JOHORADDII GEESKA IYO JINKII REER AXMAR-Q-2

 

Looma warcelin! Tolow waa ayyo? Ma shaqaalihiibaa? Ma doobabkii qasrigaa? Bal adba!! Johoraddii Carraaba waa ay naxdey, dabadeed waxa ay damacdey in ay soo jeedsato oo indhaheeda bal ay ku aragto waxan la saarey ee jannada lagu masaaleeyey. Mise cidba ma joogto; oo waa meel madhan! Cabsi iyo argagax ayaa kusoo degay Carraaba. Waa ayyo? Waa ayyo? Ayey dhowr jeer ku celcelisey balse nasiib xumo cidna uma warcelin! Dhidid badan baa kasoo yaacey Carraaba, kol dhaweydna dab ay kulaasho ayey sugeysey!! Kaaf iyo kala dheeri!! Gacmaha ayaa jareeyey oo gariirey! Bishimaha afka ayaa gariirey baqasho darteed.

Lugaheedii dhulka ayey ku dhegeen, cid ka fujisa oo dhaqaaq tidhaa ayey ku reyn laheyd. In mowdkii hortaagan yahay ayaad moodeysaa! Wey dheygagtey, oo dhakafaartey, oo amakaagtey, oo anfariirtey, oo kala qabowdey, oo isku qabowdey! Durbadiiba, waxa usoo galey shaqaalaheedii mid kamid ah oo dabkii ay kulaali laheyd u sidda. Markay aragtey amiiraddii qasriga oo aan hadal kasoo baxeyn haddana aan dhaqaaq laheyn ayey billowdey in ay la hadasho, waaba loo warcelin waayey! Way kusoo dhawaatey; oo taabatey, kuna tidhi: “Marwo Carraaba, maxaa ku helay?” Yaa!! “Maxaa ku qalajiyey?” Way ruxdey. Hal mar ayaa shooggii ku dhegay ka fuqey Johoraddii oo ay sidii qof hurdo kasoo kacey ku dhegtay shaqaalaheedi, oo ay tidhi: “Waxaan garaneyn baa garabka gacanta iga saarey oo gacan diirran lahaa, kolki dambena waan waayey

Muxuu ahaa? Ma adiga ayey aheyd tolow? May iyo mooji ayaa ay iskugu warceliyeen!!

Johoraddii Carraaba waxa ay ku qancisey in ay is moodsiisey uune aysan wax u yimid oo gacan garabkeeda saarey jirin, isna dejiso, oo nasato. Balse Johoraddii Carraaba, taabashadaasi maankeeda waa ka bixi weydey habeenkii oo dhan. Mar waxa ay isweyddiisaa waxa uu ahaa, kol kale na waxa ay maankeeda ku wareerisaa sida fudud ee ay u weydey markii ay soo jeesatey! Kol kale na niyadda waxa ay ka tidhaa:

Allow yaa kugu soo celiya taabashadaasi garabka lagaa saarey ee aanad weligaa dareemin?!

Habeenkii sidii baa waagu ugu baryey Carraaba oo ay aroortiina uga kacdey furaashkii iyo xariirtii ay ku jiiftey!

Carraaba aroortii sidii caadada u aheyd baa ay ka toostey sariirteedii. Shaqaalaheedii tiro beelayna ay isasoo dul taageen si ay ugu shaqeeyaan. Kolkii ay shaqaalihii diyaariyeen amiirad Carraaba, waxa usoo galey aabbaheed Boqor Baasaweyne. Waxaana ay Carraaba u sheegtay dhacdadii xalay iyo gacantii la saarey ee ay weydey. Argagaxana iyo facajana ku abuurtey iyadoo sidii uga wewersan arrintaas waxase la yaab noqotey sababta ah Johoraddu weli usii hadal heyso dhacdadaas. War tolow jinku uunka kale miyuu ka xasuus badan yahay? Mise cabsashada ayaa sababtey?

Eebbe ayaa oge, boqorkii waxa uu amray in dhammaan shaqaalihii qasriga mid mid loo wareysto, ciidanna loo diro. Yar iyo weynba waa la baadhey in ay wax ka ogyihiin arrintaa oo in uun arkeen qof qasriga soo galey, oo qolka amiiradda galey ama kasoo baxayey. May iyo idinkaaba sheegaya ayaa ay ku wada warceliyeen! Wixii la baadho oo la raadiyaba la waa cid garaneysa, ama aragtey ciddaas mar la aragga ah ee argagaxa iyo cabsida ku abuurtey johorad geeska ee amiiradda Carraaba.

Sidaas ayaa dharaartii hore ku gebogabowdey oo loo waayey cid arrintaas uga ogaal badan Carraaba. La iskana dhaaf oo ismoodsiiskii jaariyadda lagu wada qanac iyo warkeedii xalay ay ku qancisey amiiradda. Boqorkiina waxa uu niyadda ugu dhisey Carraaba; in uu ilaalo xooggan u sameyn doono oo aysan dib dambe qolkeeda hortiisu cidlo u ahaan doonin. Dhammaan ammaanka qasrigana la xoojin doono dhinac kasta. Sidii ayeyna u dhacdey, oo ammaankii waa la adkeeyey, cid aan la garaneynna aagga qasriga iyo qolka amiiraddaba looma soo deyneyn.

Goor ku beeggan duhurkii ay milicdu aadka u darneyd oo carraaba ay kasoo gashey hadhka daaradda hore ee qolkeeda barande yar oo ka horreeya, aadna u sharraxan ayaa ay ku yara nasatey, cabbaar ayaa ay joogtey halkaas. Sharaab iyo wixii ina boqor lagu yaqaanneyna loo keen oo ay isku qaboojisey. Waxayna shaqaalihii ka dalbatey in loo diyaariyo goobtii ay ku qubeysan laheyd, biyo kulul iyo kuwo qabow oo isku dhafan, hu’ nadiif ah iwm. Markii loo diyaariyey ayaa doorkan waxa ay Carraaba damacdey in ay keligeed meydhato. Waxa ay u dooratey iyadaa oge, se waxa ay istidhi bal wixii xalay aad kelinnimada ku dareentay maanta aad aragtid! Shaqaalihiina haggaag iyo warsan marwo ayaa ay kaga tageen.

W/Q CABDIFATAAX XASAN BARAWAANI

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply