JOHORADDII GEESKA IYO JINKII REER AXMAR-Q-12

Waxa, se musiibadii iyo halaagii dhacay ka war helay jinkii Reer Axmar. Laftiisu aad buu uga argagaxay waxa dhaca. Tab iyo maaro uu ugu sheego Carraaba ayaa uu garan waayey. Kol kasta oo uu damco in uu arrinta la wadaago, afka ayaa la qabtaa oo hadalba waa kasoo bixi kari waayaa! Maxaa haya tolow?! Habeenno badan ayaa isagoo marna lugaheeda ku kala dhex jira; oo uu reenkeeda la asqeysanyahay is yidhi u sheeg arrinka. Inta ay meel kale ka ogaan lahayd; oo arrinku dabo xumaan lahaa. Waase ku dhici waayey, oo talo waxa uu ku gadhaadhay in uusan habeennadiisa malab dhaafay iska dacarayn!!

Ugu dambeyn se Carraaba arrinkii waxa la wadaagey oo daaha uga qaadey habaar qabe ay jinka reer Axmar walaal yihiin. Kasoo damac xooggan uga jirey Carraaba loxoskeeda iyo cabbaadhyaheeda in uu mar uun iska laalaadiyo. Habeen roob mahiigaan ahi miray boqorooyadii, oo wixii banaanka joogayna ay soo wada radeen. Ayaa uu fursaddii ka faa’idaystay waxa uu Carraaba oo keligeed qolkeedii markaas uun gashay, kaga daba galay. Iyadoo timaheedii qallajineysa ayaa uu warkii oo kulul dhegaha u saaray Carraaba. Dhalleecayn iyo laba wajiilenimo badanna ugu dhex daraya, oo uu ku ganayo jinka ree Axmar ee ay marwada u tahay!!

Carraaba mar qur ah ayaa beerku hoos u go’ay. Adduunkii ayaa ku yaraadey, neeftii baa kasoo bixi weyday! Wadnihiii aad buu u garaacmay, mise u boodboodey! Faruuryihii ayaa jareeyey sida qabow in uu galay. Jidhkeedii oo dhan dareenkii baa ka go’ay sida kabuubyada. Warka soo gaadhay waxa uu la noqon waayey u qaadan waa. Lama filaan aysan weligeed ku fikirn in sidaasi dhici doonto.

Oohin iyo baroor ayay qabsatey qolkeedii dhexdeediisii. Kolkii uu habaar qabihii hubsadey warraaqa Carraaba, ayaa uu ka baxay qolkeedii. Madax iyo minjo wixi qasriga joogay oo dhan ayaa isugu soo xoomey qolkii Carraaba. La weyddii waxa dhacay ee ay la barooraneyso? Indhaha ayay warkii kaga dhufatey. Kii qabey ee reer Axmar oo amankaag ku dhacay kolkii garowsadey in ay warkii ogaateyna. Candhuuf iyo cidiyo ayay ku salaantay!

Waa laga qabqabtey, loogan sheegay in arrinka la wada ogaa balse iyada laga qariyey. Kolkii ay dhageheedu intaas maqleen, ayaa ay sidii miino oo kale u qaraxday. Wax Alla wixii meesha taagnaana wada hiiftay, oo indhaha ku gubtay. Waxa ay damacday in ay qolkii iyo qasrigiiba ka baxsato; oo ka jarmaaddo. Waa lasoo qabtey, loona sheegay in marba haddday qasrigan reer Axmar timid ay dhimasho mooyee, si kale uga tagi karaynin. Qolkeedii ayaana dusha looga xidhay, oohin iyo cabaadkeeda oo baxanaya dhagaha laga fureystay!! War illayn jinku waa cadow!!

Murugo, xanuun, ciil, werwer ayaa lasoo dersay Carraaba. Wax Alla wax ay samayso ayay garan weyday. Cid usoo gasha, oo il saaro waa laga xaaraantimeeyey. Dheef ay jidiink marisana hal mar oo dharaartii ah mooyee, waa loo diidey. Ciqaab iyo cadaab aan yarayn ayaa lagu bilaabay johoraddii geeska ee Carraaba. Maydhasho iyo maqaarkeeda oo dhalaala warkiisaba daa! Sidii qof waalan oo kale ayay u ekaatey, cid iyo ciirsi toona ma haysato. Jinkii reer Axmar isaga laftiisu waa ka hayaamay. Jidhkeedii wacnaa iyo cajarradeedii asqeyn jirey kolkuu macaan iyo qadhaadhba ka dhammeystay, waa illaawey!!!

Johoraddii Quruxda iyo meeqaamka ku lahayd labadii qasri ee ay kusoo noolaatey, maanta waxa u dambeysay in ay sidaa noqoto. Go’aan iyo ikhtiyaar midna ma leh!! Jin aan la dhalan waxna la wadaagin baa hoggaanka u haya. Haa iyo Maya midna ma awooddo. Sidii dhalaanka ayaa kolba sidii la doono loogu taliyaa!! Dhabankii iyo dheehii ay lahayd muddo ka hor maanta waa ka suulleen. Jaaheedii widhwidhi jirey kolka uu ina ragg isha ku dhufto, maanta dubuur iyo qolof baa dusha ka saaran. Cabaad iyo ciil kuma hadhin. Oohinna waaba ka qalashay, oo waaba kasoo burqan la’dahay. Qalbiga ayaa holcaya, xannuun aan nabad duleed ahayn baa dharaar iyo habeen damqanaya.

Qasriga dhexdiisa habeen walba mid wasiir ah, ama tol ah ama jin kalaa usoo biyeysata. Kufsi iyo awoodba waa lagula kacaa. Ma yeedhaan ciirsila’ ayay noqotey. Oday iyo yarba waa la isu soo qaawiyaa, deedna laga shaqeystaa. Xurmo iyo sharaf kuma hadhin, xishooodna hadalkiisaba daa!! Marar badan waaba la isu soo tilmaamaa, sidii ganacsiga oo kale. Dumarkii lagu yaqaannay qasriga ee dharaar iyo habeen kala wadhnaa, iyada ayaa bara dhaafisey!! Musiibo nolosheedii mar qur ah dhanka kale u rogtay ayaa ku habsatey.

Tiro maleh inta jeer ee ay damacday in ay baxsato Carraabi, waa se suurtogeli weyday. Hungow mooyee wax kale kalama aysan kulmin. Waxa ay usii laba jibbaartay uun caddaadiskii iyo gaboodfalladii lagu hayey! Carraaba miyay marna maanka gelisey in halkaas ay ku dambeyn doonto? Miyay maalinna ku fikirtey bohoshaas iyo god halaqaas baad ku dhici doontaa? Ma cid baa ka shaxshax badnayn? Ka farxad iyo shacni badnayn? Jidhkeedii xaaddu istaagi jirtey kolka ay aragto iyo xubnaheedii kala jarjarnaa xaggay tolow ku dambeeyeen? Sidii lafo tawafey, oo maalinba dhurwaa dhinac goosto ayaa uu noqdey!!

W/Q Cabdifataax Barawaani

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply