HOWL GALLADII SIRDOONKII SOOMAALIYA [NSS] Q-7-AAD

 

 

waxaana hal mar ka soo booday Geelle iyo Warsame illinkii kale ee gadaale furay, wadihii fatuuradooduna diyaar ayuu ahaa oo fatuuradu marshadu waa ugu jirtay, in uu firisyoonaha ka kaco oo horay u dhaqaajiyo ayuu diyaar u ahaa, Warsame oo caytamaya ayaa qaarka hore la soo galay fatuuradii oo  horaadka shaatiga khaa’inkii gacanta midig ku soo qabsaday tii bidixna qoorta kaga soo qabaty oo soo jiiday, kii gaariga gudihiisa soo galayna haraati  ninkii oo dhan horay u tuurtay ayuu ku dhuftay oo u celiayay tan iyo intii uu banaanka ula saaray, Geelle ayaa durbadiiba la qabtay markii uu inyar  banaanka usoo baxay, waxayna ku dhex tuureen fatuuradoodii oo illinku u furanaa, waxaana ka daba galay oo dul jibaaxay Warsame oo dhinaca kale ka maray, intii uu ninka dushiisa sii abaabayayna Geelle waa soo galay fatuuradiina cagaha ayay dhulka ka qaaday illinkii danbe oo wali furan, labadii dhug dhugleeyduna mar hore ayay ba mirqeen, wadihii fatuurada safiirka oo argagaxsan oo si wax u dhaceen aan hubin iyo calankii Itoobiya oo fatuurada ka hor babanaya ayaa bartii looga tagay, howsha dhan ma qaadan il biliqsiyo.

Geele iyo Warsame markii ay u tageen ninkii madaxda ahaa, ugu horreyn waa uu ku amaanay howsha ay qabteen balse wuxuu ku yiri:

”aduunka waa ka mamanuuc is baabuur taarigo diblomaasi wata la weeraaro, iskaba daa mid calankii dalku suran yahaye oo ka babanayee, xiisad siyaasaded iyo mid diblomaasiyadeed ayay kicinayasaan hada, wax caalamka ka mamnuuca ayaad samayseen oo aan cidina amar idinku siin waliba, ee maxaad ka leedihiin?

Weydiintaas war celinteeda Geelle wuxuu u dhaafay Warsame oo asagu markii horaba ku taliayay xad gudubkaanin la sameeyo, warsamana wuxuu yiri:

”mudane, askar iska jaahiliin ah ayaa nahay oo heshiisyo adduun wax kalama socono, waxaase noo muuqay eygaas dalkeena iyo dadkeena fayla jaraya maahane wax kale indho uma aanan lhayn, sida muuqatana qalad baan galnay, tan kale anagu eeygaan rabnay waan haysanaa, diblomaasiyo iyo siyaasad waa arrin labada dal madaxdooda u taal, saas sow maaha mudane”?

Ninkii madaxda ahaa inta qoslay ayuu yiri:

‘‘Waa runtaa anagu danteenii gaarnay, basaaskiina qabanay, asaga oo nool oo la warsan karo haddaad keenteen waa ilaahay mahadii, haddana laba toddobaad oo fasaxa qaata markaa ka dib aan is aragno”

Baaritaan lagu sameeyay ninkii Itoobiyaanka ahaa iyo waraysiyadii lala yeeshay, waxaa ka soo cadaatay in ninkaan uusan wax shaqo ah ku lalahyn basaasnimo ee uu waxa dhan u smaynayay is tus tus iyo iska dhisid safiirka Itoobiya, asaga oo rajaynayay in safiirku kala hadlo dowlada Itoobiya, una muujiyo in ninkaan howl wanaagsan u qabanayo dalka, sidaasna uu cafis kaga helo Xayla Salaase, si kastaba gaf weyn ayuu sameeyay oo ciqaabtiisa leh, dowladii Soomaaliyana waxay go’aansadeen in gacanta loo galiyo dowlada Itoobiya, taas oo looga dan leeyahay in lagu qaboojiyo xiisadii ka dhalatay weererkii gaarigii safiirka ee ciidamada nabad sugidu dhaliyeen.

Waxaana loo yeeray Geelle iyo Warsame loona sheegay in ay ninkaan ku simaan gacanta dowlada Itoobiya, waxaana lagu daray ciidan, dowlada Itoobiyana waa la war galiyaya in gacan ku dhiiglihii loo soo wado.

Sidaas ayay markii ay tageen soohdin ku sheegta labada dal ay ugu wareejiyeen ninkii ciidan Itoobiyaan ah oo sugayay imaatinkooda, oo durbadii ay gacanta ku dhigeenba feer iyo laad ku bilaabay, asaga oo sii qaylinaya oo dhinaca Soomaaliya dib u soo fiirinayana baabuur ku tuureen oo la atageen, soomaalidu sideedaba waa dad martida xushmeeya oo xaq dhowra oo waxba ka hagran, balse martidii guuxeeda ka dheeraysa sidaan ula dhaqano waa naqaan.

DHAMMAAD

Qore

Suldaan Cali Adam ”Ameeriko”

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

Leave a Reply