Rayn rayntii ayaa ka badatay Geelle, waxaana go’aansaday in uu Warsame oo xanuunsan sii maro , meeshuu daggan yahay Warsame shan daqiiqo uma jirto , waana marinkii uu u sii aadi lahaa aqalka ninka madaxdixiisa ah, amar ayuu madaxu ku siiyay Geelle iyo Warsame in howshu siday u socoto tallaabo tallabo loola socodsiiyo, warbixintana asaga qof ahaan faraha aysan ka saarnin,
Aqalkii Warsame ayuu tagay oo asaga jiifana hurdadii ka kiciyay, una sheegay warkii oo dhan iyo siduu wax usoo ogaaday, kuna yiri hadda waxaan aadayaa madixii oo warbixinta u gudbin, asaga oo ay ka muuqato in uu liito ayuu inta is taaqay oo dhar raadis bilaabay yiri:
”wacal wacal dhalay, toogasho ka sokay haddii lagugu xukumo, anaa gacantayda kugu dilaya” oo inta fiirshay Geelle ku yiri, ” war sow bastoolad ma wadan, maxaad labadaba u dili weyday, tol beelay anigaan kula socon,”
”Warsame sharciga anagu gacmaheena kuma fuli karo, sharci baa jira maxkamad baa la gayn wuxuu mutaysatana waa la marin abaalkeed” ayaa Geelle yiri, wuxuu arkay Warsame oo surweel iyo shaati ka haabana katabaana, markaasuu yiri, ”war xagee u socotaa, istaagaaba ku dhibayee”
”iga aamus warkaaga ma rabee, nin fiican baa tahay balse jileecaan ku guma aqoon, war dalkaan dhiig baa u soo daadaty si aan madaxbanaani uga helno gaalka buuryada weyn, rag iyo dumar baa naftooda u soo huray, saddex magac ilahaay in aan ka yeelayn laba eey inay ku ciyaaraan waxaan u soo baaba’nay, caruurta allaha iga qaado hadaan caawa kula socon lahaa inaan labadooda mid fakadeen, waan ku janna tagi lahaa, adna hadaad iskay hortaagto waan kugu dari lahaa, ee ina mari”
Geelle intuu qoslay ayuu yiri:
‘‘Ilaahii jirada kuu keenaan ku mahdinayaa”
Xilli danbe ayay ahay waxayna tagneen aqalkii ninkii madaxda ahaa, asaga oo hurdo laga soo kiciyay, ayay warbixintii oo dhan u sheegeegeen, markaas ayuu yiri:
” howl aad u wanaagsan ayaad qabateen, dadka iyo dalkuna abaal idin kaga hayo, sooyaalka Soomaaliyana baal dahab ah ayaa kaga jirtaan, ee waad daasheene ordaha dhowr maalmood soo nasta, ka dib ayaan is arkaynaaye, basaaskaana howshiisa dowladaa la wareegaysa oo haddaan amryaa in la soo xiro, waana mahadsantiin, waajibkiinii waad gudateen”
Warsama ayaa markaas yiri:
‘‘Mudane waajibkii weli ma wada gudan oo waa qabyo”
‘‘Dowladda iyo sirdoonkeena oo dhan ninkii ay ka quusteen in ay soo saaraan ayaad keenteen Warsame, waxa ka haray waajibkiinii waa maxay”
‘‘Inaan soo dilno, mudane, cidna u sheegi mayno, saddexdeena na dhaafi mayso, aniga iigu faataxeeya”
Ninkii madaxda ahaa oo yaaban, ayaa yiri:
‘‘Oo ma inaad gurigiisa ugu tagtid oo soo dishid baad rabtaa”?
‘‘Haa mudane”
Mudanihii inta fiiriryay Geelle ayuu yiri”
‘‘War ninka ma jiradii baa wax u dhintay”?
Geelle oo qoslaya ayaa Warsame yiri:
“Maya walaahi waan fiyoobahay, ee ciilkii baa iga batay”
”Gar baad u leedahay in aad xanaaqdid oo anaga oo dhan waan xanaaqsannahay, in caawa la dilana waan jeclaan lahayn, balse sharci baa jira, tan kale waa in aan ogaanaa dhibaatada uu noo gaystay inta ay la egtahay iyo caynka sirta uu bixiyay, hadaan ciidan u dirayaa soo qabta, adinkuna waad mahadsan tihiin, wana fasaxan tihiin”
Oo taleefookii soo laacay, markii gacankii oo kor u qaaday ayaa wax ku soo dhaceen, markaasuu ku yiri labadii nin oo sii gadoomay:
” Warsame toban daqiiqo gudahood waa lagu soo xirayaa khaa’inkaas, adigana guriisa agtiisa tobankaas daqiiqo hadii lagugu arko ogoow, Geelle gurigiisa ku hubso, nusa saacna la joog haka ag tagin, ishaada yuusan la librin”
La soco qaybta xigta
Diyaariye
Suldaan Cali Adam Ameeriko
Leave a Reply