Xagaagii 1997, dadkii jidka marayay waxay arkayeen laba dhallinyaro ah oo ruxaya laba qasac oo kooko koola ah, ka dibna furay oo dhawaaq fiiq leh ka soo baxayo cabitaankiina soo daadatay, dadkiina waa dhibsadeen balse horay uga sii socdeen, isma oran dadku labadaan basaas ee Mossad ka ah waxay u tababaranayaa sidii loo dili lahaa Khaalid Mashcal, mid ka mid ah labadoodu waxuu furi doonaa qasaca kooka koolada uu ruxay si dadka dareenkooda uu u sii jeediyo, kan kalana dhowr dhibic oo sun ahayuu qoorta Khaalid ku dhibcin doonaa.
Lix toddobaad howl galka ka hor, ogost 1997 ayaa basaasiintii u horreeyay yimaadeen dalka Urdun, waxay wateen baasabooro dalal kale, waxayna ilaalis ku hayeen nolol maalmeedka Khaalid siday u dhacdo, xilliguu guriga ka baxo, aroortii ayaa fatuurada la sii raaca, jidkee qaadaa iyo xagee aadaa, qul qulka baabuurtu waa sidee marka uu sii socdo.waxay cabireen in ay qaadato markuu fatuurada ka dago iyo inta ay ku qaadato in uu ka galayo dhismahan, waxay u guur galeen in dadka ay isku dhismaha galayaan in uu la istaago oo la hadlo iyo in kale, waxay uruuriyeen wax walba oo howlgalka wax u tari kara si kasta ha u yaraadeene,
Waxay u direen Kidon xarunteeda horu dhac warbixineed oo sheegaya, in Khaalid uu aroortii gurigiisa ka baxo asaga oo aan ilaalo la socon, baabuurkana waxaa ku wada gacan yarihiisa, wuxuuna aadaa hay’ada samafalka Falastiiniyiinta ee ku taal sarta shamiya ee Cammaan, marka uu fatuurada ka dagana waduhu waa la tagaa fatuurada, socod yar ka dib wuxuu galaa dhismaha, hay’ada sama falka ee Falastiin waa mid ay ku hoos gabbadaan ururka Xamaas oo gabaad qarsoon u ah, waana xarunta dhexe ee Xamaas, kooxdii ilaalada ahayd waxay war bixin ay gudbiyeen ku sheegeen, in xilliga ugu fiican ee la qaban karo Khaalid ay tahay aroortii kolkuu gaariga ka dago oo uu illinka dhismaha u sii socdo.
Xagaagii oo dhan waxaa la waday diyaarinta howlgalkaas iyo ilaalo, ciidan sirdoon oo kale ayaa ku soo biiray kuwii hore waxayna kiraysteen guryo iyo baabuur, si lama filaan ah ayaa qarax is miidaamin ah oo kale uga dhacay magaalada juuru salaam, saddex ka tirsan Xamaas ayaa isku qarxiyay wadada Ben Yehuda, waxaa ku dhintay 5 Israa’iiliyiin ah, 181 kalana waa ay ku dhaawacmeen,
Israa’iil intaas ka badan ma sugi karin in ay si dhaqsa ah tallaabo u qaadaan weeye, maalin ka hor intaan howlgalkii bilaaban, 24 Sibtembar 1997, laba dalxiisayaal ah aya ayaa ag joogay barkadda dabaasha uu Cammaan hotel, ninku wuxuu gashanaa shukumaana qubayska loo xirto, shaqaalaha hotelka wuxuu u sheegay in uu ka soo bogsoonayo wadna xanuun ku dhacay, sida aayarta ah iyo is ilaalinta uu u socdo ayaa waxaa ka muuqda raadkii jirradu ku reebtay waxaana la socota gabar dhallinyaro ah oo dhaqtarad ah, markii in doora la joogaba waxay ka cabirtaa cadadiska dhiiga iyo garaaca wadnaha, inta badana barkada dabaasha ayay ag joogaan, bukaan socodka wadnaha laga hayo wuxuu ahaa mishka ben Devid, wuxuuna u xilsaaran yahay isku xirka xarunta weyn ee Mossad iyo dadka ka howl galaya Urdun, gabadhu ayaduna waa Mossad balse waa dhaqtarad run ah waxayna wadaa daawadii lidka ku ahayd sunta Khaalid in lagu dilo la rabo, waxaana loo adeegsanayaa daawada lidka ah haddi ragga howl galka wada ay dhacdo in dhibic sunta ka mid ah ay gaaro in lagu badbaadiyo, haddii aan cirbad dawadaas ah aan lagu dhufana dhimasho waa lama huraan,
Intii uu bukaan socod ka beenta ah iyo dhaqtaradu ay iska ag fahiyeen barkada agagaarkeeda kooxdii howsha fulin lahayd waxay ku jireen is diyaarin oo waxaa yimid Cammaan kuwii wadi lahaa lahaa buubuurta lagu basanayo markii howsha la fuliyo howlo kale oo yar yarna qaban lahaa, waxaa ka badan yimid raggii dilka fulin lahaa, laba basaas oo wata baasabooro kanadiyaan ah, Shawn Kendall iyo Barry beads, waxayna dageen international hotel ee Cammaan, waxaase meesha yimid is weydiimo aan wanaagsanayn ee labadooda ku saabsan oo ah maxaa labadaan oo aan dal Carbeed howl ka fulin loogu soo doortay howl galkan?
Igiriiskoodu maahayn mid sidaas u wanaagsan oo waxay ugu dhawaaqyeen afka ingiriiska  sidii Israa’iiliyiinta, haddii baaritaan dhab ah lagu sameeyana waa la soo saari karaa in aysan kanidiyaan ahayn, taas waxaa ka sii darnayd gafkii ay sameeyeen kooxdii ilaalada ahayd oo la ogaaday markii howl galkii bilowday, dilaaayaashu waxay ahayd in ay joogaan illinka sarta xafiiska Khaalid ku yaal, isla kulanka basaasiinta iyo Khaalid wuxuu ahaa in uu noqdo mis xuf ah in Shawn iyo Barry ay abbaaraan Khaalid, ka dib qoorta kaga buufiyaan sunta kuna baxsadaan baabuurta sugaysa, labada kanidiyaan ah aad yay u diyaarsanaayeen oo waxay ku soo tababa barteen wadooyinka Tel aviv, Shown waxay ahayd in uu ka hor yimaado Khaalid oo kookada ruxan uu furo oo si aan kas ahayn firdhaadka kookada ugu aadiyo dhinaca Khaalid, Barry oo qasac yar oo suntu ku jirtana wada in uu ilbiliqsiyo gudahood ugu buufiyo Khaalid oo burqashadii kooka kooladu ay la ragatay dareenkiisii ama fiijignaantiisii, in qoorta looga buufiyo ka dibna wuxuu u dhiman wadne xanuun, haddi ay dhacdo in Khaalid xawaare kusocdo oo labadaan kanadiyaanka ah ay gaari waayan  qorshu wa in laba dalxiisayaal ah ay ka soo baxaya hotelka ay Khaalid ku dhacaan si ay u daahiyaan inta labada kale ka soo gaarayso, sidaas ayuu ahaa qorshaha Mossad dhigeen oo ay ku qanacsanaayeen, waa in aan wax iska hor imaad Urduniyiintuna dhicin.
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply