JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH) Q-6

 

Ka dib wuxuu ka aqbalay ninkii darawalkaa ahaa inuu ka qaato dadkana lagu qaado labadaa baabuur si nafis ahna ay u fuulaan baabuurkasta balse hadana way is khilaafeen oo waxay gacan isula tageen darawalkii qaar ka mida rakaabkii baabuurkiina way uga dageen oo waxay isku wada gureen koodii oo dhakada uga baxeen balse ninkii darawalka wuu niyad jabay dadkiina wuxuu u sheegay inay raali geliyaan ninkan kale, Sacad ayaa u tagay ninkii darawalka
ahaa si fiican u raali geliyey, sidiina way ku dhaqaaqeen markay socdeen ilaa mudo saacad ah ayuu duqeeyey gaadhigii ka dib dadkii waxay isugu wada tageen baabuurkii kale si kan meesha loogaga tago, balse darawalkii waxaa uu la hadlay ninkii lahaa gaadhiga duqeeyey oo ku sugan liibiya waxanu usheegeen inay ka tagayaan gaadhigii oo uu xumaaday, balse wuu diiday in baabuurka halkaa laga yimaado ninkii darawalka ahaa marba dadkii ayuu telefoonka kala fogaadaa dadkana ku qanciyaa inuu beri dadka qaadaayo dadkiina baabuurkii uu halkaa kaga dejiyey sababtoo ah uu ku amray ninkii gaadhiga lahaa inaanu rakaabkiisa sooqaadan ee halkaa makaani loogu keenaayo gaadhiga balse halkii ayaa dadkii waxay k u sugnaayeen mudo todaba cisho ah ka dib markii ay dadku qaybsadeen maalintii ugu horaysay sahayday wateen oo qof kastaa nasiib u helay caagad muwaysaxada yar oo biyo ah iyo xabad ananas ah qasacada yar oo loogu talo galay in hal mar la cuno ayey dadkaasi ku noolaayeen todobaad marka laga reebo biyo marba gaadhigii intuu meel fog soo istaago uu u tuuraayey

Sacad iyo Sucaad ayaa ahaa dad iyagoo dhibkaa ku jira oo marba marka ka danbaysa ku sii dhawaanaya inay haraad iyo gaajo u dhintaan hadana hadana ahaa qaar jacaylkoodu sii siyaadaayo marka laga reebo cabsida ay ka qabaan geerida ,

waxanu Sacad ku dedaali jiray inuu markasta ugu dedaalo Sucaad inuu u helo biyo iyo cunto wixii uu helo oo marba u baadhaayey gaadhigii duqeeyey oo alaabta kala guraayey wuxuu niyada ugu dhisaayey inay badbaadayaan oo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

sacad walaal sucaadeey qof kastaa maalintii alle u qoray ayuu dhimanayaa taa niyada geli walaal mcn sucaad waxay ugu jawaabaysay “ilaahay kuwii ka sheekaya dhibkan ha i naga dhigo balse inagama dhigo kuwii lagaga sheekeeyo dadbaa beri halkaa ku geeriyooday `´.

Ka dib waxaa yimi gaadhigii berigii ay ka hadheen rakaabakani oo doonayaa dadkii sedexaad ee uu qaado ninkii darawalka ahaa wuxuu gartay dadkii aad iyo aad ayuu ula yaabay miyaan cidi idinka dhiman mawada nooshiin ayuu su’aalay?

“Sacad cidna nagama dhiman alla dilaa dhinta” ayuu ugu jawaabay wuuna iska dhaafay oo dadkiisii kale ayuu doontay sooona qaatay intuu dadka ku maqnaa ayaa koodiina lookeenay makaanigii wuuna hagaajiyey waana la istaadhay tays aya laga qaaday mise waa tabtii gaadhi new ah waxa kalo yimi sedex gaadhi oo kale oo dad sida wax yar soo kala horhoreeyey ka dib sucaad aad ayey u faraxday waxay heshay hablo kale oo ay la seexato oo ay wax la cunto marka

baabuurta la joojiyoba way u tagaysay halka ay markii hore sacad uun wax la cuni jirtay agtiisana seexan jirtay meel aan ka dheerayn oo uu ka ilaashan karo waayo carabta baabuurta wada ayaa ku gaaf wareega hablaha socdaalkooda danbe ayey waxay socdeen mudo lix maalmood ah waxayna la kulmeen maalintii todobaad jabhadii ugu danbaysay saxaraha kuwiina waxay siiyeen lacag kuna dhaafeen

hadba gaadhigii ayaa ciid galay dadkiina ay ka wada dageen waana la wada riixay sacad oo dadkii riixaayey ka mid ahaa ayaa lug ka jiidhay gaadhigii halkiina uu kaga jabay adin sacad sucaad oo aad u naxsan ayaa shidhkii gaadhiga ka soo booday kana dul barooratay cabaar balsae sacad muu ooyin marka laga reebo ilmo bilaa cod ah oo ka soo baxayasay indhihiisa sacad gaadhiga dushiisii ayaa la saaray afar qofbaana loo sameeyey oo afarta dhinaca ka fadhiista waayo dadku marba way isku daadanayaan oo adinkaa laga damqaya
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply