waxaana ku jiray ninkaa mukhalaska ah dad qarabadiisa ah oo reer waqooyi ah kuwaas oo isku halayn ka qabay inuu la dedaalayo amarka alle mooyee aan cabsi kale ka qabin inay halkaa ku nafwaayaan ninkii gaadhiga waday cabaar ka dib wuu baryey dadkii soo fuula gaadhi k ale la idiin ma hayee kii shalay idin dhigay ayaa diiday inuu soo noqdee oo aan weli soodaan gaadhin mid kalena hadalkii daaye balse way diideen waxaanu galay gaadhigiisii intuu dadkii nabadgelyeeyey markuu istaadhay gaadhigii ayaa waxa ku orday wiil magaciisa lagu magacaabi jiray qoryoolay oo reer qoryoolay ahaa oo gadhigii dusha uga baxay gaadhigiina misuu hoon ku dhuftay oo is yidhi ha soo wada yaacaan ka dibna waxa aku yaacay shan kale oo wiilkii koray kaga soo rogay laad iyo feedh iyagoo leh sidaad u fuushaa gaadhiga gabadhii ayaan cabanayne bartii ayey kaga hadheen gaadhigii sucaad iyo sacad iyo dadkii la socdayba markay habeenkii halkii u hoydeen ayaa waagii u baryey sucaad ayaa waxay aragatay qof meel dheer ka socda misay is tidhi malaa dad ayaa idinku dhow waxayna kuda gashay sucaad inay ka hortagto qofkii balse wuxu ku noqday qoryoolay oo aan xalayba seexan isagoo ku fekeraayey inuu halkan ku dhimanayo markay saacadu ahayd 2 maalinimo ayaa waxa soo maray agtooda gaadhi koodii kale ah oo soodaanka yimi oo dad sida waxaana abaaray dhinacii gaadhiga oo dadka afhayeen u ahaa sacad balse waxaa u suurto galiwayday inuu aflagaadho dadkii somaalida ahaa ee gaadhiga saarnaa si uu ugu sheego in cidladaa lagu daadiyey ka daib markii uu ka hor yimi nin caraba oo la waday dadka ninka darawalka ah kaas oo waydaiiyey dhibka ay qabaan sacadna u sheegay in cidladaala dhigay ninkiina u sh eegay inuu caawinayo halkoodanana ay joogaan cidna aanay lahadal soodaana uu ku celinaayo intuu lacag kale ka qaato sidiina uu ku dhaafay ka dib dadkii cuntay iska karsadeen oo digsi ay ka xadeen gaadhigii ayey camirteen sedex guruub ayaana la isu qaybiyey cuntadii oo dhana waa la isku daray waana la midoobay labo qof oo bilaa raashina ahaana halkii ayaa dadkii lagu daray waana la cunteeyey balse markay cadceedu ayaa gaadhi soo guuxay dadkii oo dhana naqaskaa ka soo wada bxay oo waa la wada istaagay gaadhigii wuxuu soo guuxaba markuusoo dhawaaday ayaa la gartay mise waa kii ay diideen wuuna u yimi wuxuuna ka codsaday inay siiyaan digsigii ay ka xadeen horena wuxuu ugu sheegay inanay ku adkaysanayn inay ka hadhaan gaadhiga oo somalia aya dowlad dhisan lahayd ayuu yidhi haday somaliyi go´aan leedahay balse markii uu ka codsaday digsigii iyana waxay ka codsadeen inuu qaado farahana kala baxayo oo iyagu gaadhiga korayaan is maamulayaana iyagu dhangadana uu ka daayo waanu ka aqbalay dadkii iyagaa gaadhigii koray ilaa saqafka shiidka dushiisa oo uu lahaa ha korina meel kasta kora ayuu yidhi balse markii uu meel dhaxe maraayey habeenkii sedexaad ayuu la kulmay afar gaadhi oo meel wada jooga kuli dad somali ah sida ka dibna baabuurtii mid ka mida ayuu dadkii ka bedeshay oo uu yidhi gaadhiganaa idin qaadaya aniagu idinma qaadayo dad madax adagba tihiin oo digsi ayaad iga xadeen iyo baasto iyo waxyaabo noocaas ah oo habeen kii ayaa qaar u yara dhexraaciyeen ks dib sucaad iyo sacad iyo dadkii kaleba waxay ku waregeen gaadhgii kale dhibka jira gaadhiga kale ma haysto toroyo gunburusoorkuna wuu xunyahay laba habeen markuu siday
Ayuu xumaaday waxa la socda gaadhi kale oo dad sugaaya oo kana dusha ka ilaalinaya oo og ciladiisa waana la hagajiyey gaadhigii ka dibna markay socdaan saacadba wuxuu yidhaahdaa xadkaa xun oo askar ayaa joogta halkanaan seexanaynaa oo joogayna ilaa beri waayo wuxuu sugaya dad sodaan lagu uruurinaayo oo gaadhigan rakaabkiisii ah si uu u doonto dadkaa marka la keeno kala wareegii aan soo sheegnay ee baabuurta sodan iyo liibiya dadka kula kale wareegaan kana uu meel ku sii ogaado bilaa toraayada ah ee gunburusoorkuna xunyahay markii uu gaadhigii dadkii warwareejiyey oo gaadhigan kale marba ka soo noqonaayo k ala wareegii oo dadkii soo eegaayo in la keenay iyo in kale ayuu sacad la hadlay ninkii oo yidhi hada usbuuc ayaan maranaynaa oo ah inta lagu gaadho liibiya xadkiina aanan ka gudbin waayo ka dibna wuxu u sheegay in gaadhigan aanu lahayn torayo gunburusoorkuna xunyahay oo jabhado intay qabteen kala baxeen qalab badan gaadhigan kalena dad sugaayo oo rarkiisii sugaayo sidaana ay isku raacaayan markay runi run tagtay ayey dadkii tashadeen waxayna go´Ã¡ansadeen in g aadhigan lacagtiiisa rakaabka uu sugaayo badhna hada lal siiyo badhna markaan liibiya galno aan siino ninkii gadhiga kale waday ayaa lala tshaday sidaasna loo sheegay balse wuu diiday wuxuuna yidhi waadad idinkoo kale ah dadkaan qaadayaa kamana tagi karo waxay ku celceliyeen hadalkii waayo waxaa si dhamaanaysa cuntadii wadankiina ma dhawa.
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply