JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH) Q-9

Markii mudadii dhamaatay ayaa lagu soo celiyey dadkii waxaa dadka lagu siii qaadaya gaadhi weyn oo koonteendher saaranyahay ayaa lagu cabaynaya dad gaadhaya ilaa 150 qof oo dusha la iskaga tumaanayo naqaskuna kugu dhagaayo cajiiiiiiiiib sidaa daraadeedna dadku waxayba jeclaysanayaanba intaanay koontiindherkan ku dhiman in wuxuun lagu xukumoba hadal iyo dhamaantii dadkii waxa lagu xukumay sanad xukun ah .

Hadaba jeelka xaalkiisa aad u adag sacad iyo sucaad ayaa iiyaguna ah qaar aad isu jecel balse marba marka ka danabaysa xaaladahoodu sii adkaanayaan waxaa la geeyey sacad qaybaha raga sucaadna qayabaha dumarka la ismana arko balse waxa jirta telfoono tuugo ah oo ay haystaan maxaabiista sida raga iyo dumarka oo iyana qar haystaan balse jeelka ay mamnuuc ka tahay in telefoon lagu isticmaalo dhinacyada maxaabiista.

sacadbaa wuxuu raadiyey sidii uu ula xidhiidhi lahaa sucaad jacaylkiisa qaaliga ahayd sacad ayaa wuxula sxbay nin u dhashay wadanka jaad oo haysta telefoon ka dib wuxuu u ogalaaday inuu intuu dadka debeda u jooga sacad uu messed gareeyo markay ku soo celiyaana uu waydiisto inay lacag ugu soo shubaan markaa ka dib la radiyo in sucad telefoon laga helo qaybta ay joogto waxaana sacad markii lacag ay ugu soo shubeen asxaabtiisiii debeda u joogtay tropoli oo ogaa jacaylkooda markuu u sheegay inuu u baahanyahay inuu sucaad la hadlo.

Bismilahaahi raxmaani raxiim markii sacad ay u suuri gashay inuu moopeelka ninkii jaadiga ahaa lacag ku shubto ayuu bilaabay inuu hadaba gudo galo inuu telfoono ka helo dhinicii dumarku ku xidhnaanyeen wuxuu helay telefoon naag liibiyaani leedahay waanu wyadiiyey inanta sucaad la yidhaahdaan u baahanahay uthtii al islaam waxayna u sheegtay inay telefoonka furto uun habeenkii inantaas sucaadna ay kala qol yihiin oo maalintii uun ay is arkaan balse waxay u balanqaaday inay maalin ugu dedaalayso inuu la hadlo markii uu hadalkii ku celceliyey ka dib waxaanay ku balameen inaanay xidhayn beri ee uu soo garaaco .

Sacad ayaa subixii markii ay quraacdii u tooseen garaacay ka dibna gabadhii aya ka qabatay waxay tidhi waan kuugu shiibaya sug aan u tagee intay hoosta sii gelisay telfoonkii ayey sucaad doontay si ay xamaamka u keento sucaad si ay u wada hadlaan dadkan is jeceli balse intii ay sii socotay gabadhii ayaa sacad nin askari ahi intuu u sii dhuuntay ka qaaday telfoonkii dhirbaaxana la dhacay oo yidhi sideebaad u xabasiga telfoon ula soo gashaa ninki sacad ayaa la mariyry ciqaab waalan oo la yidhaahdo (falgo) falgadaas oo inta cagaha lagaagag xidho silsiladaa biro waaweyn ah afar qofna ku qabanayaan oo cagaha lagaa tumaayo .

Ka dib falgadii ayaa sacad lagu soo celiyey qolkii uu ka tirsanaa waxaana u yimi wax yarka dib ninkii telfoonka lahaa oo halkiina gar ayaa ka bilaabantay oo sacad telefoonki lagu qabsaday ninkii jaadiga ahaa ayaa qiimaystay telefoonkii lacagtiina sacad wuxuu iskaga bixiyey saacad uu sitay iyo lacago loogu soo xawilay telefoono niman kale oo qolka degenaa sacad kamuu hadhin inuu jacaylkiisii la hadlo nin kale ayuu hadana la sxb ay oo liibiyaan ah oo telefoon haysta ninkii ayey asxaabtii sacad ee debada u joogtay aan xidhanayni ugu soo shubeen lacag waxaanu la hadlay gabadhii qisadiina uu uga waramay in maalintii hore telefoonka laga qaaday waxayna u sheegtay inay wakhtigii subaxnimadii oo kale u soo garaaco si ay ugu gayso isaga daaradiina aanay xidhin telefoonkeeda ee ay u asxaan samaynayso ka dib sacad ninkii ayuu u sheegay liibiyaanka ahaa inuu ku hadlo lacagta moopeelka loogu soo shubay subaxnimada ninkiina wuu k a diiday aadbuu ugu adkeeyey sacad balse ninkii ayaa diiday oo u sheegay inay askartu subixii soo galaan qolaalka ka dib ,lacagtii ayaa sacad ugu jirtay mudo labo casho ah wuuna diiday inuu cid kale ku la halo oo aan sucaad ahayn xitaa hooyadii somalia ayaa la yidhi la hadal balse sacad wuu diiday .

W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply