HOWL GALLADII SIRDOONKII SOOMAALIYA [NSS] Q-2-AAD

 

qaybtii dabne ee lixdameeyadii waxaa la dareemay in sir dowlada Soomaaliya ay baxdo, baaritaan dheer ka dib iyo dadaal waa la hubsaday in ay sir baxdo balse waxaa la garan waayay halka ay ka baxdo iyo basaaska nagu dhex jira, muddo markii la raadinayay oo meel lagu saleeyana la la’yahay ayaa maalin maalmaha ka mid ah Geelle iyo jaalihiisa ay isla shaqeeyaan Warsame oo ahaa niman ka tirsan  ciidanka nabad sugidda Soomaaliyeed laanta ka hortagga basaasiinta ayaa   waxaa looga yeeray xafiiska nin ka mid ahaa madaxda dalka, wuxuuna u sheegay in sir loo gudbiyo Itoobiya balse la garan la’yahay halka ay ka baxayso, labadoodana laga doonayo in ay soo saarnaan basaaska qarsoon ee sirta bixiya, wuxuuna u sheegay madaxu in howshaan ay tahay mid labadooda u taal oo wax fara galin ah aan cid kale ku samaynayn, wixii ay u bahdaan oo war bixino ah iyo dhinac kalaba diyaar loola yahay.

Markii ay xafiiskii ninka madaxda ah ka tageen oo ay gaarigoodii ku laabteen, ayay isweydiiyeen, war xagee wax ka bilownaa, magaalada xamar xilligaas aad uma weyneyn oo inta reer magaalka ah indha ayay iska taqaanay, waxay liis ku qorteen intii la tuhmi karay iyo cid kasta oo ay islahaayeen waxay ka ag dhowyihiin safaarad Itoobiya, balse dhowr toddobaad ka dib wax soo kordhinay majirin, maalin ayaa geeli ku yiri jaallihiis ay wada shaaynayeen:

”dadkii aan liiska tuhunka galinay waxaa cad in tan iyo hadda aanan wax ku hayn, oo baaritaankii aan ku wadnay u muuqdo in ay yihiin dad aan arrintaas lug ku lahayn, waa dhici kartaa in basaaskii shakiyay ama war gaaray oo uu is gaabiyay, soomalidu waxay tiraahdaa mas madaxa ayaa laga dilaa, marka mid aan tuhun ku jirin in uu dhib dalka u gaysanayo hadii uu fursad helo ayaan markaan daba dhiganayna”

‘‘Waa kuma kaas” ayaa Warsame weydiiyay

‘‘Waa safiirka Itoobiyaanka” ayuu ku iri

‘‘Ninkaaas asaga mar walba ilaalo waa saaran tahay oo daba gal aan shaqo kale lahayn ayaa daba jooga har iyo habeen”

‘‘Si ayaan wax u qaldan yihiin”

”Sidee kula tahay in wax u qaldan yihiin”?

”waxaan si leeyahay, waxa tan iyo hadda loo gaari la’yahay basaadkaas waa in aan kor fog la eegin, sidii anaguba aan ugu mashquulnay shaqaalaha safaarda, Soomaali iyo Itoobiyaanba ha ahaadaane iyo meelo hoose, tan kale ha illoobin safiirka Itoobiya ma ahayn nin ku dhex jiray ama ka soo shaqeeyay wasaarada arimaha dibada ee Itoobiya, ciidamada sirdoonka ayuu ka tirsanaa waliba nin khibrad leh weeye, hal mar ayaana loo soo magaacbay in uu safiir ka noqdo Soomaaliya, sababta ragii diblomaasiyiinta ahaa iyo siyaasiyiinta looga dul booday oo asga loo keenay waa maxay”?

‘‘Taas waan la soconaa, balse sidee ayuu basaasnimo u gali karaa asaga oo 24 saac ilaalo dul joogto?

‘‘Nin tuur leh siduu u seexdo asagaa yaqaan, ninkaan soddon iyo shan gu’ ayuu sirdoonka u shaaynayay, kuwa daba jooga oo aan dhalan soona dhaweyn ayuu ruufiyaan ahaa,”

‘‘Warkaaga biya dhiciisa haddaan gartay, tan kale warbixinta la tuhunsan yahay in ay baxday maaha mid bii biile hoose helo karo,”? ayaa Warsame yiri

‘‘Ishaad ka riday, meeshaan u socdo haddaad ila garatay, qof tuhun laga qabo maahan qofka sirta gudbiyaa, qofka uu u gudbinya waa in uu noqdaa qof aan caadi ahayn, qof uu ku kalsoon yahay in aan dayac laga helayn oo qarin kara sumadiisa iyo magaciisa”?

‘‘Hadda asaga dhiniciisa aan u jeesano miyaad leedahay ”?

Geelle inta qoslay ayuu yiri:

‘‘Hal dhuntayba haan waa laga dayaa, inaan ku hungoobayno ilama aha, dareen baa ka qabaa in uu asaga yahay ninkaan raadinayno”

Diyaariye

Suldaan Cali Adam ”Ameeriko”

 

Leave a Reply