CTUBKII-1AAD
Q-1
Sheekadaan waa sheeko dhab u dhacday, waxaana iiga sheekeeyay ama nooga sheekeeyey anaga oo dhallinyaro dhawr ah, sarkaalkii sirdoonka soomaaliyeed ee wax ka fuliyay howlgalkan, hadduu nool yahay iyo hadii uu geeriyoodayba allaxa u naxariistee, aad baana u yaraa markii uu sheekadaan noo sheegayay, sheekada markii uu noo sheegayay waxay ka ahayd in uu na tuso nabada aan ku joogno oo aan kubbada ku ciyaarno oo aan sheniimooyinka ku aadno in rag iyo dumar ay u dhafraan, har iyo habeen gaar ka hayaan sugida nabada dalka, in soomaaliya ay tahay dad aan la iska maamulan karin sida dunida qaarkeed, asaga iyo intii dalka dhiigooda iyo dhacaankooda u hurtay nolol iyo geeri alaha ugu naxariisto, waxaanse ka xumahay in aan la ururin sooyaalkoodii oo aan la qorin, balse waa waajib maanta na saaran anaga in aan raadino oo aynaan iloobin ragii iyo dumarkii affar iyo labaatan saac gaarka naga hayay anaga oo aan ogayn oo naga ilaalinayay cadowgii gudaha iyo kii bibaddaba, si aan nololsheena ugu raaxaysano oo war war la’aan aan ku joogno, caruurteenuna baqdin la’aan iyo sharaf ku koraan, sheekada oo waa hore ahayd iyo aniga oo yaraa darteed waxaan isku dayayaa in aan awoodayda saaro in aan xasuusto muhiimkeeda oo faalooyin aanan hubin aanan gudaha u galin, sheekadiina waa tan:
Dagaalkii 1964 aan la galnay Itoobiya anaga oo madaxbanaanida haysana 4 gu’ oo kaliya iyo guusheegii aan ka soo hoynay waxay noqotay arrin fajac ku noqotay adduunka oo dhan, ciidamadeena oo sida la sheego aan ka badnayn ama aan garynaba laba kun oo askari, in ay dabada kaga dhacaan oo eryadaan ciidamdii itoobiya ee faraha badnaa waxay noqotay arrin maanaka aduunka gali weyday, itoobiya oo aan waligeed gumaysi arag, oo intaas ciidan iyo saanad aruurinaysay in ciidan curdin ah uu ka awood badiyo waliba si heer sare ah waxay noqotay arrin nacab badan noo abuurtay. Waxaana adduunku ku fikirayay, hadda ayaga oo xormidadii affar gu’ ka hor qaatay ayay sidaan dhigeene haday dawlad sii joogta noqdaan sidee ayaa xaal noqon doonaa, Afrikaba waa qabsanayaan ayaa ka guuxaysay maanka aduunweynaha,
maalintaas ayaana dowladaha adduunka in tooda badan nagu bilaabeen hagrasho iyo fayla jarid, Itoobiyana ay bilowdo basaasnimo iyo xansasho xogteena si ay nooga digtoonaadaan una helaan qaab ay difaac nooga gali karaan, taasna sida ay ku ogaan lahaayeena waa in ay nagu dhex samaystaan basaasiin u soo ogaata xogta Soomaalida gaar ahaan tan ciidamada ayaga oo adeegsanaya caada qaatayaal iyo dad dhuunigooda dhaafsiista dadnimadooda iyo dalka iyo dadkaba, kuwaasna meel kasta waa laga helaa.
qaybtii dabne ee lixdameeyadii waxaa la dareemay in sir dowlada Soomaaliya ay baxdo, baaritaan dheer ka dib iyo dadaal waa la hubsaday in ay sir baxdo balse waxaa la garan waayay halka ay ka baxdo iyo basaaska nagu dhex jira, muddo markii la raadinayay oo meel lagu saleeyana la la’yahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah geelle iyo jaalihiisa ay isla shaqeeyaan warsame oo ahaa niman ka tirsan ciidanka nabad sugidda Soomaaliyeed laanta ka hortagga basaasiinta ayaa waxaa looga yeeray xafiiska nin ka mid ahaa madaxda dalka, wuxuuna u sheegay in sir loo gudbiyo Itoobiya balse la garan la’yahay halka ay ka baxayso, labadoodana laga doonayo in ay soo saarnaan basaaska qarsoon ee sirta bixiya, wuxuuna u sheegay madaxu in howshaan ay tahay mid labadooda u taal oo wax fara galin ah aan cid kale ku samaynayn, wixii ay u bahdaan oo war bixino ah iyo dhinac kalaba diyaar loola yahay.
Qore
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply