howlgalkii Iswizerland Q-2

 

 

‘‘Buugee ka hadlaysaan?, waa idiin dharanayaa inaan si daacad ah wax idiin weydiiyay”

Himlar ayaa markaa si caro badan ugu qayliyay

‘‘Buugga aad ku kashiftay sirta ciidamada naasiyiinta”

Jacob markii uu hadlay codkiisu wuxuu xanbaarsanaa yaabkii aduunka oo wuxuu yiri:

‘‘Sir? Maba ogayn in ay sir tahay”

Himmler ayaa xanaaq la guuxay oo intii uu sii waday feer xoog badan ayaa wariyihii ku qayliyay

‘‘Waligay waa sir isma oran, wargaysyadaan ka soo aruuriyay, wargaysyadiina Jarmalka”

Himmler ayaa si xun ugu qayliyay oo yiri

” Doqonimaadaad igu la hadlaysid waa maxay, ma waxaad rabtaa inaad iga dhaadhacsiisid in aan annagu sirtii ciidamadeena aan wagaysyada ku dabacnay?”

‘‘Wargaysyada oo dhan maaha ee waa mid kaliya” ayuu Jacob oo baqdini dishay yiri

” Hal wargays kaliya”? ayaa Himmler ku ceshay asago xanaaqsan

Jacob oo oohin qarka u saaran cabsi iyo argagax dartood ayaa yiri

” haa…. Bogga tacsida”

Hadalkiisii wuxuu Himmler iyo intii la joogtay ku noqday jug culus oo halisteeda leh.

 

Markii Hitler warkii loo sheegay wax dhici kara maahan ayuu yiri, bogga tacsida? Ma wuxuu ku andacoonayaa in sirta ciidamadeenna weyn uu ka helay bogga dhimashada?, ma waxay la tahay in uu na dhagri karo? Himmler intuu madax hoos u foorarshay ayuu yiri:

‘‘Dhabtii hadalkiisu waa run, hoggamiyayahii weynaayoow, waan soo hubinay”

Hitler sidii biriq ayuu hadalkii u soo tuuray oo yiri

‘‘Sidee”?

Intuu neef xoog leh jiiday ayaa himmlar yiri

”Bogga dhimasha warar badan oo halis leh ayay xanbaarsan yihiin, oo sanka naga marayay annagoon dareemin, sida guuatda lamber sidaas ee joogta meesha sidaas ah waxay tacsi u dirayaan gaashaanle hebel  geeridii ku timid walaakiis oo shil baabuur ku dhintay”.

“Iyo janaarl hebel iyo guuta hebel waxay tacsi u dirayaan horjoogaha kooxeedka sidaas ah oo jooga meesha sidaa ah, ugana tacsiyaynayaan geeridii ku timid hooyadiis, iwm, sidaas ayaa maalin walba loogu soo qoraa warbixinnada ciidamadeena bogga tacsida, ayada oo kuwa daabacayaa  aysan war ka hayn halista waxay daabacayaan.

 

Hitler intuu gacanta haatiyay ayuu yiri:

‘‘Haddii wariye sida Jacob uu awooday in uu war bixitaas oo kale aruuriyo, maxaa u diidaya nacabkeena?

‘‘Sax”

Hitler intuu calaacashiisa oo duuban dhabnka ku cuskaday oo in doora fakaray ayuu ku yiri himmlar

‘‘Waa in aan ku waaya qaadanaa casharkan, ka faa’iidaysanaa”

“Hubaal, hoggamiyaheena sare, hubaal weeye”

 

Dhabtiina Hitler cashar uu ka faaiidaysto ayuu u noqday buuggii Jacob, balse sirdoonkii aduunka oo dhan ayaa ka faa’idaysatay markaas ka dib, maalintaas laga soo bilaabo tan iyo hadda lama ogolayn in dhinacyada ciidamadu ay war tafaftiran ku qoraan bogga tacsida ee war gasayada, dalalka qaarna waaba joojiyeen in dhinac ciidan ah uu ciidan kale tacsi u diro, ama in la xuso darajada marxuumka ka badan, meelaha qaar, Himmler qudhiisu si weyn ayuu uga faa’idaystay oo wuxuu ogaaday waxa laga heli karo haddii la aqriyo buugta iyo wargaysyada nacabkaaga, xataa bogga tacsida.

 

 

Markaas ka dib saldhig ayay u hayd sirdoonka aduunka meeshay rabaan ha ka joogeene, in war bixino laga helo wax kasta oo ay qoraan dalalka nacabka ah iyo kuwa kaleba, buuggaag, wargaysyo, Wararka raadiyaha.

Balse Jacob waa la sii daayay waxaana lagu celiyay Iswizerland, ka dib markii sirdoonka Jarmalku mag dhow siiyeen, mag dhowgaasna wuxuu ahaa kii u horeeyay una danbeeyay ee sooyaalka lagu hayo ee sirdoonka Jarmalku dhiibo, balse mag dhowga la siiyay hadal baa la socday, weer uu Himmler yiri ayaa la socotay, oo wuxuu ku yiri,

”lacagtu waxay u baahan tahay qof nool oo adeegsada, oo wax ku qabsada, warkayga ma garatay Jacob”

Jacob na waa gartay, dibnihiisuuna xirtay.

 

Laga bilaabo 1935 tan iyo 1945 Jacob ma ilaawin wixii ku qabsaday Jalmalka iyo gacanta sirdoonkeeda, baqdintaas ayaa bartay inuu afkiisa ka adkaado oo uusan eray furin, balse laba buug oo buugtii in la af duubo sabab u ahay ayuu haystay oo uu markii hore meel dhigtay, buug ay ku qornayd sirta ciidamada Jarmalka ka hor intaan dagaalkii 1939 kii bilaaban.

Jabkii ciidankiisu ku dhigeen ciidamadii Yurub iyo siday cagta u mariyeen waa la yaabay balse ugu danbayn Hitler iyo ciidankiisii waa jabeen, 1945 ayaa Jarmalka kacanta lagu dhigay Hitler na is dilay.

Bilowgii 1946 ayaa Jacob dib u daabacay buugiisii.

DHAMMAAD

Diyaariyay

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply