JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH) Q-11

Sacad iyo jacaylkiisii sucaad 27 habeen ka dib waxay soo dhamaysteen howlahoodii waxayna u diyaar garoobeen safar kale oo bada ah maalin axada ayey ka baxeen hadana magaalada tropoli iyo raacaya doon lagu magacaabi jiray ((doonidii jacaylka)) oo ay sarnaayeen dad badan oo is wada jecel balse uu ugu mugweynaa jacaylka labadan ruux ee sacad iyo sucaad oo iyagu iska jeclaa indhahooda .

Doontaasina waxay ka soo anbabaxday liibiya waxayna kala kulmeen dhib ka daran dhibkii horeba inkastoo tan aan cidi ku dhiman hadana waxay la kulmeen naxdin iyo anfariir farabadan taas oo doontu markay socotay mudo maalin iyo badh ah ay jirkaamadii shidaalku qarqarxeen ka dibna dadkiiba wada sikhraameen urtii shidaalka oo dad badani isku dayeen inay ka degaan doontiiba iyadoo labo iyo labo miidhan dhabta la isugu hayo dadkii is jeclaa ninba jacaylkiisii ayuu dhabta ku haya oo leeyahay (ha dhicin ha iga dheeliyin .
Hana iga dheeraan) (Dheemeeye ilaahaybaan naftayda u dhiibayaa ) ka dib sacad ayaa batrolkii maskaxda ka galay waxna wuu kala garanwaayey markaa intuusii daayey sucaad ayuu kooneyar-dacal yar oo doonta ka mida qabsaday isagoo wareersan intaa waxa dheer sucaad oo iyana naflacaari ah ayaa ninkii sacad oo dawakhsan waxay leedahay sacdoow sidanbaan yeelayaa waxkasta oo ay samaynayso way u sheegaysaa waxanay is lahaayeen hadaladan

Sucaad ayaa waxay tidhaahdaa sacadow markaasuu sacadna yidhaahdaa hee walaal mcn Sucaad-misay tidhaahdaa walaal waan istaagayaa Sacad walaal istaag inyar markay taagnaato ayey hadana tidhaahdaa sucaaad sacadoow sacad hee walal sucaadeey sucaad walaal waan fadhiisanayaa sacad walaal fadhiiso inyar ka dib sucaad sacadow hee walaal sucaadeey walaal waan istagaya sacad oo hadalkeedii karaahiyeysanaya oo tiisiiba u yaaban hadalkuna dirqi kaga soo baxaayo ayaa yidhaada walaal mcn kor u kac kor u kac intuu gacmaha kala hadlo .

Waxay arintii sii qadhaadhataba dad badana la qabqabto oo leh badaan galaynaa ayaa doontaana markab helay talyaani ahi ka dibna waxaa lagu soo celiyey liibiya sidii si leegna waxaa loo taxaabay dadkii jeelka xabsiga lagu magacaabo (al falaax) oo amigrationku leeyahay kaas oo dadka lagu hayo mudooyin cayiman doonidii jacaylkana halkaaas ayey xabsi ku danbaysay markaa waxa jirtay in doontaas dad is jecel ay u badnaayeen sida ay soo sheegnayba dadkii doontaas saarnaaba markii xabsiga la geeyey wakhti yar oo dadka loo sii dayn jiray si ay u laydhsadaan ayey inamadii iyo hablihii ay is jeclaayeen isku qamaamijireen sida adhi ooman labo labo la iskugu mashquuli jiray ka dibna askartii ayaa waydiisay dadkan maxay iskugu mashquulaan ila soomaalidu waxba ma qarisee waxay u shegen inay is jecjecelyihiin.

.
Ka dibna askartii ayaa tidhi danbaad isu nici-doontaan hadaad is jeceshiin qaarna waxa la geeyey xabsi ku yaal xadka masar qaarna waxaa la geeyey xabsi ku yaal xadka soodaan iyo jaad ay liibiya la leedahay dadkii berigii is jeclaana qaarbaan ilaa iyo hada dib isu arag qofba markuu soo baxay uu aduunka meel ka galay iyadoo qaarba mar la so deynaayey ninkastaaba siduu isu furdaaminaayey ay ku xidhnayd.

Sacad iyo sucaad waxay galeen safarkoodii sedexaad ee ay ku guulaysan doonaan inay liibiya soo dhaafaan dhib iyo dhako-faar badan ka dib ayaa waxay ka soo baxeen xeebta caasimada liibiya tropoli ee (gaarabuuli ) iyagoo soo beegsanaya wadanka talyaaniga halkaas oo uu carabkii liibiyaanka ahaa uu ugu soo xidhay jeheeyihii shiishka u saaray gasiirada lampadusa ee wadanka talyaaniga .

Waxay soo maaxaan baddii oo ilaahay uga sakhiray dhibkii markii labadii jeer ee hore ay kala kulmaayeen badda taas oo ay si dhib yar ku soo gaadheen gaziirada (lampadusa) ka di b markii badii ku soo jireen sedex casho keliya aadna aanay ugu kicin badu marka laga reebo hal habeen oo ay yara ruxmeen wax xoogaa ay badu ku kacday balse dadkii dhici jiray sida sucaad iyo sacad aanay dhib ku lahayn ee qaar dhawaan baradi ay yara calaacaleen .

Sacad iyo iyo sucada waxay soo gaadheen magaalada karatooniya oo dadka marka la soo badbaadiyo ama ay soo xidhaan la keeno oo ah kaam ka waxay isku dayeen inay ka baxsadaan faraha laga qaado dadka kuwaas oo dhib weyn u geysta dadka taasna allaa ugu guuleeyey way ka dhaceen goor habeen ah iyado roob da,ayo ayey ka soo dhaceen xeradii la keenay balse waxaa ka daba timi askar oo qabatay sucaad sacadna uu ka baxsaday ka dibna sacad wuxuu helay nin afrikaan ah oo caawiyey meelna seexiyey habeenkii telfoona lacag ugu shubay subixii si uu ula xidhiidho dadkii balse sacad dad kale lama xidhiidhine wuxuu ku soo dhuftay sucaad oo waydiiyey waxay ku wada tashanayaan inuu isa soo dhiibo iyo inuu socdo balse sucaad ayaa ku tidhi ka sii dhaqaaji faraha ha ku soo noqone waa la is heli aduunyada wixi noole.

W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply