GODOB JACEYL QAYBTII 8AAD

 

 

 

Siciid:

“Saafi salaan jaceyl iga gudoon”

Saafi: Gudoomay bay cod macan oo naxariis leh ku tiri

“Gacaliye markaan dhayaha kaa qaaday jidhkaa dhamaan I jidhidhicooday”

aniguba kula mid ayaan ahay isoogoo muusoonayo ku yiri

“ma fiicantihiin?

“Haaye bal waran? bay tiri Saafi

Siciid wuxuu ugu jawaabay:

“Dalshisheeye iyo waxan ka imid daanki xaysimo e

Duudii bahday waxay dagtaa damashi qowloode

Waxa geelu noo daaqi jiray daafti marag maale

Doobaa karuur noogu jiray dacarta jilaale

Dacalada nuguul bay farduhu deedamahayne

Dushan hawdkan uma soo baxeen dowdan boorka lehe

Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone

Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid

Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada

Duray iyo duray bay xarago nagu daboolayde

Doonyuhu waxay noo sidaan damash magaalade

Darban gabadha ah reerahayagay daris wadaageene

Dadkana way ka buuxdaa mid yar oo dahab la moodaaye

Adigaan qalbiga kaa damcee maan dalxiisoone

Dib inaan ulaabmiyo inaad ila dakaynaysid

Aniguba dantaydaan hadlee dahabo sheegtaada

Saafi waxay tiri iyada oo wajigeeda farxadi ka muuqato,

“ma sidiibaad wali gabaygii u waddaa…?

“Wakhti ma haysto, haddii la I arkana waad garanaysaa in wardiye culus lagu saarayo ee, wixii aad sheegaysay hadday run kaa tahay inna dhaqaji, waan kula baxayaaye”.

Waxa uu u sheegay geelashan reerkooda inuu maanta u yimid meelna u dhaaf karin.

Saafi waxay tiri

” waa kuwan aqaladannadii ee, geedkaa madow ee dhirta ugu gaaban hadhow igu imo marka saqda dhexe lagu jiro”.

Haye iyo hawraarsan ayey ku kala tageen. Siciid oo aan nimanka geela haya mooye cid kale ka aqoon Qowlo, ayaa ku soo laabtay geelashii. Salaan kaddib, waa uu u warramay raggii ay wax isku ahaayeen. Waxa uu usheegay inay caawa saqda dhexe guurayaan. Waxa ay siiyeen caano uu ku casheeyo. Dabadeed, markii la gaadhay xiligii ay ballantu ahayd, noola socdana uun jirin buu geedkii isugu yimaadeen. Waayo waayo iyo mid walba wixii uu sii mutay intay kala maqnaayeen bay isooga sheekeeyeen. Siciid oo ku han wayn in ay raacdo, iyadna yara cago jiidayso buu ku yidhi:

“Sambabka iyo beerkiyo

Halkaa saabka iyo wadnaha

Saafiya adigaa hurdoo

Sariirbaa kuu dhextaal

Saaxiibaday ways nacnoo

Sanqadha ka ilaaliyaan

Dhamaan isku seegnayoo

Cidlaan kaligay socdaa

Sidii aan kuu bartan

Waxbaa ila sarakacoo

Anigu soortaba ma cuno

Jaceylka sabaaliyoo

Sagsaagka ilaaliyoo

Saafiya iga daa sahwiga

Aniga, adigaa ileh Ilaahay ka sakow.

Siciid wuxuu jaclaa inay sheekadu caawo dhamaato balse, saafi uma diyaar ahayn.

Markuudamco inuu soo gabagabeeyo bay u saartaa laamo aan laga gayoonayn. Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri:

Inanyahay siraad u eg hablaha wawgu sidataaye

Soomaali dumarkooda waad ugu saraysaaye

Sarajooga goortaad kacdaa samay la moodaye

Socodkaaga iyo laafyahaa lala sarkhaamaye

Inaad soo kacaysiyo wallaal samir inaan qaato

Si wanaagsan baa loo hadlaa waan ku sugayaa”

 

inta kacday bay tiri

” gabay lagaa karimaaye waxaad yeeshaa waa xili danbe, haddii aynu baxno subaxba waa la ina tabi oo waa la inaga daba iman karaaye, haddaba, kayntaa madow ee galoolka badan subax soo gal. Gudun baan soo qadanayaa anigoo ku marmarsiyoonaya iyo maydhax baan soo diranayaa ee sidaa iga yeel, subuxaba waynu baxaynaaa si aan habeen danbaba Ramaas ugu dhaadhacno e.”

Siciid wuu ka yeelay isagoo ugu maahmaahaya waayahay

“kaadi badane waa loo gogal badayaye.”

Qore: YAXYE YAASIIN XASAN

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply