JEEL IYO JACAYL, SACAD IYO SUCAAD (QISO DHAB AH) Q-1

 

Shaakdaan waxaan ku arkay meela badan oo kala gaar ah foolguub leh blog yo dhar ah leh, oo dad kala jaad ihi ay soo tabiyeen, qof kastana magaciisa ku qortay, runtii qofka dhab ahaan iska leh maaqaan, waxaana jeclaan lahaa qofkii isk lahaa qofkii dhab ahaan iska lahaa haddi uu uu arko in uu ila soo xariiro si aan magaciisa ugu qoro.

Waa sheeko xiis badane akhris wacan

 

WAA QISO JACAYLA OO KA DHACDAY INTA U DHAXAYSA SOMALIA ILAA HOLLAND

Qisadani waa qiso aad iyo aad u cajiiba run ahaantii oo rafaad iyo duruuf adagi ku xeeran-yihiin, waxay dhexmartay laba qof oo Soomaali ah oo ay ka dhaxaysay sheeko iyo jacayl dhab ah sannado badan. Labadan qof ayaa ahaa qaar isku jeclaa wadankooda hooyo, hase ahaatee, waxay ku heshiiyeen inay u tahriibaan wadamada horumaray, gaar ahaan Yurub, iyagoo go’aan ku gaadhay inay maraan waddada dheer ee dhibta iyo rafaadka badan ee Liibiya.

Labadan qof ee jacaylka xoogga badani ka dhaxeeyey dhibaatooyin fara badan oo argagax leh ayay kala kulmeen jidka, gaar ahaan Liibiya, waxaanay qarka u gaadheen dhimasho ay aakhirgo ugu hoydaan, Ifkana kaga hayaamaan. Ka sokow dhibta dhulka ee Jeelka iyo Garaacista ahayd, waxa kaga darnaa Safarkii ay Badda ku dhexmarayeen, oo ay mararka qaarkood la gaadhay inay si rasmiya uga quustaan guud ahaanba nolosha Adduunka.

Sacad wuxuu ahaa wiil aad u naxariis badan dulqaad iyo raganimo badan Sucaadna waxay ahayd Gabadh aad u wanaagsan dabeecad rabi ugu deeqay iyo kalsooni iyo karti caqli badana run ahaantii aadna u qurux badan.

Sacad iyo Sucaad socdaalkoodii dheeraa ee ay ku beegsanayeen wadadan qadhaadh ee Tahriibta lagu yimaado Talyaaniga iyo Malta iyadoo lasii maro dalka cunsuriyadu hadhaysay ee Liibiya iyo Sudan, waxay bilaabeen socdaalkii iyagoo qaadaya (Anbabaxnaye socodkaa inaan Eebe nagu qadin idina dheha aamiin) waxay si dhib leh Sacad iyo Sucaad ku dhaafeen waddanka Itoobiya ka dibna waxay gaadheen wadanka ugu wacan uguna naxariista badan dadka Soomaaliyeed ee dhalandhoolka ah run ahaantii waa wadanka kaliya ee nasteexa Soomaaliyed ka dhabta tahay wadankaas oo ah (soodaan) Sacad iyo Sucuud.

Ka dib markay ka gudbeen kaymaha iyo buuraha iyo ciidamada booliiska labada wadanba ka kooban waxaa kaloo jooga bahalo ay ka mid yihiin libaaxa,waraabaha,dhidarka,dad cawaana markii alle dhaafiyey dhibkaa badan ee lagala kulmo xuduudka u dhaxeeya labada wadan ee soodaan iyo itoobiya mudo lixmaalmood ah.

Sacad iyo sucaad waxay ku soo baxeen subax barqo ah magaalada lagu magacaabo DOOKO oo ah magaalada ugu weyn magaalooyinka xiga dhinaca xuduudka itoobiya balse aad uga fog meelaha dadka mark lagu qabto lagu celiyo itoobiya si itoobiyana ugu sii celiso WAJAALE halkaasna dad badani ku niyad jabaan marka lagu celiyo wajaale hadaba magaaladan dooko ayaa ah magaalo hadaad gaadho aad aamin tahay gashayna soodaan laguguna celinayn wadanka xabashida tigreega cawaanka ah.

Sucaad iyo Sacad waxay ahaayeen qaar aan marayn laamiga baabuurtu marto iyo dhulka banaanka ah si aanay u arag askarta ilaalada ahi balse markay halkan soo gaadheen way xeroobeen oo waxay usoo baxeen laamiga si ay u joojiyaan baabuurta wadada maraysa kuna socota khurduum Caasimadda Sudan.

Isla markaana, markii ay in mudo ah lugaynayeen laamiga ayaa waxa ku soo baxay laba nin oo wata mooto oo C,I,D ah labadii nin markay arkeen labadan qof ee cidlada lugaynaya waxay garteen inay yihiin somalidii dhalandhoolka ahayd ka dib way soo jaleeceen dibayna ugu soo noqdeen waxanay bilaabeen inay la hadlaan waxaa hadaba luqada carabida yaqaan sacad oo bilaabay inuu la hadlo nimankaas C,I,D da ah ayaa ku bilaabay hadalkii Sacad Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu waxay ugu jawaabeen Calaykum wasalaam waraxmatulaahi wabarakaatuhu maxaad ahaydeen ? wuxuu Sacad ugu jawaabay somali waxay yidhaahdeen ku soodhawaada wadanka suudaan walaalahayaga islaamka ah ee somaliyeedow xageed ku socotaan ayey waydiiyeen labadiinan qof ee cidlada lugaynayaa ? .

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply