GODOB JACEYL QAYBTII 9AAD

 

 

Si qurux badan ayaa la isku nabad galiyay. Wuxuu soo baxa cadceeda tiigsada ba, waxaa u baryey waagii. Go’aanku siduu ahaa isaga oo madaxa ku haya buu horay u toosay. Hal dhashay oo ay nirigteedu ag taagan tahay buu gaawaha la hoos galay. Degdeg intuu u maalay buu horay caanihii ka sii qaatay. Waxa uu soo ambabaxay xidhkii ay ku tidhi igu sii sug. Waa uu yimid kayntii jiqda ahayd. Isaga oo kolba qoor diinlaynaya ayuu reerka eeggaa. Xoolihii oo wada kala dareeray iyo dadkii oo wada kala shaqa tagay buu arkay. Waa la gaadhay xili barqo kulul ah. Hase yeeshe, weli ishiisu ma qaban Saafi Ciid, goor cadceedii sii kululaatay oo ay barqo dheertahay, wataas saafi oo bila gudin ah socoto. Balse, wax bay xambarsantahay. kaynta meeshay kaga soo beegnayd buu u sii galay. la isu yimid. Indho jacayl la isku eeg. Salaam kaddib, waxay ila tahay inaan waxba kaa danbayn oo aad soo diyaar garoowday, ayuu ku yidhi. Maya, maya awrtaa xidhxidhan inaan anigu seeteyo oo, aan maqasha adhiga ee edagta ku jirtana inaan banaanka u sii daayo baa la iga rabaa, ee waxaan isi idhi u soo sheeg.

Siciid wuu cadhooday isaga oo u arka inay waxay sheegaysay oo dhan ay been yihiin, oo ay

doonayso siday Cabdirashiid u gashay inay u gasho buu ku yidhi:

“Guurtidaanu nahay golola dhool waadan garanayne

Waxaanu nahay raggaan guur u dayayn gaashkanaagahe

Gola joogga laafyahay midii gacanta saydhaysa

Ee gaari loohubo hablaha waanu gadanaaye

Geeli iyo waxaan siisanaa googo lacageede

Galabtaa dambeetaa aroos laga gigsiiyaaye

Gool baa halkaa lagu qalaa gananaanjiraye

Goonyaha waxaa laga ridaa gumuc rasaaseede

Gowdaa ciyaar lagu hayaa gaadh habeenimoe

Gayaanku adiga amahoo gayiga gabadhi waa buuxe

Gow iga sii hadal cadbaa lala gedoomaaye”

Iyadoo leh gabay lagaa karimaayo mise waad xanaaqday, adigaan kugu eegayee. Waxaan xambaarsanahay waa dharkaygiiye ina mari. Saciid oo neef wayni ka soo booday,

farxadna oogadiisa saaqday baa yiri

“ina mari dhib miiran baad tahaye.”

 

Way soo boqooleen iyaga oo sii dhex jibaaxaya kaymaha iyo juuqyada jiqa ah. kaftan iyo haasaawe gacaltooyo bay shidaal ay waddada ku maraan ka sii dhigteen. Goor ay tahay casar gaabad qorraxdii baalka dhigatay godkeedii bay ilihii Ramaas u soo dhaahdheceen. Waxay goor fiid ah u yimaadeen reer ay hayb garanayaan oo carisyada yaal. Reerkii baa soo dhaweeyey, waxayna u loogeen wan Sumal ah, balse meel maynan wada seexan. xili ay ku beegan tahay labadii habeenimo, buu siciid ka soo toosiyey Saafi aqalkii ay huriday. Waana dhaqajiyeen, jarmaado xoog leh bay galeen. Oogtii waabari bay dhumay dhinac ka dhaafeen, waxayna tageen markay libdhadu soo baxday dooxadii qowlo. Qowlo oo deegaan u ah qoys badan bay soo dhex galeen. Gurigii Siciid iyo oo ka mid ah guryaha Qowlo ku yaalla bay dhankiisa soo abbaareen. Cabdullaahi Cali Cismaan oo ay Siciid walaalo yihiin, dhawr bahna ku qaba Qowlo bay, aqalkii bahdiisii yarayd yimadeen. Dadkii ehelka u ahaa iyo dhalinyaradii ay saaxiibada ahaayeen baa gurigii ku soo xoomay. Damaashaad iyo dabbaaldeg baa aqalkii ka bilaabmay. Dhawr neef ayaa farxaddii birta laga aslay. Siciid oo ka faa’iidaysanaya farxada dhacaysa bas Daahir farax cartan oo ay isku dhawaayeen ku yidhi

“Dhumay orodoo, wadaad iga soo kaxee gabadha ii maheriya”

Markiiba qalqaalo baa la galay, iyadoo loo diyaar garowbayo arooska; laguna faraxsan yahay. Siciid aabbihii oo ahaa nabadoonka beelaha ayuu kala dardaarmay Daahir inuu san wax ogaysiin. Mar kale waxa uu doortay Siciid, mixiis iyo mixisad isaga oo ka dhigay: Cabdirashiid iyo Sahra oo ah walaashii.

 

Waxaa la cunay qadadii, tii sheekha wax mehrinaya iyo daahirna intii loo daboolay baa meel gooniya loo dhigay. Duhur dabadii mar ay tahay, afartoodiina aqalka ku wada jiraa buu Siciid Sahra diray. Waxaa isku soo hadhay Siciid, Saafi iyo Cabdirashiid oo dhinacyada ka fadhiya. Siciid wuxuu yiri

“Saafiyeey imisa ayeynu is jeclayn? ”

“Maxaad ka wadaa” haddii ay ugu halcelisay,

“Sow ma badnayn” ayuu ku yidhi

” Haa”, ayey ku tidhi.

“Waxa uu ku yidhi, wixii aan jacayl kuu soo bandhigayey habeen kuguma seexan maalinna kuguma hadhsan. Qalbigii bukay ee aan kaaga sheekaynayay ma ahayn ka aniga igu jira ee, wuxuu ahaa qalbiga cabdirashiid ee iga gudoon”

Saafi oo degdeg wajigeedii u baddelmay sagaal midabna yeelatay baa ku tidhi,

” Kaa guddoomay ee mid ayaan codsanayaa ee yaan la i mehrinin caawo”

Saafi oo dhako faarsan baa go’aan degdega ku gaadhay inay berri aroortii nabaddoonka u tagto. Arrintan amakaagga ku dhalisay bay rabtay inay usoo bandhigto. Waxay ogayd inay ka gar helayso, haddii ay la gar dhigato. Laakin, codsigii Saafi waa uu u cuntami waayey, Siciid. Dabadeed, waa iska soo taagay codsigeeddii, wuuna ka diiday. Iyaga oo murmaya oo is af garan la’, buu u soo galay Daahir oo wadaadkii wada. Waxa uu ku yidhi

“Waakan sheekhii bannaanka taagan e, ma soo xareeyaa? ”

Siciid oo degdeg inay wax ku dhacaan rabay baa yidhi,

“Soo gal dheh, sheekha.” Muran badan iyo dood dheer kaddib, Saafi way ogolaatay inuu guursado, Cabdirashiid. Cabdirashiid oo la yaabban sida ay wax usocdaan, jacaylkii Saafina la

bohoyawsan baa loo mehriyey, Saafi. Jacaylkii sirta ahaa ee uu Siciid ku soo khayaamay Saafi Ciid Bulaale, Waxaa uu noqday mid lagu guulaystay. Saafi waxay u dhashay Siciid 11 wiil iyo 6 gabdhood. Kaddib, Cabdirashiid wuu dhintay, Saafi Ciid Bulaale oo nool na waxay guryo waa wayn ku leedahay magaallada Heego, iyada oo gabowday, da’na ah.

 

Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku salaysan, aniga ayaa ka qoray.

DHAMMAAD

Yaxye.Y waa dhiirigaliye, tababare nololeed, qoraa wax ka qoro arrimaha bulshada,  gaarahaan Horumarinta aadmaha.Sheeko faneedyada,taariikhda iyo suugaanta af soomaaliga , waa qoraha buugga baadigoobka guusha buuggaas oo aha buugga ugu samaynta badnaa wakhtiguu soo baxay, qoruhu waxaa kaloo ka mid ah teamkii qoray buugga googa abwaankow, diwaan sugaaneedka abwaan siiciid maxamed jamac (abwaan siciid biid). wuxuu ururiya ama kayd ahaan u hayaa buuggag badan oo afsoomaali ku qoran, qoruhu waa arday ku xeraysan jamacad jijiga waxdeeda xanaanada xoolaha sanadkii shanaad, wuxuu kamid yahaygolaha fullinta naadiga horumarinta dhaqanka iyo afsoomaaliga ee jaamacada jijiga waana gudoomiyaah sugaanta iyo qoraal. waana aasaasaha ahna xog hayaha naadiga kobcinta akhriska, qoraalka,iyo

dhaqanka ee curis.

 

Qore: YAXYE YAASIIN XASAN

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

 

 

Leave a Reply