JACAYL HEER KAAN MA GAARAA?

 

Lamane ayaa aad iyo aad isku jeclaa oo ayagoo kale aan la arag, waxaa markasta la arkaa ayago gacmaha is haysta oo maraya ama fadhiya  beeraha nasashada ee magaalada, waxaa ka dhaxeeyay jacayl aad u qurux badan oo midba midka kale uusan awoodin inuu in yar ka maqnaado.

Had iyo goorna waxay iska qaadi jireen sawirro xasuus u noqda jacaylkooda daahirka ah, ayaga ayaana caddaysan jiray sawirada waayo wiilku wuxuu lahaa meel sawiraada lagu qaado laguna caddeeyo, gabadha qudheedana waa uu baray oo waa cadaysaa, maalin ayaa markii ay baxayeen wiilkii alaabti mid walba meeshii ay taallay ee laga soo qaaday ku celiyay, maalintii ku xigtay gacalisadiisii ayaa damacday in ay sawir cadeyso, balse shalay gacaliyaheedu daawada wax lagu caddeeyo meel aan ammaan ahayn ayuu dhigay, waxaana dhacay waxaan la filayn oo markii gacalisadiisii damacday in ay laasho daawadii wax lagu cadaynayay, si kadis ah ayaa daawadii usoo dhacday oo foolka iyo indhaha kaga daadatay, dadkii istuudiyowga joogay dhamman ayaa hal mar ku soo yaacay oo waxaa loo qaaday isbitaal, gacaliyaheedii oo aan markaas meesha jooggina waa loo sheegay sida wax u dhaceen.

Markii uu ogaaday daawada ku daadatay, wuxuu hubay in ay indha beelayso cagalisadiisu, durbadiiba wuxuu jeex jeexay sawiradii ay wada galeen oo dhan, saaxiibadiisii la joogayna waa garan waayeen sirta ku jirtay ee uu sawirada u jeex jeexay.

Saxiibadoodii ayaa maalin waxay aadeen isbitaalkii si ay xaalada gabadha u soo eegaan, balse waxay u tageen gabadhii oo waxaagsan, oo foolkii qaliin loogu hagaajiyay oo sideedii hore u qurxoon iyo indhaheedii oo fiican, ibitaalkii markay ka baxday  ayay raadisay saxiibkeedii aan daacadda u ahayn oo markii xaal ugu xumaa ka tagay oo aan dib ugu soo laaban, balse waa ay ka weyday istuudiyowgii iyo gurigiisii, waxayse taaqaanay meel uu u badnaa oo inta badan oo uu aadi jiray, waxayna aragaty asaga oo beer lagu nasto fadhiya, gadaashiisa ayay ka timid asaga oo aan ogayn, waxay u eegaysay si xumaan ku jirto waayo asaguba markii dhibtu ku dhacday garabkeeda wey ka weyday, hortiisa ayay soo istaagtay ayadoo ilmo ka socoto oo ay rabatay inay la hadasho, balse yaabka yaabkiise, ma uusan muujin wax danayn ah, xataa ma uusan fiiri.

Waxa dhacay ma maxaad u malaynaysaan?

Markii wiilku ogaaday in ay gabadhu indha beelayso, oo sawiradii jeexjeexay ayuu aaday isbitaalkii, oo dhaqtarkii ku yiri cudur xun baan qabaa oo noloshayda bil baa iiga hartay, waxaana doonayaa in aan gabadhaas indhahayga ugu deeqo,

 

Indhihiisii ayuu ugu deeqay, wuxuuna door biday in uu indhool ahaado intii saaxiibtiis indha la’aan joogi lahayd, qallinkiina waa lagu guulaystay, markaas ka dib wuxuu go’aansaday inuu agteeda ka dheraado, si ay u hesho mid kale oo farxad siin kara waayo asagu hadda waxuu noqday mid gaasiran oo indhool ah, gabadhii markii ay ogaatay inuu indhool yahay oo hin ayay dhulka kula dhacday ayadoo ilamadu ka qubanayso,

Saxiibkeedna intuu istaagay ayuu dhaqaaqay oo ayadii hor maray, asaga oo aan ogayn qof ay tahay gabadha oynaysa, ayadiina dhinaca kale ayay u dhaqaaqday.

Jacayl heer kaas ma gaari karaa?

DHAMMAAD

Qore

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply