howlgalkii Iswizerland Q-1

 

markii uu soo if baxay  Hitler oo xidigiisu iftiimid iyo muuqasho bilaabay ee xisbigii naasigu uu guul sare ka gaaray doorashii Jarmalka ee 1929, wuxuu caan ku noqday khubooyinkiisaa qiirada lahaa ee fuuqsatay maskaxdii iyo wadnayaashii dhalllinyarada ee dalkiisa iyo kuwa Yurub qaar ka mid ah, heer ay dad badan ku abuuranto war war siyaasadeed iyo mid ciidanba, siiba markii ku xeel dheerayaal ay saadaaliyeen in ninkaan uusan caga dhul dhigayn tan iyo inta uu awoodiisa ku ballarinayo Yurub, waana hubaal inuu ka bixi doono heshiiskii Jarmalka iyo aduunku kala galeen markii uu Jarmalku ku jabay dagaalkii koowaad ee aduunka.

Gugii 1932 Hitler wuxuu isku sharaxay madaxtinimada dalka Jarmalka, si uu madaxweyne uga noqdo dalka, intasta oo habkiisa xayaysiinta iyo dacaayadu aad u saraysay haddana kuma uusan guulaysay madaxtinimadii iyo inuu dalka madaxweyne ka noqdo, balse isla markaas xisbigiisii naaziga ayaa helay kuraastii ugu badnay ee baarlamaka, sida dastuurku qabana madaxaweynaha cusub waa in uu siiyaa jagada ra’iisul wasaaraha xisbiga helay kuraasta ugu badan baarlamanka, sidaa ayaa Hitler ku noqday madaxa wasiirada.

Ilbiliqsigii u horeeyay ee uu kursiga raiisul wasaarha ku fariistay Hitler wuxuu bilaabay siyaasad caga juglayn iyo cabsi galis ah, wuxuu ku edeeyay shuuciyiintii iyo ganacsatadii Yuhuuda in ay ayagu masuul ka ahaayeen jabkii Jarmalka ee dagaalkii koowaad ee aduunka, wuxuuna bilaaby in uu dulmo oo uu u xir xiro si naxriis darra ah asaga oo u adeegsaday janaraal Himmler, dicaayad faafisna waa uu bilaabay asagoo abuuray wasaarada dacaayada oo uu madax uga dhigay Joseph Goebbels, ninka ugu caansan inta dacaayad iyo tashwiish fidiya ee sooyaalka lagu hayo tan iyo hadda.

Wuxuu bilaabay in uu ciidan dhiso aad u awood badan oo asagoo kale aan Yurub weligeed arag, wuxuu dhisay warshado soo saara hub kala gaddisan, iyo gaadiid ciidan, taangiyo, diyaarado, baabuur gaashaaman. Hub fudud iyo kuwa culus, xabbado,

Ciidamadu waxay ahaayeen dhallin yaro diyaar u ah in ay Hitler u dhintaan, wax weyna looma arkin markaas in Hitler uu madaxtinnimada mar kale u hanqal taago, kuna guulaystay tartankii oo uu noqday madaxweynihii iyo raiisul wasaarihii Jarmalka, iyo bu’da ay ka dhaqaado iyo awoodeeda.

 

Yaabkuse wxuu ahaa in Yurub intaas daawanaysay oo la socotay, haddana aysan farna nuuxin erayna ka oran, waxay ku ekaadeen in ay sheeddaas ka daawadaan si foojignaan ku jirto oo is weydiinyaan toloow muxuun samayn doonaa Hitler, arrin caadiya ayay ahay in Hitler uu hawadiisa raaco iyo rabitaankiisa oo ciidan xoog leh dhiso ,ciidankiisii waa koray, oo sii koray, si wanaagsanna waana u habeeyay.

Wuxuuna  intaas waday oo isku hawlay dhismaha Jarmal naaziyiin ah iyo reich gii saddexaad.

maalin ayaa si kadis ah waxaa ugu yimid Himmler, oo leh,

”Hoggamiye musiibo weyn ayaa dhacday”

Dhabannada ayuu qabsaday Hitler, waxaana foolkiisa ka muuaqatay, wareerkii adduunka oo dhan wuxuuna yiri

”Waa maxay musiibadu, janaraal”

Himmler madaxa ciidanka Gestapo inta buug uu gacanta ku hayay hor dhigay Hitler ayuu si xanaaq ku jiro u yiri:

‘‘Wariye Iswizerland ah ayaa ka shifafay sida ciidankeennu u habaysan yihiin”

‘‘Muxuu kashifay” ayaa Hitler si caro xooggan ku jirto u yiri.

Himmler baa hadalkii sii watay oo u faahfaahiyay, buugu wuxuu ka hadlayo iyo in hadda buuga la iib geeyanayo oo uu yaaloo goobaha buugta iyo wargaysyada lagu iibiyo.

Himmler wuxuu ku yiri xasuus qorkiisa, “waligay ma arag Hitler oo sidii uu maalintaa u xanaaqay oo kale u xanaaqay, markii aan warkii u sheegay xataa indhihiisii intii hore waa ka weynaadeen, wuxuuna ku dhaygagay eegista meel cid la ah intii uusan I weydiin asagoo codkiisa caadi ka dhigay balse adaygii ka muuqo”,

‘‘Sidee ayuu ku helay war bixintaas oo dhan”

” Qof og ma leh”

Hitler kursigii ayuu dib isugu santeeciyay si aayar ah asaga oo foolka Himmler eegaya, ka hor intuusan qayladiisii bilaabin, oo miiska calaasha ku garaacay oo yiri:

” Wariyahaas ayaan rabaa Himmler, sida ugu dhaqsiyaha badan baan ku rabaa, ma I garaty?”

Himmler intuu is toosiyay oo digtoonoow galay ayuu yiri:

‘‘Haa, hoggaamiye, si fiican baan u gartay”

Himmler madax Gestapo iyo sirdoonku markii uu ka baxay xafiiska Hitler , dhaqdhaqaaq ayuu bilaabay, hal saac ka dibna amar ayuu soo saaray lagu fulinayo laba howl gal oo laga samaynaynayo Iswizerland dhexdeeda, tan hore waxay ahayd, in sayladaha Iswizerland iyo Yurub laga soo aruuriyo buuggaas uu qoaray Berthold Jacob oo la ugaarsado, tan labaad waxay ahayd in la ogaado sida iyo meesha uu war bixintaan ku saabsan ciidan naaziyiinta meelahay joogaan oo uu waliba si tafaftiran uu uga hadlay meesha uu ka keenay, qarshaha Himmler waxuu ahaa sida kaliya  ee taas wariyaha loga ogaan karo waa in  la warsado wariyaha qudhiisa oo habka naaziyiintu wax u warsato oo xillagaas caan ahayd loo warsado, taasna ma dhacayso in wariyaha Jarmalka la keeno maahane, sida lagu keeni karanawaa in soo af duubo.

In kasta oo Iswizerland ay ahayd dowlad dhexdhexaad ka hor iyo ka dib dagaalkii addunka ee labaad, haddana Hitler ilbiliqsina ka ma waaban in laga fuliyo howl galladaas Iswizerland dhexdeeda.

Isla ahabeenkaas laba nin oo ka tirsan sirdoonka Jarmalka ayaa u anbaba baxay dalka Iswizerland ayagoo wada boorso aa u weyn oo dhar xoogaya ugu jiro, runtiina afduubka Jacob dhib kuma ahan labada nin, waayo wariyu marna isma leh laabtiisana kuma soo dhacayso in laga afduubto waddan dhex dhexaad ah sida Iswizerland oo kale , tan kale xilligu xilli dagaalba mahayn, haddi dhinac kale laga eego.

Si kastaba maalintii labaad qoraxdu ma dhicin markii Jacob uu jidka ku soo jiray oo loo soo waday Jarmalka,

Intaan qoraxdii soo bixin maalintii ku xigtayna wuxuu la gariirayay baqdin, baqdintii addunka oo isugu timid, gudaha dhismaha sirdoonka Jarmalka oo loo yaqaanay godkii dawacada, wuxuuna hor joogay ninka labaad ee naaziyiinta ugu halissan Hitler ka dib, Heinrich Himmler. Si naxariis darro ah oo dugaagnimo ah ayaa Himmler u weydiiyay

‘‘Sidee war bixintaan ku heshay aad buugaaga ku soo bandhigtay”

Jacob intuu si yaab dhab ah ka muudo ugu dhaygagay ayuu uiri:

‘‘Buuggee?”

Intaan weydiintiisii afkiisa ka dhammaana feerkii koowaad wuxuu ku dhacay sankiisa, kii labaadna daankiisa, waxaana u raacday saddex dharbaaxyo oo wareer u keentay jihadiinaaaa ka lumisay, dhiigna wuxuu ka socday foolkiisa, ayada oo  candhuuf dhiig ah ka soo burqanayso ilkihiisa jajabay dhexdooda ayuu yiri:

la soco qaybta xigta

Diyaariyay

Suldaan Cali Adam Ameeriko

Leave a Reply