ILLINTU IIGA QUBAN-Q-1AAD

 

[Sheeko murug leh]

Waxaaan jooga duleed cidlo a,h gurigii aan joogayna wuxuu guubtay habenimadii aan suuqa ka imid, inkastoo ay aroor hore tahay haddana ma baqayo, waayo halkaan waxaaan u hoyanayay muudo labo sano ah, halkaan cidna ilama dagana oo waa kaligay, waxaaase jira durufo badan oo igu qasbay inaan ku noolaado xaaladan, waliba waxaaan maalmo dhaweyd ka hor aasey Ilmahaaygi ugu horeyay, iyo qoftii kaliya ee aduun ii naxariisatay, waxba yaan hadal badan akhriyine kuso dhawada qisadayda iyo murugadeeda

Asal ahaan waxaaan iska ahaa inan yar oo reer badiya ah, runtiina wan ku qanacsana ku noloshayda miyiga, oo dhagahaygu waxaay la qabsaden maqalka dhawaqa shinbiraha iyo guuxa dabaylahaa, waxaaase si kadis ah hooyaday u soo gaaray farriin  ka timd islan eedaday ah oo ku nolayd magalada oo hantiile ahayd, waxayna donaysay gabadh uu shaqaysa oo ay waxna barto, madama aan hablahaa ugu yaraa uguna madax tagnaa waxaa la go’aansaday in aniga la i diro, sadex maalmood kadib ayaan u anbaba baxay nolal ka duwan noloshan ku barbaray amaba ku kuray, waxaana uu safar qaatay, aduunyo aan maaqli jiray ee aan wali arag.

eedaday wa abahaaay walashiis, waxaa dhaqaaqay gadhigii aan saarnaa, waxaaana gadaal u sii daawanayay noloshaydi aan aaqanay, ee aan mudada dheer ku noolaa oo iga sii mirqaysa, sidoo kale, hooyaday abaahay iyo walalahaay, ee aan dhamaantood jeclaa, adduunkana aanan cid kale ka aqoon ayaga maahane, aygiina ayagoo taagan oo I nabad galyaynaya ayaan gadaal u eegayay, ilamdana waan isku celinayay, dhulkii aan aqaanay ee aan xoolaha ku raaci jiray ayaan gaadhi xawaare ku socda ku gudbayay,

waxaaan so galay magaaladi aan u socday, waxaana raacay oo isugaysay eedo, Inkasto oo aanan waligay araag hadana waxay uu ekeyd aabahay saas ayaana uu racay oo waxaaan wada aadnay gurigeedi, gurigeedu wuxuu ila ahaa qasri, inkasta oo aanan marka garanayn macnahaa qasri iyo waxaa dhex ooli kara, waligay maan arag nolosha eedaday nolol ka qurxoon, masha Allah ayaan  idhi.

Cabbaar markaan iska nastay ayay igu tiri,

“iska bixi maryahaan oo kuwaan ku labiso, qolkaana adiga ayaa leh ee orod isaga ku soo labiso, waxaaan isku dayayaa in aan maalmaha soo socda ku geeyo goob waxbarasho si aad ula si qabsato wax dhigista”

“haye eedo” ayaan  idhi,

runti waxaabad mooday in ay isoo dhawaynayso nolosha magaaladu,  inkast oo aan aad ugu xiisey ehelkaygii gaar ahaan hooyaday, haddana waxaaan ahaa qof ku dagan oo xasiloni ku daremaya nolosha eedo agteeda.

maalintas maalinti xigtay ayaan  uu dhaqaqay shaqadii oo aay eedo ibaraysay,  caruurta eedana waxaay ahaayen kuwo iska yaryar oo imaysan dhibi jirin, madam aan ka imid meel wada  caruura oo aan waliba ariga raci jiray, maalmo iyo bilo ayaan  ku dhex jiray noloshii qasriga eedaday inkasta oo aanan intas oo dhan arag ninkeeda, oo markuu guriga so galayo eedaday waxay I odhan jirtay qolka gal, hadii aan ogaan lahaa waxaa soo socda iyo wuxuu  I marsiin doono, waxaan daqiiqad kasta codsan lahaa in aanan qolka kaso baxeen oo anaan araga asaga, laakiin, maxaan ka qaban kara wixii ii qornaa ayuunba nolosha kula kulmay, waana ku qanacsanahaay qadarta rabi een rumaysnahay.

Waxaaan subax ku soo bararugay qaylada eedaday iyo biyo aad ii qooyay, waxayna  igu lahayd oo igu canaanaysay ayada oo qaylinaysa,

“hurudo iyo nasiino aadan heerkeeda gaarin meeshaan uma aadan imaan, ee kac shaqee igana daa waxaaan aad igu wado iyo iska jiifkaan”

intaan naxay ayaan  ku idhi,

“haye eedo waan dhaafayaa, xagii jikada ayaan soo aaday, so bixitankii qolka aan kaso baxay iyo soo bixintaka eedo ninkeeda aya kulmay, waxa iga wada qoyna biyihii eedo igu shubtay ee ay hurdada iiga kicisay, asga oo yaaban ayuu markaas igu yiri,

“adeer maxa ku helay oo ku qoyay, mida kale xiligaan maxaa kuso kiciyay, maad iska sexatid”

Anig oo aan wali hadal odhan ayay eedo igasoo daba hadashay ayada o oleh

“orod xaaji iska gal qolkaga, naa soco adna” ayay tiri waana iska dhaqaqay, asagiise ma dhaqaaqin oo si xeel ah ayuu  ii eegayay, waa eedo ninkediiye

Subaxas sidaas ayuu igu dhaafay, waxaaanse is waydinayay waydimo badan oo ah, eedo maxaa helay? maxay kugu maagtay? muxuse aader sidaas oo dhan kuugu eegayay? kaso guduboo, iswaydimahaas intaan ku jiray waxaay noqotay habeen, waxa aanan uu dhaqaaqay dhanki qoolkayga, lakiin intii anan gaarin ayaa  waxaaan maqlay garaca albabka hore ee guriga, cod dheer ayay eedo igu tiri

“naa albabka fur”

Hadaaan furayba qofkaan ka furay waa adeer, albaabkii markaan  furay ayaan  dhinac uga baydhay si uu u soo gudbo,  wuxuuna igu yiri

“iska waran magacaagi muxu ahaa?”

anoo wali hoos u forara ayaan  idhi,

“adeer bilan ayaa lay dhahaa”

aa yar buu iska so jaray

“adeer hay oran ee magacayga iigu yeedh”

W/Q

Hibo Axmed Mayrane

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://akhri.so/

Leave a Reply