”aabe ‘aabe” ayada oo leh ayay gabadha yar ka soo dagtay baabuurkii jiib ka ahaa ee ay saarnayd, kana daba oroday aabaheed oo sii galaya dhismo ku yaal bartamaha Cammaan, orodka gabadha yar waxa uu keenay ayaan darro tii ugu xumayd ee sooyaalka Mossad, howl galka si fiican ayaa naqshadiisa loo dajiyay in kasta oo sida loo fulinayo ay qaab darnayd, balse mid lagu in lagu guulaysto ay ahayd ayuu ahaa, bar tilmaameedka in la dilo la bay wuxuu ahaa, Khaalid Mashcal, oo markaas loo doortay madaxa laanta siyaasada ee Xamaas, affartan iyo kow jir injneer combuyuutar ah, qurxoon, gar madoow oo isku xiran oo si qurxoon u jaran, wuxuu ahaa hoggaamiye Xamaas oo soo baxaya oo gu’ yaashiii la soo dhaafay noqday nacabka ugu weyn ee is raa’iil, ururkaan wuxuu sii waday ururkii PLO dagaalkii uu kula jiray Israa’iil, ka dib markii Yaasir Carafaat iyo Yitzhak Rabin ay tallaabo u qaadeen dhinaca nabada ka dib markii ay saxiixeen heshiiskii Oslo Sibtember 1993.
Madaxa Mossad ayaa go,aan ku gaartay in la dili Khaalid ka dib markii qarax is miidaamin 30 Julay 1997, oo laba Falastiiniyiin ah ay isku qarxiyeen saylada Mahane-Yehuda ee aad u dadka badan oo 16 qof ku dhimatay, 169 kalana ay ku dhaawacmeen, madax wasiirada Benjamin Netanyahu  ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray golahiisa si go’aan looga gaaro in la dilo mid ka mid ah hoggaanka Xamaas, madaxa Mossad janaral Danny Yatom ee xilka qabtay 1996 ayaa Netanyahu u xilsaaray in soo dooro ninkii la dili lahaa.
Yatom nin gaaban oo murqoon oo bidaar leh, wax badan ayuu ciidan soo ahaa, wuxuu, nin lagu yaqaan in uu dagaal yahan yahay, wuxuuna ahaan jiray ku xigeenka madaxa ciidamadaa Sayeret Matkal, ka dibna madaxa xaurunya dhexe hoggaanka ciidanka, wuxuuna haa sareeye guuto, asgoo aad ula dhacsanaa daacad u ahaa madaxii wasiirada Yitzhak Rabin, ayuu wuxuu u ahaa la taliyihiisa ciidamada, Rabin markii uu geeriyiiday, dad badan ayay la yaab ku noqotay in Yatom laga dhigay madaxa Mossad, dadkii yaqaanay ad ayay u qadarin jireen ciidan ahaantiisa iyo howl qabadkiisa, balse wuxuu ula muuqaday nin aan u qalmin in uu noqdo madaxa urur sirdoon oo ma uusan lahayn caynd nin sirdoon, waxayna u muuqatay in xilka uu ku helay maamuus la maamuusayo Rabin ee yaan u qalma oo aqaan u leh aan lagu dooran.
Kulankii uu Netanyahu la yeeshay  bilowgii bishoo Ogost 1997 ka dib, Yatom wuxuu deg deg ah isugu yeeray madaxda laamaha waaweyn ee Mossad, waxayna ahaayeen, waxaana ka mid ahaa, uza magen, ku xigenka yatom ee qaybta B, ahan madaxa Caesarea qaybta how galada agaarka ah, Ytzhak Barzani, madaxa Tel aviv ee qayta ee iskashiga sirdoonada qalaad, Ilan Mizrahi, madaxa qaybta xog soo aruurinta iyo kuwa kale, Mossad ma ayasan haysan liiska madaxda Xamaas oo dhan, madaxa u sareeya se wuxuu ahaa Muuse Maxamad abu Marsuuq, balse sitay baasaboor maraykan ah, haddii wax la gaarsiiyana ay ka dhalan karto isku cakirnaan ka dhalata Israa’iil iyo Maraymanka, sidaa darteed si buuxda ayay la is kugu raacay in la dilo Khalid Mashacal oo xafiiskiisu ku yaal Cammaan, balse markii Rabin iyo Urdun kala saxiixdeen heshiis nabadeed oktoobar 1994, ayaa madaxa wasiirada Rabin ka mamnuucay in ay Mossad wax howl gal ah ka fuliso Urdun.
Yatom oo ahaan jiray xog hayta dhinaca ciidamada ee Rabin oo amarada Rabin si toosa u fulin jiray, markii uu Mossad madax ka noqday waa uu iska dhaga tiray arrinta Urdun iyo in aan howl gal laga dhex samayn wuxuuna Netanyahu u gudbiyay magaca Khaalid Mashacal, Netanyahu na waa ogolaaday balse uga digay in aan wax ceeba ka imaan oo si qarsoodi buuxda ah oo daggan loo fuliyo howl galka toogashana aysan meesha ka muuqan,
Yatom wuxuu howshii u xilasaaray unuga Kidon, unug caan ah oo ka tirsan unuga dooxatada, dhaqtar kiimikaalka ee Mossad u shaqeeya wuxuu soo jeediyay in la adeegsado sun halis ah oo ay horumariyeen mac’hadka kiimikada uu ku yaal Ness Ziona, suntaan wax raad ah ma reebayso, baritaan meydka la baarana lagama arkayo, isla suntaan oo  kale ayaa hadda ka hor loo adeegsaday Waadi Xaddaad, madaxii jabhada shacabka ee xoraynta falastiin.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply