JOHORADDII GEESKA IYO JINKII REER AXMAR-Q-4

Malaha carraaba sababta ay jinka u damacdeyba waa sheeko xariirooyin hore oo ay ku maqashey  jin iyo insi is helay wax iskaga macaan ma jirto!! Niyaddeedana waa ka bixi weyddey salaaxiddii cajaraha, taabashadii xalay iyo xanxanteyntii bowdyaheeda ee duhurkii baadka qubeyska dhexdiisa aheyd!! Carraaba iyadoo weli aan u warcelin, maankana ka fikireysa, faryaradana ilkaha ku qaniinsan oo kolna baxeysa oo adduunyo kale u sawirmeyso kolna ay kal iyo hoos amiirka jinka ah kaga boganeyso ayaa waxa qolkii soo galey walaalkeed la dhashey oo lagu magacaabo Amiir Doolaal Boqor Baasaweyne. Durbadiiba jinkii muuqiisa waa ay weyddey Carraabi! Naxdin iyo cabsi baa samada kaga soo degtey oo dhidid kaga keentay, hadalkiina waa iskaga dhex yaacey

“Walaal, walaal waan joogaa!! Waan maqli waayey yeedhmadiinna”. Amiir Doolaal laftiisu waa uu shakiyey oo sidii wax khaakhaayirsan buu qolka daba iyo dacal u fiiriyey!!!

Carraaba markii ay indhaha saartay uunkii dareenka ba’an ku reebay ee isbarasho koobanina dhexmartay waxa si lama filaana qolkeeda dalaq u soo yiri walaalkeed Doolaal, isla markaana waxa ay wayday muuqii amiirka jineed ee ay indhaheedu ku maqnaayeen, waxaana ka lumay hadalkii oo sidii qof la dardaray ayay ugu jawaabtay walaalkeed taas oo shaki ku beertay. waxa ayna dabo gashey walaalkeed iyadoo dhinacna ka khaakhaayirsan maankeedana ay weydiimo tiro beelay ku hardamayaan oo ay kamid yihiin:

“Tolow miyaa la arki doonaa? Xagguu ka baxay? Miyuu duuley?” Haddana shaydaanka hoosta ka naareysa oo ka amakaagtey sida ilbidhiqsiga ah ee ay u weydey amiirkii reer Axmar!

Doolaal iyo Carraaba oo wada socda waxa ay u galeen Boqor Baasaweyne oo kursigiisii boqortooyada isku kala waaxay. Mar keliya waxa ay Carraaba isha ku dhufatey weftiyo kala duwan oo reer Boqortooyo ah oo kobtii martida loogu talo galey fadhiya.

Waxa ay marar badan intii ay dhex socotey roogga guduudan ee qasriga garaadkeeda kusoo dhacayey weyddiimo kala jaadjaad ah, balse aanay mid kamid ah warcelin u heli weyddey. Wixii ay soo luudaanba, waxa ay soo hor istaageen aabbahood boqor Baasaweyne. Salaan kaddib, waa ay fadhiisteen. Kolkii ay salka la heleen kursigii xariirta iyo buushka ku sharraxnaa ee amiirradda loogu talo galey ayaa boqor Baasaweyne bilaabey ujeedka weftigan u joogo qasriga maanta. Waxa uuna ku yidhi Carraaba:

“Aabbo, waxa maanta inna soo martiyey boqortooyadii ina adeerkay boqor Geesaweyne. Waxa aynna si milgo iyo sharaf ku dheehantahay iiga codsadeen in aan ku siiyo sidaasna laguugu daro amiirka uu dhalay ina adeerkay ee Warfaa Boqor Geesaweyne.”

Wuxuuna Boqor Baasaweyne hadalka ku adkeeyey in aanay diidi karin oo duco iyo habaar waalid ay mid qaadato. Sideedabana amiiradda Boqorkeeda ayaa u taliya, oo go’aankeeda leh ayuu ugu gebogabeeyey hadalka.

Carraaba aad bay u niyad jabtey wax ay ku warcelisana waa ay garan weydey! Musiibo aanay fileyn baa cirka kaga soo dhacdey! Iyadoo gunuunuceysa oo gunuuseysa ayay taliskii looga talinayey qasriga boqortooyada iskaga baxdey oo ay qolkeedii si quusasho leh isugu tuurtey sariirteedii. Cabbaar kolkii ay oydey oo ilintii ka dareertey baa waxa usoo gashey hooyadeed boqorad Cosob. Wixii ay sasabtaba, oo waaniso, oo talo iyo tusaaleba u guudmarto waxa ay ku qanicisey in ay raalli ka noqoto guurka ina adeerkeed oo aysan aabbaheed ceebaynin maadaama uu yahay boqor aad looga qaddariyo loogana baqdo carriga uu ka taliyo.

Weftigii sidaa baa la isku afgartey iyo in diyaar garow aroos oo labada boqortooyo ka dhex dhaca la yagleelo. Carraaba dhinaceeda aad baa loo diyaariyey oo xinne, cusbur, sacfaraan, huruud iyo wixii duul haween oo dhan lagu qurxin iyo naashnaashi jirey baa lagu dalluugey. Dhalaalkeedii baa dhalaal dhaafey oo ay noqoteyba sidii muraayad la isku daawanayo. Waxa laga dhigey aroosad u diyaar ah in boqortooyo uun badan u talisa laga guursado oo la geeyo tii ay ka soo hayaantey mid lamid ah oo aan ka dhicin.

Marar badan waxa Carraaba maankeeda kusoo dhacey jinkii reer Axmar ee ku reebay raad jidhkeeda iyo maankeeda sidii sibaaq lagu seydhay giddaar ugu dhegay, balse waxa ay isku illowsiisaa hadallo ay kamid yihiin;

“Ma soo noqon doono, dibna isuma arki doontaan ee waxaas maankaaga ka saar. Haddana gabadh marwo ah baad noqon doontaa, nolol cusub inaad bilaabato oo waxaas hore aad illowdo ayaa kuu wanaagsan”.

Jinkii reer Axmar laftiisu ma uusan u iman Carraaba intii yagleelidda arooska lagu gudo jirey. Meel alla meel uu jaan iyo cidhib dhigey la waa!! Tolow xagguu qabtey? Bal adba!! Carraaba lafteedu kolkii ay weyddey jinkii waxa ay ka quusatey warkiisa iyo rejo dambe oo dhinaciisa ah. Waxa ayna billowdey ka firkiradda arooskeeda iyo in ay isku maaweeliso ka bixidda noloshan iyo sariirtan cidlada ah ee nacladdu ku dhacdey!! Waxa ayna u haqan taageysaa in ay tagto xariir lala wadaago oo dhidiidka iyo reenku ka baxo!!

W/Q CABDIFATAAX XASAN BARAWAANI

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply