Beri ayaa jacayl dhex maray, wiil iyo gabar, wiilkuse cid sabool ah ayuu ka dhashay, ciddii gabadhu markay taas ogaadeen in wiilku cid sabool ah ka dhashay uma riyaaqin, balse wiilka galgalnimadiisii iyo xoodashadiisi odaga iyo habarta ayay ku dageen waxayna ogaadeen in uu nin fiican yahay, sidaas ayay isla socodkoodii raali uga noqdeen.
Wiilku wuxuu ahaa ciidan waxaana loo diray aagga hore oo dagaalka al shabaab lagula jiro uu ka socdo, intuusan bixin ayuu u yimid saaxiibtii oo ku yiri markaan soo laabto ma si guursanaa? ayadoo illin indhaheeda ka tiraysa ayay tiri haa, sidaas ayuu ku alkuntay oo aaggii hore ee dagaalkana ku aaday.
Balse arrin murug leh ayaa soo daristay oo markii wiilkii maalmo sii maqnaa ayaa gacaladiisii shil baabuur gashay oo baabuurkii ay shirka ka saarnay mid kale fool ka fool isgu dhaceen, waxaana wax ka gaareen foolka oo ay si xun uga dhaawacantay, oo murqihii foolku is daayeen, taas oo keentay in foolkeeii uu isku dhaco oo ay qof kale oo aan la eegi kari u ekaato.
Markii ay miyirsatay waxay aragtay hooyadeed iyo aabaheed oo oynaya, durbadiiba waxay garatay in arrini xuntahay, muddo ka ibna waxay ogaatay in maskaxda qaybteeda maamusha murqaha foolka ay wax ka gaareen, foolkii beri bilcda badnaana uu yahay maanta mid aad u qaab daran, muraayada ayay isku fiirisay oo tiri
‘‘Shalay waan qurxoonaa, maantase dugaag baan u ekahay”
Isla xilligaas waxay go’aan satay in ay alkunkeeda fasaxdo si uu naagtii uu rabo u guursado, aayada oo sidaan ah asaga iyo mid kaleba kuma rabayaan ayaa hubaal u ahayd oo ay nafteeda u sheegatay, inaysan dib danbe u arag oo laabta ka jarto ayay go’aansatay.
Waxay diiday in ay telefoonka ka qabato markii uu soo waco.
Muddo gu’ ku dhow markii laga soo wareegay, ayaa meelin hooyadeed qolka ugu soo gashay kuna tiri
”Waa uu soo noqday saaxiibkaa”
markasay hooyadeed ku tiri
” Waan ku baryaa hooyo, ma joogto ku dheh, inaan arko ma rabo”
markaasaa hooyadii tiri
‘‘Waa uu guursanayaa alkunkaagii”
waxayna u dhiibtay waraaqdii casuumada, wadnihii ayaa uurka ugu dhacay, naxdin bay qac la tiri, waxayna nafteeda u sheegtay ayadoo murug xoog leh hayso, waa inaan illoobaa asaga dhan markaan.
waxay furtay waraaqdii casuumada waxayna ku aragatay magaceeda oo ku yaal, ayadoo jaha wareersan ayay tiri
”waa maxay waxaan?”
Markaas ayaa waxaa u soo galay wiilkii, oo inta dhinaceeda fariistay ku yiri
” Sow isma guursanno? Waan ku ballanaye”
foolkii ayay inta calaacalaha ku dabooshay oo qarisay ayay tiri
” Waan fool xumahay”
wiilkiibaa markaa yiri,
“Adiga oo aan ogayn ayaa hooyadaa ii sheegtay waxii dhacay, sawirradaadana ii soo dirtay,markaan sawiradaada arkayna waxaan ogaaday inaan waxba iska kaa badalin, wali waxaa tahay qoftii aan jeclaaday, adiguna aad baad u qurux badan tahay, naag kalana ma rabo, adaan inta nolosha ii hartay kula qaybsan, waayo waan ku jeclahay.
Diyaarie
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply