WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND
sidii ayey ku soo gaadheen laydhkii kufra dadkii .
Markii ay kufra soo gaadheen dadkii ayaa baabuur laga hor keenay toban toban qof ayaa loo saaray sacad iyo sucaad laba gaadhi ayaa la kala saaray dadkana budhbaa lagu saaraayey baabuurta sidiisoodaantana looma naxariisanayn sacad oo jabanbaa lagu dhextuuray
sucaadna gaadhi kalaa dhengad lagu saaray waxaa laga baqayaa booliiska inay qabtaan dadkan si loo sii kala iibsado oo ilaa taraabuli oo ah caasimada ilaa banqaasi la siikala dilaalo ayaa booliiska looga ilaalinayaa hadaba ilaahay ma tusin booliisk marka laga reebo gaadhi ay ka carareen oo gaadhi waayey keliya waxay soo galeen kufra waxaa laga sii iibiyey nin kale oo lagu magacaabi jiray abu cabdala dadki ayaa lacagihii wada dalbaday (500 )oo doolar ilaa magaalo la yidhaahdo ijdaabiya halkaas ayaa la i sugu keenay meel xero ah sacad iyo sucaad oo kala maqnaa mudo afar casho ah sacadbaa sucaad ku salaamay heestan
“dadkaba laba beerkiyo bogiyo laabta iska jecel haday beryo kala maqnaadaan caawaba caawaba caawaba adigoo bad qaba hadaan sucaadeey ku helay jacaylka saxarihiiyo )boodhkaan ka afuufayaa baashaada ka adkow`
Meesha la joogaa waa meel jeel ah balse waa jeel private ah oo nin iska leeyahay waxa yaala qalabka electeric ahoo dadka lacagta hore u bixin waaya lagu qabto waxa kalo jooga niman xoog waawewyn oo dadka garaaca hadaba waxay lacagtii ka raagtay sacad oo isagoo jaban hadana la geeyey qol halkana oo music ka baxaayo inta electric lagugu qabto si aan loo maqal qayladaada ayaa musicna la daarayaa misaad jaasaysaa sacad aya cabaar lagaga gariiriyiyey misuu caadi u ogalaaday lacagtii oo uu bixiyey halkaana laga sii daayey isaga iiyo jacaylkiisii sucaadba ka dib waxay gaadheen magaaladii ay inta badan ku hamiyaayeen ee tropoli ee caasimada liibiya waxay tageen safaarada somalida ka dib waxay raadiyeen cid ay garanayaan si loo geeyo meel ay degaan ama aqal ay kirasytaan balse waxaa adkayad sida lagu helo liibiya guryaha kirada ah waxaana la geeyey sacad iyo sucaad xaafad ah laba qol oo ay degenyihiin dhalinyaro gaadhaysa labaatan qof oo rag iyo duma isugu jira kuwii ayey la degenaayeen mudo bil ah waxaanay dalbadeen lacagtii ay ku anbabixi-lahaayeen oo (2000) oo doollar marka laba reebo maryaha aad dhaxanta ka
xidhanayso iyo shoopinada sucaad markaa lacagta waxaa bixiinaysa sucaad oo kara jeeb roon jacaylkeeda sacad way diyaar garoobeen sacad iyo sucaad waxaa sida caadada ah dadka lagu uruuriyaa meel u dhow bada laga anbabaxo oo la yidhaahdo –XERO- waxad maqlaysa dadka oo ku leh waan xeroonaya ama xeradii ayaan jooga oo aan kaala soo hadlayaa ee kaadh ii soo xawil adaa suuuqii joogee waayo xerada haba-yaraatee mahaysatid wax xoriyad la yidhaahdo niman shaqaale ah oo sita budhadh waaweyn aya jooga kuwaas ayaana
markad madaxa qaadoba loox kula dhacaaya waayo waxay ka baqayaan in booliisku meesha yimaado oo dadka la xidhxidho inta la sugaayo jewi lagu baxo xerada cuntadeeda iyo nadaafadeeda ayaa aad u hoosaysa waayo waxad cunaysaa 24 saacadoodba mar xabad rooti ah waxaanaad seexanaysaa ciida waxaanaad huwanaysaa bustayaal aad iyio aad u cadanyo badan halkaas oo aad ka qaadayso bahal xasaasiyad la yidhaahdo oo jidhku ku googo-ayo mudo 30 ah ayey joogeen goobtaas sacad iyo sucaad
maalintii danbe aya la helay jewi aan fiicanayn oo ah hal maalin markaa ninkii carabka aha oo ay is karaahiyeysteen dadkii ayaa is yidhi kuwani ama ha dhintaan ama ama ha noolaadeene is dhaafi waayo waxaa badanaysa dadka ka baxsanaya xerada magaalada gelaaaya lacagtoodiina dib u qaadaanaya ka dib wuxuu carabkii dadkii ku sii daayey badii dadkaas oo dhamaa 35 qof ayaa waxaa foon
buufimo ah laga qaaday xeebta gaarabuli ee magaalada tropoli habeen jimce subax sabti soo galayso ayuuna ka saaray halkaasi Bisinka ayey qabsadeen dadkii wayna anba-baxeen doontii waxay socotoba markay saacadu isku taagtay 12 habeenimo ayey baddii ku kacday waxaa bilaabmay mowjado waaweyn oo dusha kaga imanaya doontii oo aad moodo inay dadkaba kala degeysoba mowjadu doonta .
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply