HOWL GALLADII SIRDOONKII SOOMAALIYA [NSS] Q-6-AAD

 

Sidaas ayay ku qaateen oo hal toddobaad oo fasax nasiina ah, balse saddex maalmood  ka dib ayaa waxaa looga  yeeray labadoodii isla xafiiskii ninkii madaxda ahaa, wuxuuna u sheegay markii la warsanayay khaa’inkii la qabtay in uu sheegay nin Itoobiyaan ah oo jooga Jowhar oo ka shaqeeya warshada sonkorta ee Jowhar, ninkaasna uu is baray asaga iyo safiirka, ninkuna uu safiirka xariir aad u dhow la leeyahay, balse uusan ogayn in uu basaasnimo ugu shaqeeyo iyo in kale, balse uusan u maleeynayn in uu ku raad leeyahay, labadoodii ayaa loo xirsaaray in ay Jowhar tagaan oo Itoobiyaankaas ay keenaan xarunta NSS ta ee xamar si loo baaro. Aroortii danbe ayay aadeen Jowhar, balse markii ay tageen ayay ka war heleen in ninkaas si dag dag ah uu xamar u aaday asaga oo aan xataa fasax qaadan, oo uu bas saaka qaatay oo ay is dib dhaafeen, durbadiiba xamar ayay ku soo laabteen, una sheegeen madaxii in ninkii xamar soo galay, raadin ka dibna waxaa la ogaaday in uu galay aqalka safiirka Itoobiyaanka, arrinta la is weydiinayay ayaa ahayd muxuu aqalka safiirka u galay,? maxaase ka dhaxeeya asaga oo danbiile ka ah Itoobiya oo ka soo fakaday iyo safiirka Itoobiya? Saraakiil sare sare ah oo Itoobiyaan ah ayuu ku soo dilay dalkiisii wuxuuna usoo baxsaday Soomaaliya oo magan galyo siisay, oo Xayle Salaase dhowr jeer Soomaliya ka codsaday in loo soo celiyo ninkaas, oo markii u danbaysay ay ahayd bil ka hor, asaga qudhiisuna uu ahaa sarkaal ciidamada Itoobiya ka tirsan, maxaa ka dhaxayn kara ninkaas iyo safiirka Itoobiya, ayaa wax lala yaabo ahayd.

Geelle iyo Warsame ilaalo ayay ka qabteen aqalkii safiirka oo ku yaalay wadada xaaji faarax, una dhawaa koleejo novo somalo, oo ka sokaysay dugsiga saqaawadiin, waxay fatuurada dhigteen, agagaarka baar fiyaat, dhinaca wadada xaaji faarrax halkaas oo ay har iyo habeen ay waardiye ka yaheen oo ay indhaha ku hayeen cid walba oo gasha ama ka soo baxda guriga safiirka iyo baabuur walba oo gala ama ka soo baxa, afar maalmood ayaa gudubtay oo uusan ka soo bixin gurigii, balse waxaa la hubay in uu mar soo bixi doono, waayo wuxuu qabay cudurka macaan, gaas iyo dhiig kar waana qasab in uu mar u baahan doono dhaqtar.

Sidaas ayay goobtii u dageen oo har iyo habeen waardiye uga hayeen, waxayna dalbadeen in lagu soo kordhiyo saddex nin oo kale iyo mooto.

Toddobaadkii afraad bartimihiisii ayaa goor barqo ah waxaa aqalkii ka soo baxay fatuuradii safiirka oo calankii u saaran yahay, markii ay agmaraysay ayay arkeen in ninka saaran uusan ahayn safiirkii balse uu yahy khaa’inkii oo ku gabanaya baabuurka safaarada iyo calanka Itoobiya, shakina kuma jirin in isbitaal loo waday, markii fatuuradii dhaaftay ayay daba galeen, arrintay ku dhaqaaqi lahaayena il biliqsiyo gudahood ayay go’aan uga gaareen, markii fatuuradii safiirki bidix ula laabatay hotel jubba oo ah meel aan dad iyo dhaq dhaaq badaynayn balse dakada u dhow ayaa dhug dhugleeydii hor dhigatay fatuuradii safiirka, labadii nin ee saarnaana  kii danbe ayaa hal mar ka soo booday oo illikii danbe oo  khaa’inku fadhiyay ku soo oraday oo furay, oo madax madax iskugu tuuray, wadihhii fatuurada kalena waa uu soo dhinac dhigay.

Diyaariye

Suldaan Cali Adam ”Ameeriko”

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka akhri.so

Leave a Reply