soo dhaweeyey fan iyo qurux aan hore loo arag, damaashaad, raynrayn, farxad, duco iyo wixii dhalo boqortooyo isku maamuusi jireyba maalintaa la isulama hadhin si midba ka kale ugu tookho oo aan looga soo dhaweyn wacnaan. Waxa intaas kaddib la isugu tagey qeybtii arooska loogu talo galey kaas oo lagu diyaariyey hobollada kuwii ugu codka macaanaa, deedna halkaas ayey muddo dadkii ugu raaxeeyeen naxariistii dibnahooda kasoo burqaneysey. Markii aad looga dhugtey ayaa haddana loo kacey dhankaas iyo qeybtii gasiinka kala jaadjaadka ahi lagu sharraxey oo qof weliba uu dhinciisa ka galey. Xilli galab gaabana oo ay wali cadceeddu soo jeeddo ayaa durabadiiba la guda-galay diyaarinta waddaadkii labada caruus isku xalaalayn lahaa!!

Waddaadkii oo ahaa laftiisu mid boqortooyadu leedahay ayaa bilaabey isu xalaalaynta labada caruus, oo ku bilaabey in uu oggolaanshahooda uu weyddiiyo labada dhinac. Waxaana loogu koobey warkiiba haa iyo haggaag waddaadow. Warqaddii ayuu u qorey, ducadiina waa u raaciyey. Codkii aamiinta ee martidu ay tidhi ayaa gariiriyey qasrigii iyo dibaddiisaba. Lagu kala dareer qasrigii boqortooyada Geesaweyne, qof walbana u jeedsadey halkii hoy ama hayaan ka xigey. Amiir Warfaa iyo amiirad Carraaba ayaa la isugu xareeyey qol aad loo xardhey oo aan ishuba ka libiqsaneyn. Sariir aad loo gogoley, xariir midabkeedu rasiin xigeen buluug ah yahay, birkim aad u giiigsan, cabitaanno iyo khudaar kala jaad ah oo hareeraha ka taalla sariirta…

Carraaba oo dhoosha ka qosleysa, niyaddana ku heysa sida caawa aan hurdo iyo cidlo u jirin. Ayaa waxa ay ku billowdey hadallo macmacaan amiir Warfaa. Dabdeed, Warfaa illeyn waa afgadhooc aan weligii gabadh la haasaawine, waxa uu ku warceliyo ayaa uu garan waayey! Talo waa ku ciirtey!! Carraaba oo la yaaban waxa haya ee uu la aamusanyahay Warfaa, ayaa dhowr jeer oo is xiga isu raacisey

“War maxaa ku haya? Ma afkaa lagu hayaa? Maaad hadashid?! ”

Mar qur ah ayaa Warfaa ku warceliyey:

Haaye, maxaad iga rabtaa? Iska seexo waa xilli dambee!“.

Yaab iyo amakaag ayaa Carraaba ku habsadey! Hoosta waxa ay iska leedahay hadallo ay kamid yihiin:

Doqonsanaa! Dullisanaa! Ma naag loo guuriyey buu leeyahay maxaad iga rabtaa? Ba’a! Naa malaa wuxu ninba ma aha kani ee wa la igu soo luggooyey?

Bal adba garo! Carraaba waa gabadh ilbax ahe, waxa ay damacdey hadduu badow ku noqdey, in ay kaga horrayso oo ay xodxodato!! Waaba yaab naag nin xodxodanayso!! Gaaddada ayay gaaddada u saartey, horaaddo sida muca ku mudaya, bisayl dhaafey oo muddo khudaar iyo dheef boqortooyo lagu korinayey; oo cidlo iyo kelinimo aad u hadheysey.

Warfaa waa uu kala badbatey, hadalkii iskaga dhex yaac! Wadnihii aad buu u garaacmay, dhareerka ayaa ka qubtey. Dhididka ayaa kaga daran. Gacmaha iyo lugaha gariiraya cabsi darteed! Muxuu tolow la cabsanayaa? Ma bahal baa Carraabi? Bal adba!! Carraaba waxba ulama aysan hadhin, si kasta oo ay ku bilaabi lahayd toddobaadkii malabka waa ay sameysey. Kol ay istiimiso, kol dhunkasho kala daasho, kol hu’ga ka fududeyso, kol ay iyadu dhoolatus isugu muujiso, kol toosba ay ula hadasho, balse lagu kari waa warfaayow howshaada qabso! Waa halkii aabbihiiye

Waa Alle doori boqortooyada Geesaweyne ceebeeyey”.

W/Q CABDIFATAAX XASAN BARAWAANI

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply