-
ka dib markii dhibkaasi dhacay waxaa Soomalidii la mariyey ciqaabtaas
iyadoo la leeyahay sheega dadkii sameeyey falkan islamarkaana aanu
ahayn qofka danbiilaha ahiba dadka socdaalka ah dhalandhoolsan ee
uu yahay nin jaamacad meesha ka dhigta oo reer xamar ah ka dibna
waxaa istaagay nin reer hargaisa ah oo ku saray yarkii dadka dhibka u
geystay sheegayna inuu yahay qofka dhibka gaystay nin degaan ah
balase magaca somalinimada uun la wadaaga dadkan arintaasina
waxay sababtay in dagaal dhex maro ereteriyaanka oo tiradoodu
ahayd 2000 iyo somalida oo ahayd 400 qofkiiba tobanbaa ku beegmay
somalida badankooduna ay ka baxeen magaaladiiba ka dibna la soo
uruuriyey markii la ogaaday xaqiiqadii sidaasbaana lagu qabtay wiilkii
yaraa dadkiina laga joojiyey ciqaabtii
sacad iyo sucaad waxay ku heleen waraaqdii mudo ka yar hal bil sidii
ayeyna ku tageen sitow cishiriin ka dibna ugu gudbeen magaalada
caasimada dalka soodaan khurduum halkaas oo ay warwaraysteen
dadkiijoogay waxaana loo sheegay inay joogaan mukhalisiin badan oo
u badan reer somaliland qaar deegaan ah iyo qaar jaamacado u
tagayba mudo yar oo ayaamo ah ka dib waxay u badheedheen sacad
iyo sucaad oo beerka saareen saxarihii sodaan iyo liibiya u dhaxeeyey
waxay yimaadeen meel u dhaxaysa laba buurood oo l a yidhaahdo
kala wareeg halkaas oo ay ku kala wareegaan baabuurta soodaanta
iyo kuwa liibiyaanka eeka wada shaqaysta saxaraha halkaas oo ah
halka ay ka bilaabanto tahriibta dhabta ahi .
Sacad iyo sucaad waxay ku wareegeen baabuurtii liibiyaanka hadaba
baabuurka noociisu waa nooca looyaqaano cabdibile langruser waxa
saaran baabuurka 32 ruux waxaa dumar ka ah sucaad keliya ma
haysato cid u wehel yeesha oo dumar ah markay ka baxayeen
soodaan xitaa waxaa diiday carabkii raraayey dadka tahriibka ah ee u
anbabaxaaya wadanka liibiya si ay uga sii baxaan una sii baxaan
wadamada yurub waayo soodaanta iyo somalida ayaa dhaqankooduu
aad isugu dhowyahay iyo muuqooduba sida somalida koonfurta oo ay
aad isugu eegyihiin soodaanta carabkii wuxuu yidhi inan (gabadh)
kaliya lama kaxaysto waayo waxay aaminsanyihiin dadka qaarkood
safarka gabadha kaliya la kaxaysto in dhib badanaa lala kulmo sida
dhici doontanaba ka dibna waxay u shegeen somalidii ninkii
soodaaniga ahaa inay dhagax tafta ugu xidhayaan ka dibna wuu qoslay
carabkii sidiibaanay kaga baxeen soodaan aan u soo noqdo halkaan
maraynay sheekada oo ahayd inay ku wareeegeen dadkii gaadhigii
liibiyaanka gaadhigii liibiyaanka wuxuu diiday sucaad inay gasho
shidhka balse ay dusha korayso mana awoodayso inay sucaad dusha
korto waayo dusha waxaa loo saaranyahay si ka baxsan sida baabuurta loo koro markuu dhaqaaqoba waxaa ka dhacaya qof oo
dhulka ka soo go.aaya halkaana nabaro iyo dhaawacyo ka
soogaadhayaan waayo haddii gaadhigu ciid galo kuli waa laga wada
degayaa waa la riixayaa hadii qof ku hadhona tuunbuu la dhacayaa
darawalku si aan naxariis lahayn adoo is cuncunaaya ayaad ka
degaysaa dad badan ayey taasi ku dhacaysay markasta markaa way
diideen dadkii dhamaantood inay sucaad dusha karto
muran¨dheer ka dibna wuxuu ogalaaday in gabadha la saaro
shidhka gaadhiga gaadhigii liibiyaanku markuu siday dadkii mudo hal
maalin ah ayuu yidhi gaadhigu wuu cuslaaday markaa waxaad soo
qorshaysaan dad laga tago iyo alaab la daadiyo sida bustayaasha oo
dadku qabowga ka soo qaateen iyo raashinkii halkaas ayaana khilaaf
xoogleh ka abuurmay waayo qofna ma ogala in cidla lagaga tago qofna
ma ogala inuu dhaxanta seexdo buste la,aan kulbeerto,la´aan
dadkii waxay ku tashadeen inay dhamantood gaadhiga raacayaan
iyaga iyo alaabtoodaba dadkuna waxay ka koobanyihiin 12 reer
waaqooyi ah iyo inta kale oo reer koonfur ah dumarna waxaa ah
sucaad kaliya sidaynu horeba u soo sheegnay waxaanay go´aan
sadeen inay ka hadhayaan gaadhiga siduu ula macaamilayo kuligood
ku hadhaan saxaraha cidlada ah waxayna ka codsadeen inuu ula hadlo
ninkii mukhalaska ahaa ee soodaan joogay torayada uu sido uu uga
garaaco si gaadhi dhinaca soodaan ka yimaada loogu soo diro oo ay
dib ugu laabtaan soodaan waanuu ka aqbalay wayna la hadleen waxay
u sheegeen inay gaadhigii halkaa kaga hadhayaan ee uu xaaladooda sidaa ula socdo.
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira
akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka
https://www.akhri.so/
Leave a Reply