JOHORADDII GEESKA IYO JINKII REER AXMAR-Q-11

Baasaweyne fartuu dhexda ka qaniiney. Ciidankiisii waa yaraadey, waxa uuna kolkan ciidankii noqdey afar guuto; iyo inyar oo firxadkii guutada shanaad ahayd oo ku kala biirtey afarta kale.
Xaaladdu hadda waa qadhaadhaatey; dacar la leefay baa ay noqotey. Waxa dagaalamaya waa 10-guuto oo laba abaanduule laga diley, kaddibna ku-xigeennadoodii ku buuxiyey; oo waa dhinaca Geesaweyne. Halka Baasaweyne isagu hadda uu ka koobanyahay afar guuto, lagana laayey hal guuto dhammanateed. Lagana diley seddex abaanduule oo miisan culus lahaa. Waxa se hadda Geesaweyne uu xoojiyey dhinaca weerarka; taas oo horseedday in aad loogu siqo, ciidan badanna laga gumaado, oo u badneyd kuwa dhulka.
Guutaale Warsame iyo labadii Geesaweyne soo korsadey ee kala ahaa Olol iyo Awseed, waxa ay ciidankii Baasaweyne ku sameeyeen dhabarjab aad u ballaadhan, waxa aynna kaga soo wareegeen hal jiho oo dhanka bidix ah oo daciif noqotey iyo laba jiho oo xagga dambe ah. Waxaana halkaas lagu baabi’iyey guutadii ugu xoogga badnayd ee uu hoggaaminayey Mahadle Baasaweyne, walow uu Mahad dhaawac culus soo gaadhay. Kaas oo sababey in nolol lagu qabto, lana qafaasho isagoo dhaawac ah. Waxa ay arrintii isugu soo biyo shubatey seddex guuto; oo laba ku-xigeen iyo Baasaweyne ay kala hoggaaminayaan.
Seddexdii guuto waa la hareereeyey; afarta jihaba waa lagaga xoomey. Hal mar ayaa tobankii guuto ee Geesaweyne ku bilowdey. Aad baa loo jafay oo meydkooda la taxay sidii tusbax go’ay ciidankiii Baasaweyen. Waxa cagta la mariyey dhammaan ciidankii aan ka ahayn guutadii Baasaweyne. Waxa keliya soo hadhay guutadii Baasaweyne, iyadiina biyaha looma kaban. Baasaweyne waxa gacantiisa seefta madaxa uga gooyey boqor Geesaweyne. Waxa uuna soo qaatey madaxiisii oo keliya.
Geesaweyne oo aad isula weyn, libin aan la dheyelsan karinna gaadhey. Ayaa cod weyn ku yidhi:
“MEEYEY BAASAWEYNE? MEEYEY BAASAWEYNE? ANIGAA ISKA LEH LABADA BOQORTOOYO?”
Isaga oo madaxii gacanta bidix ku laalaadinaya, halka gacanta midigna seeftii oo dhiig leh ku heysta. Ayaa uu u jaqaafiyey una hayaamey dhankaas iyo boqortooyadii Baasaweyne. Kolkii uu gaadhay boqortooyadii Baasaweyne, waxa uu jebiyey albaabkii oo waxooga ciidan ah ilaalinayeen. Intiina cagta ayuu mariyey; oo mabuu kusii hakanin. Itaal badanna maba aysan lahayn. Kolkii uu qasrigii galey, dadkii oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa afka gacanta wada saarey. Oohin iyo naxdin, amakaag iyo afkala qaad baa kasoo wada hadhay!!
Geesaweyne isagoo aad u dhoolacaddeynaya, si kibir lehna cagaha u jiidaya waxa uu dadkii qasriga ugu khudbadeeyey:
“Maanta wixii ka dambeeya aana ka talinaya boqortooyadan. Cid iga dabo hadli kartaana ma jirto. Waxaanad ku qasbantihiin amarkayga oo aad yeeshaan; haddii kale dhegta ayaan dhiigga idiin darayaa, hal qofna iga badbaadi maayo!”.
Geesaweyne waa u quus gooyey dadkii, doorasho iyo go’aanna ma leh. Waxaan dhimasho cadaab leh iyo raacitaanka Geesaweyne ahayn ma jiraan. Waxa aynna ku qasbanaadeen in ay raacaan Geesaweyne amarkiisa.
Geesaweyne durbadiiba waxa uu qorsheeyey isku xidhka labada boqortooyo. Tiisii hore waxa uu boqor uga dhigey wiilkiisa Amiir Warsame Geesaweyne, waxa uuna u guuriyey gabadh uu dhalay Baasaweyne weliba si qasab ah. Isguna waxa uu u wareegay boqorooyadii Baasaweyne, waxa uuna qasab ku guursadey boqoroddii Baasaweyne ee boqorad Cosob. Dumarkii qasriga ee la wada qabeyna, waxa uu si qasab ah ugu darey raggii boqortooyadiisa kasoo jeeday ee abaanduulayaal ahaa ama askar ciidan ahayd! Nidaam kelitalis dadkii kasoo jeeday boqortooyada Baasaweyne bahdiley, oo sharaftoodii dhulka ku jiidey ayaa meeshii yimid. Xattaa waxa uu Geesaweyne qasrigii Baasaweyne ka dhex furey, goob lagu kireeyo dumarka la isirran Baasaweyne, oo jidhkooda lagaga ganacsado.
Carraaba baddaa ma hayso, war iyo wacaalna kama hayso halka uu xaal marayo. Dhoohanaan iyo maahsanaan xadkeedii dhaaftay ayaa hareeraha ka dhabanaanisey. Horaa loo yidhi “Seddex yareyso: galmo, cunto iyo hurdo” Carraaba malaa waxa laga raacay galmadii lagu fuley! Mooji! Bal adba garo!! Talo iyo arrin waayo hore ayaa ugu dambeysay. Maankii iyo maskaxdiiba waxa ka xaday jinkan reer Axmar, oo dharaar iyo mugdiba labadeeda bowdyo ku dhex jira. Werwer, wacaal midna kama qabto ciddeedii ay kasoo baxsatey. Weli waa sideedii, maankeeda kuma soo dhicin weyddiin dhankaasba la xidhiidhta!

W/Q Cabdifataax Barawaani
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply