Sacad ayaa goostay tareenkii rooma ayuu baxay ka dibna torino ayuu usii baxay markuu torino yimi ayuu ugu yimi dad ay asxaab yihiin oo jooga asxaabtii hore liibiya kuwii ayuuna la joogay waxaanuu go,aansaday inuu sucaad halkaas ku sugo intay soo qaadanayso pasporka talyaaniga waxanay ku soo heshay bil iyo badh halka dadna ay sugaan sideed biloood ila waa jacayl raagay oo rafaaday oo ruug dilaacaye ilaahay ayaa xaga danbe ka sahlaaya sucaad waxay usoo anbaba baxaday dhinicii uu ka xigay jacaylkeedii sacad ee magaalada ay ka dhisanyihiin naadiga caanka ah ee juventus iyo kooxda torino .
Markii ay timi sucaad magaalada torino ayaa sacadna uu go,aansaday inuu paspor ku kiraysto 500 euro si uu ugu gaadho magaalada Amsterdarm Ee dalka holland hadaba waxaa jabkii ugu weyna ka dhici doonaa wadanka faransiiska oo lagu jeegareeyo pasporada dadka transitka ah ee saaran gaadiidka basaska ee u kala goosha wadamada talyaaniga ,bilgiumka.faransiiska .iswizerland holland
Markii aay marayeen sacad iyo sucaad dalka faransiiska ayaa la soo galay baskii ay askartii soo galeen waxayna bilaabeen inay dadkii cheking ku sameeyaan markii la soo gaadhay sacad iyo sucaad ayaa sucaad waxaa ku qafilan dadka is jecel ayaa yurub lagu qadariyaa waxay ku seexatay dhabtii sacad kadibna sucaad ayaa la waydiiyey basporkeedii wayna dhibtay waana la siiyey ka dibna sacad aya la waydiiyey markii uu dhiibay ayaa la eegay toosh weyn ayaa indhaha lagaga qabtay misaa la yidih ma lihid (this is not for you )
ka dib sacad ayaa laga rogay buskii ka dibna waxa ka dhashay muran aad u weyn sucaad aya doodii soo gashay oo tidhi isaga leh waxana l ayidhi adigu aamus balse way joogi wayday waxaanay tidhi waa isku mid labadan pasporba iyadiibaaba bad gashay misaa la yidhi iyana keen oo inta laabta loo saaray ayaa tooshkii weyna lagu ifiyey iyana oo la yidhi adna ma lihid waayo sawirka saaran ayaa ah kii ay bada ka soo gashay iyo jeelkii liibiya oo rafaadsan ahna sawir ka duwan sida ay iminka tahay ah .
balse sucada aya tuuratay wax xoogaa talyaani ah misa la yidhi gal aadigu gaadhiga adaa leh sharcigaagee ninkii sacad ayaa isagu soo rogan waayey luqadii talyaaniga ahayd ka dibna waxa loo sheegay inuu xidhanyahay gaadhigana ka hadhaayo sucaadna amar lagu sii yey inay gaadhiga gasho balse way diiday waxayna tidhi
labadayaduba waan raacaynaa askartii ayaa sacad jiiday iyana gacanta kale ayey ku dhagtay sacad ayaa la kala jiitay askartii ayey si toos ah ula Dagaalantay sucaad markii danbe oo gabadh askariyad ah ayaabay dhulka dhigtayba cajiiib yurubna askari dhulka la dhigo iska daaye shaadhkiisa lama taabtoba balse askartii ayaan sharcigii caadiga ahaa ku qaadine xeer jajabka afrikaanka ula dhaqmay sidoodii oo la yaabayba waayo sucaad ayaa oohin ooda ka qaaday aanay weligeedba ooyin maanta ka hor oo laga maqlayey magaalada gudaheeda istabta iska dhaafe iyadoo leh waa ninkaygii sacad this is my hasband baskiina wa la joojiyey waxana la sugaya inta la kala reebaayo sacad iyo sucaad saacad ayuu buskii halkii taagnaa ,
Hadaba askari xuno oo calool weyn ayaa waxay kaga dhagtay sedex kalmadood this is not for you but this is for your freind markuu sucaad eegana wuxuu odhanaya this is not your wife english kalena ma yaqaanba sacad ayaa hadaba wuxuu go,aanku gaadhay inuu galo gaadhi police ah oo taagna meesha si loogu qaado oo loogu sii gudbiyo jeelka balse sucaad ayaa ku dhagtay oo xaalkeduba waali ku dhowyahay iyadoo caytamaysa oo leh nacasyahow nacaska loo waayey walaahay inanad hadhayn soo kor gaadhiga markay jiido ee uu gaadhigii buska is yidhaahdo galna waa la kala jiidanaya askartiina dhinacbay ku dhagaysaa sucaadna dhinac markii danbe go,aankisii ayuu ku adkaystay sacad sucaadbaanu ku yidhi isii daa walaalo gaadhigaagana fuul waynu isu iman-doonaaye insha alaah hadaan calaf isku leenahaye
Sidii ayey sucaad holland ku gashay sacadna dib itaaliya loogu celiyey markuu ixdhnaa labo casho balse lagama qaadin wax faro ah ee ilaahay ayaa hadana ka badbaadiyey sidii ayuuna ugu noqday mar kale safar u dhaxeeya itaalia ilaa holland isaga oo aan wax sharci ahna haba yaraate sidan ayuu tareen iska fuulay sidii wax waalan ilaahayna waxba ma tusin dhib ah wuxuu marba meel usii hoydoba wuxu gaadhay oo uu sii dhibaatodaba wuxu gaadhay centerka paris casimada faransiisak halkas oo hadaad gaadho aan cidina waxba ku waydiineyn centterkaas oo aduunka ugu weyn ayuu ku dhex khalkhalay goor galab ah intuu gaadhay sidii u raadinaayey tareenka holland halkuu ka baxaayo ayuu gabalkii u dhacay ka dib wuxuu helay nin jazaairi ah oo afsomali ku hadlaayaba oo ka yimi kanada oo asxaabtiisu tahay niman somali ah ninkaas oo ma fiicantahay ku bilaabayba ninkii aya isna caawiyey waayo sedex saacadood ayuu ku wareegaayey meel yar oo boqol mitir ah markuu is yidhaahdo dhaqaaqba waxaa soo qabata stop yar oo lacag ilaa aad ku shubto aan kaa qaadmayn dadka qaarna kaadhkooda marinayaan oo kaadhkoodaa uu lacagta ka goosanayo qaarna ay tickit u goosanayaan oo dhaafaynaa.
halkii ayuu ninkii ka farsameeyey oo islaan ey wadata aya soo maraysa mid yara balaadah stop ayey tickit u goosanaysaa markay furantaabay deba-gelayaan islaantaas ka dibna wuxuu sarayaa tareen yar oo u kala adeega centerka dhexdiisa uun markuu sidaa u geeyo halkii tareenka holland ka baxaayey ayuu dhaqaaqaya kii u danbeeyey halkii iyagoo taagan oo yaaban ayaa halkiina nin reer jabuuti ah oo ibnu xalaal ah ayaa ka caawiyey oo intuu hudheel seexiyey subixiina tareenkii u jaray sidii ayuu holland ku yimi sacad kuna guursaday jacaylkiisii holland kuna nafisay balse weli wax sharci ah ma haysato sucaad waayo waxay leedahay faro itaalia ah usoo duceeya akhristayaashoow bye all.
DHAMMAAD
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply