Habeeenkii danbe ayuu ninkii u ogalaaday inuu la hadlo sacad subaxa gabadhii aad ayuu u farxay sacad gabadhii ayaanuu habeenkii usii sheegay inaanay beri xidhin telfoonka oo uu la soo hadlaayo sucaad gabadhiima way ka aqbashay sacad ayaa habeenki raagsadayba oo uu ka dhamaan waayey waxaanuu qaaday heestan
(badnidaa habeenyahow bari,waaban waagiyo maxaan xalayto baraarugay rag.bii ka sheekee dumarna badhaaadhahoodeebal dhagasyta maantana bugsan waa jacaylkuye intuu igu balaadhuu beerkiyo calooshiyo wadanah nabar i geliyoo waxaan haatan uga baqan boga inuu wareemee )
subixii markii waagu beryey ayuu u dhiibay ninkii telfoonkii gabadhii ayuu garacay waanay ka qabatay uguna dhiibtay sucaad oo ay sii diyaarisay waxaana sidii si leeg usoo dhuuntay askari kale oo soo galay qolkii balse ninkii telefoonka lahaa ayaa sacad u sheegay inuu jaro telfoonka oo waardiye ahaa una sheegay in lagu soo socdo sacad
way la adkaatay inuu sucaad ku jaro telfoonkii waana iskala sheekaystay ninkii askariga ahaa ayaa soo dul istaagay sacad oo ku hadlaaya telfoonkii bakse umuu joojin ee sheekadisii ayuu watay askarigii ayaa yaabay ninkan aan naxaynba markuu dhamaystay ayuu yidhi haati telefoon misuu u dhiibay sidiibaana telkiina lagaga qaaday lana yara ciqaabay telfoonona uu kaga go.ay lix bilood ayaanu maqal aragna sucaad oo danbe .
ka dib waxa jirta wax istinaaf la yidhaado oo markaad mudada xukunka kala badho maxkamada lagaaga yeedhaayo si xukunkaagii ama laagu adkaysto ama lagu sii daayo ama lagaa dhimayo waxaana sacad looga yeedhay maxkamada iyo kooxdiisii dhowr inan oo ay doonta wada saarnaayeen sidoo kale waxa iyana loo yeedhay sucaad iyo hablo la socday oo doonta la saarnaa waxay isku arkeen goobtii maxkamada sacad iyo sucaad mudo lix biloood ah markii uu gidaar yari kala qarinaayey halkii ayaa waxa wada gabaadh askariyad ah hablaha ragana nin baa wada halkii ayey saca iyo sucaad faraha ku wada hadleen waxaanu ka qortay telfoon qolka ay joogto ah
wax yar ka dib waa loo yeedhay kooxdii waxaana la waydaiiyey maxad maxkamada sharafta leh ka codsanaysaan waxanay yidhaadeen sacad oo inamda u hadlay waxaan codsanaynaa in nala sii daayo balse nin xun oo maalintaa fadhiyey maxkaamada ayaa ku adkaystay xukunkoodii hore nafsal xukum ayaanu ku xukumay sacad ayaa lagu celiyey halkiisii waxaanuu beryo markuu joogay iibsaday telfoon waayo isma arkayaan sucaad inta xukunkooda ka hadhay telfoonkii ayaanu kula hadli jiray ilaa intay ka soo b axxayeen habeen kasta saacad ayuu la hadli jiray oo wuxu dalbaday lacag markii loosoo xawilayna wuxuu u dhiibtay islaan degen caasiadma liibiya oo yidhi kaadhadh uun iigu soo xoq lacagtaas
mudo markii uu la hadlaayey sacad sucaad xabsigii ayaa la sii daayey oo ay soo galeen suuqii tropoli ka dib marlabadna u diyaar garoobeen inay baxaan waxayna u diyaar garoobeen doonla odhan jiray doonidii jacaylka oo dad badan oo is jeclaa saarnaayeen inay raacaaan tasina way la soo noqon doontaaye la soco sheekada waa gebegebo kolaye
Sacad iyo sucaad waxay dhamaysteen xukunkoodii sanadka ahaa ee ay kumutaysteen tahriibka bilaa sharciga ah ee ay kaga baqoolayeen wadanka liibiya uguna baqoolayeen wadamada yurub intaas ka dib waxa u yimi safiirka u fadhiyey somalida magaalada tropoli oo ahaa nin biidhi-qaate ah oo ka ganacsada dadka soomaalida ah Ee xabsiyada ku xidhan wadanka iisagoo shaadh dowladeed u adeegsanaya lacagna ku soo daaya halkaasna lacag kaga qaatay dadkaas dhan 700 oo dollar calaa qof .
Waxay yimaadeen magaaladii tropoli aqalbayna iska kirayteen markii ay ayaamo joogeen waxay bilaabeen inay isu diyaariyaan safar danbe sababtoo ah qofku haduu gaadho wadankaas liibiya meel uu ka noqdo ma joogo waa ama ku dhimo ama ku badbaad qofkii ilaahay ku badbaadinayaana wuu dhaafaa kii kalena wuu ku dhintaa iyadoo ay iska qorantahay ajshuna iyo qofkastaaba xiligii dhimanaya hadana hadana waa nacasnimo-weyn runtii markaan anigu is weydiiyo bad ku dhimo .
W/Q
Sa’id Moh’ed Hirsi (kuuriya)
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply