Carraaba qolkeedii ayey soo gashey, qeybtii qubeyska ayaa ay uga sii gudubtey, dharkiina waa ay iska kala fududeysey iyadoo hareeraha eegaysa!! Maxay ka eegaysaa tolow?! Bal adba!! Kolkii ay sidii lagu dhaley iska dhigtey ayaa ay dhex gashey biyihii meydhashada oo cadarkeedii, saabuuntii iyo wixii dhal boqortooyo lagu qurxin jirey oo dhan hareeraha ka yaallaan. Markay cabbaar is facastey oo kal iyo hoosba is xashey johoraddii. Ayaa waxa ay mar qur ah dareentay xanxantada lugo aad moddo in ay baadka qubeyska ku dhex jiraan sideeda oo kale kana soo horjeeda. Walow aysan arkeyn oo biyaha cad iyo xunbo ka sarreeyaan balse waxa ay dareentay xanxanteynta dareenka leh ee bowdyooyinkeeda iyo cajarradeeda taabanaya kolba.
Sidii caadada u aheyd ayey judhiiiba naxdey oo ka booddey baadkii qubeyska! Balse doorkan ma aysan dheygagin ee si aamus leh ayey dhowr weedhood u tidhi:
“Waa ayyo? Maxaad iga rabtaa? Kumaad aheyd?!!”
looma se warcelin, sidii aan cidiba ku dhex jirin baadka. Cidhifka baadka ayaa ay qar badhideeda ah saartey oo biyihii aad u liseen gacantuna ka siibaneyso! Deedna gacanteeda ayey dhex gelisey baadkii qubeyska, sidii saabuun iyo fargal lumey oo kale ayey kolba dhinac u baadh baadhey in ay wax uun ku jiraan meesha. Nasiib xumo se, waa ay weyddey oo waxna ma aysan helin!!
Oo haddaa tolow muxuu ahaa wixii baadka ku xanxanteeyey?! Dee mooji!! Bal adba garo!! Malaa Carraaba waa ay waalantahay? Mise tolow ismoodsiis xadkiisa dhaafey ayaa hadheeyey maankeeda? Eebbaa nooga war roone! Carraaba biyihii qubyska ayaa ay ku noqotey, dabadeedna waa ay iska dhammeysatay meydhashadeedii. Kolkii ay kal iyo hoosba is nuurisey, oo dhalaalku ka boodayo ayaa ay kasoo baxdey baadkii. Deedna dhar xariir ah oo midabkoodu cas yahay ayaa ay isku juftey! Awal sowtii la odhan jirey casaanku waa midab jin. Adaaba sheegaya!! Malaa iyadaaba Carraabo jin doon ah!!
Carraaba, markii ay qadeysey ee casiir iyo hilib shimbireed isku cantuugtey ayaa ay isku tuurtey sariirteedii furaashka iyo xariirtu ku goglaneyd ayadoo maryihii casaana gashan. Is tuurka ay dib isu tuurtey Carraabi, waxa bowdyooyinka iyo cajaraha ka feydantey xariirtii. Deedna jidh shilis oo dhalaalaya ayaa muuqdey!! Sidii ay uga fekereysey wixii baadka biyaha qubeyska dhexdooda ku xanxanteeyey ayaa haddana mar qur ah balaayadii aan la garaneyn wax ay aheydi gacan tii xalay oo kale la mid ah ilaa cajaraha u dalliigtey!! Carraaba lafteedu waa ay is illowdey iyadoo duuggitaanka macaansaneysa!! Lagaa raac!!!!
Mar qur ah ayaa Carraabi is tidhi taabo waxa ku dalliigaya? Tolow ma shaqaalihii baa?! Mayee ma aha ee waaba gacan lab ah!! Xaadda gacanta korkeeda ku taalla ayey ka dareentay in ay gacan lab tahay. Waa ay soo kacdey iyadoon qeylin oo anfariirin, misena aan dhakafaarin. Markiiba, waxa ay isheedu ku dhacdey wiil aan qasrigaba ragga jooga u ekeyn! Weligeed indhaheeda qof sidan oo kale may saarin! Waxa ay la noqotey cajab iyo amakaag!! Waxa ay niyadda iska weyddiisey, tolow ma nebi Yuusufkii Jinkaa, illeyn nebi Yuusufkii aadamuhu waa kii rawaxee!! Bal adba!!
Kumaad tahay baa ay ku billowdey durbadiiba. Wiilkii waxa uu ugu warceliyey:
“Marwo Carraaba, waan ogohay inaad tahay Johoraddii Geeska Afrika. Waxaana ahay amiirka boqortooyada Reer Axmar ee u talisa jinnka badankood, gaar ahaan kuwo bariga Afrika”.
Wey dheygagtey Carraabi!! Mar shaydaanka ayey hoosta ka naartey, marna quruxda jinkan reer Axmar oo ay qisooyin ku maqashey kal hore ayey indhaha ku xadeysey!! Maxaad iga rabtaa iyo maxaad ii daba socotaa ayey ugu xejisey. Waxaa uuna durbadiiba ugu warceliyey:
“ Boqortooyadeenna iyo tiinna ayaa jaar ah, balse nama aragtaan, annagaa se idin aragna. Waxaana aan kugu arkey geedka aad ku leexaysto, marar badan aaggayaga ayaad ugaadhsi u timid. Waanan ku caashaqey, ee maad isoo raaci?”
Carraaba oo lafteedu dhinacna ka anfariirsan lana yaaban jinkan damaaciyey, haddana iyadu damacdey ee niyadda iyo maanka kolba iska leedahay:
“Naa maad raacdid, kani wax la sii daayo ma ahee!”
W/Q CABDIFATAAX XASAN BARAWAANI
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply