JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH) Q-8

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

Waxaa dadkiila soo deristay cabsi fara badan oo ay ka qabaan inay degaan waxaana bilaabantay baroor fara badan dumar badanbaa baroortay iyagoo leh _(laa ilaaha ilalaah alla maxa aigu soo watayeey ma maantaanbay ) rag badan ayaa iyaguna dumarka la baroortay maalintaas sucaadbaa iyadu aan marnaba barooran iyadu balse ku jiiftay dhabta sacad sacadna ku lahayd walaal miyaan ku dhibay sacad maya walaal sucaad hadaladaas ayaa dhex maraayey jacaylku ka muuqdo labadooda wakhtigaas oo ay ahayd wakhti aan jacaylba la xasuusan balse ahayd wakhti naf la caari lagu jiray .

Subixii mmarkii waagu beryey waxa yaraatay mowjadihii qoraxdiina way soo baxday caadi ayey dadku ku soo yara noqdeen waana la iska yara cunteeyey oo waxa la sitay timir iyo biyo intiibana lagu dhuftay isla maalintii wakhtigii gabalku sii madoobaanaayey ayey hadabna badii kacday oo ciyaaraheedii bilowday darawalkiina waxa ka luntayba jihadii uu u socday oo intuu go qaatay ayuu seexday oo yidhi nin walawba alaha sug doontiiina waxa iska wadwatay mowjadihii iyo dabalihii .

Subixii danbe ayaa waxaa bilaabantay in dadkii qar dhidhintaanba oo waxa dhintay wiil yar 4 jir ah qabowgi daraadii iyo xanuun iyadoo doontii bilaa darawal tahay oo uu iska jiifo cabsi badana ka muuqata oo uu aad u gariirayo markaan u nimaadno wuxuu yidhaahdaa waan cabsanayaa ma garanaayo sidaan u kaxaynayoba mowjadahaasi meeshay ina dhigaan eega uun keliya ,

Subixii afraad ayaa la galay oo la heehaabaayo (sidii huudhiga badoo dabayluhu halis gasheen hawadu way iga xuntoo cidlaan heehaabayaa ) maalintii oo dhan wax la heehaaboba waxaa damay habeenkii shanaad cidina waxba ma noqon balse qofkastaaba wuxuu ku jiraa xaaladii ugu xumayd qof qof lahadlaayana ma jiro waxa lagu jiraa uun subxaana laysi iyo ashahaadasho markii waagii lixaad beyey ayaa waxaa la arkay dad badan oo sakaraatul mowdkii hayo oo aad u ashahaadanaya qaar dardaarmayaanba waxaa ka mid ahaa nin lahaa anigu hadaan dhinto caruurta soo kaxay walaal reer ka adaan kugu ogahay walaal ma garatay ciduula hadlaayona aanla garanaynba waxa kaloo la hahaya nin leh berigan miyeydaan arkayn oo raba inuu doontaba ka ka boodo oo berri aan jirin mee laga tusay

Haseyeeshee sacad ayaan marnaba nixin oo ku soo talo galay geeri iyo noolalba oo ah nin karti leh sidaan horeba sheekada bilowgeeda ugu soo sheegnay

Ummadii iyado xaaladahaa ku jirta ayaa waxay arkeen diyaarad dushooda maraysa diyaaradii ayey maryo kor ugu taageen si ay u aragto oo u badbaadiso diyaaradii intay ku soo n oqotay ayey ka qaaday sedex sawir ka dibna way dhaaftay waxaa u yimi 4 saaacadood ka dib markab duulaaya ka dibna dadkii ayala badbaadiyey kuwii xanaansanayey aya waxa looqaaday Dhinaca dhakhtar talyaaniga ah kuwii kale ayaa la seexiyey oo la saaray markabka dushiisii waxaana loola hadlay liibiya ka dibna waxa loo soo diray markab duulaya kiibana la saaray dadkii.

Waxa la keenay dekeda weyn ee caasimada liibiya halkaad oosaxaafadaloo bandhigay dadkii ka dib lagu guray shabaq la,yaal waaweyn oo jeeelka loo taxaabay waxaa ka mid ahaa dadka gabadh foolatay markii dekeda liibiya la soo gaadhay waxaa loo qaaday dhakhtar liibiya ah markay umushayna waxaa lagu soo celiyey jeelkii dadka la geeyey oo la keenay iyada iyo ilmaheedii yaraaba ilaa masaasadeedii .

Dadkii waxaa la horkeenay maxkamad ka dibna maxkamadii waxay waydiisay su.aalo gaagaaban ma sidataan wax sharci ah maya wadanka sharci ma ku soo gasheen maya waxa la siiey tamdiid mudo kale ku soo celiya maxkamada aya la yidhi ka dibna ballan kalaa loo qabtay
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply