In badan ayaan maqalnaa jacaylku waa indha layahay, mase taqaaniin shiikada ka danbaysa oraahdaas?
Sidaan ayay shiikadu u dhacday, intaan dadka dhulka lagu abuurin, dhulka xumaan iyo iftiin la’aan, xiisa la’aan iyo wax fiican iyo wax xunba waa joogeen, maalin bay kuwaas waxay daremeen, caajis , markii ay ka wada hadleena maxaan waqtiga ku dhumminaa, waxay ku heshiiyeen in ay ciyaaraan ciyaarta dhuudhuumashoowga, waalidii ayaa tiri anaa ciyaarta bilaabaya, ee idinku dhuunta, markaasay intay geed gadaashiis isku lamaanisay tiriskii bilowday, intii kalena waxay bilaabeen in ay dhuuntaan, khiyaanadii qashin ayay ku dhex dhuumatay, wanaagii dayaxa dushiisa ayuu tagay, war warkiina waa fogaaday oo daruuraha dhex galay, xiisihiina dhulka hoostiisa ayuu galay, beentiina sidii dhaqan u ahayd, waxay kor u tiri anigu dhagaxda hoostooda ayaan ku dhuuman, balse badda ayay aaday oo quustay, gabigood dhuumashay ku wada jireen, waalidiina tiraday ayay waday, 85, 86, gabigoodna waa dhuunteen jacaylkii maahane, la yaabse maleh oo jacayl sidiisaba go’aan in uu gaaro ma awoodo, sida lagu bartayna ma awoodo inuu is qariyo, dhammaanteena waan ognahay in ay adagtay jacayl in uu qarsoomo ama is qariyo, waallidii tiradii ayay sii waday, markaas ayaa jacaylkii si kadis ah ku go’aansaday inuu ubax hortiisa ahaa ku dhex boodo, waalidiina waxay kor ugu qaylinasay, 99, 100, waan idiin soo socdaa ayay tiri, siday kulligood filayeenna caajiska ayuu ahaa kii loo hor qabtay, waayo sida caadadiisii ahaydba iskuma dayin inuu is qariyo, beentiina neeftii ayaa ku dhagtay oo biyihii waa ka soo baxaday oo is dhiibtay, wanaagii asagu wuxuuba ka muuqday dayaxa korkiisa oo waalidii dhib badan uma marin inay xiisihii hesho, waallidii aad ayay u nasiib badnayd oo dhammantood waa heshay waliba si dhib la’aan ah, balse si kasta oo ay u raadisay oo u raadisay jacaylkii waa weyday, markii danbe xasidnimadii ayaa u timid waalidii oo ku tiri, jacaylkii ubaxa ayuu isku dhax qariyay, waalidii intay oraday ayay qori dheer oo qodxa leh soo qaadatay ayay ubaxii hadba dhica kaga juqaysay, si uu jacaylku uga soo baxo, siday u juqaynaysay ayay jacaylkii oo oynaya maqashay, waayo qorigii ayaa indhaha ka galay oo ka dhaawacay, waalidii oo aad uga shallaysan waxay samaysay ayaa tiri, alla maxaan sameeyay?, haddase maxaan qaban karaa?, jacalkii indhool baan ka dhigaye, jacaylkii baa cod liita ku yiri, aragaygu soo noqon mayo, maanta ka dinbna wax arki mayo, balse waxaad ii qaban karto ayaa jira, adigu I hor qaad oo I hoggaami, waana tan aan maanta argno oo jacaylku halkuu tallabo dhigayo uma jeedo asagoo indha la’ ayuu socdaa, waallina waa hogaaminaysaa.
Marka dadoow yaan lala yaabin dadka jacaylku hayo, jacayl indha la’ baa haya, waalli galgacaylna waa hoggaminysaa,
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply