GODOB JACEYL QAYBTII 7AAD

 

 

Wuxuu yiri, aniga oo hurda bay riyo iigu timid Saafi, iyadoo ila baashaalaysa baan is iri qabso, saa anigii baa isku dhagay arbaan intaaan soo booday gogosha dhinacyadeeda ka baadhay Waxaanse ogaaday inay iga maqantahay ee aan riyooday ka dibna hurda way igu soo dhici wayday.

dhalinyaradii iyagoo ka xun jabka igu dhacay runa u haysta bay I yiraahdeen miyaadan arintaa ka gabyin. Maye, waan ka gabyay, oo maxaad tiri habeenkàas? Waxaan iri:

“Inantaan haraadkaan u qabay heeg u ladi waayay

Marka aan hurdada jiifsadaa la I horkeenaye

Haddan sida hilaacoo kalaa laga huf siiyaye

Hareerahaan ka baadhaa intaan soo hambaaburo e

Hawadaan ka eegaa indhuhu kor I hanqarmaane

Sida hadda samadaa martaa lay hawadiyaaye

Markaan hoolad waayaan sidii harag islaabaye

Waa mid aan huqdeeda u dhintiyo hadimadeediiye

Hadlimaayo jeer aan habboon hoy la jiifsado.

Dhalinyaradii waxay yiraahdeen, wallaahay ninkani halis buu ku jiraa. Ilowba waa in Saafi la helaa oo loo dhisaa, haddii kale sidii boodhari ayaa loo aasi.

 

Ayaamo kaddib, Siciid oo ambabax ah oo fasaxii ka dhamaaday, ayaa uu maqlay Cabdi Maxamed Xirisi oo leh qaalin geel ah baa naga halaawday, oo waxaa loo maleenayaa reerii guuray inay raacday, markaa waan ka dab tagayaa. Siciid baa u yeedhay oo yiri ma Lama daga baad aadaysaa? wuxuu yiri, haa.Waayahaye fariinta iga qaad oo Saafi iga gee.

Wuxuuna yiri siciid:

Cabdiyow sadcaashayee haddaad suunta nabad qaadid

Waxaad sagal lamoodii ku oran saacadaad aragto

Sidii gaal santari loo diroo saacaddii dayaya

Ama macalin sowdkii quraan sugaya eedanka

Sawirbaad ku tahay laabta iyo saabka feedhaha dheh

Mana seexdo soortana macuno mooyi saan ahay dheh

Sagalbaxay la moodyey adan kuu sahwiyayaa dheh

Bal inaad sidaydaa tahiyo samir inaan qaato

Su’aal igu sheeg taladu yay suurka kaa xulin dheh

Siciid wuu tagay Heego iyo waxbarashadii.”

Cabdina fariintii ma geyn. waayo, qaalintii meel sokuu ka helay. Siciid intuu waxbarashada joogay, wuxuu qalbigiisu lahaa run iyo beeni kala raad roon Jaceyl waayay xannaano xabaalba u danbayso.10 bilood oo uu ku mashquulsanaa waxbarashadiisa, ayuun jacaylkii maqaarsaarka ahaa oogadiisa saamayn. Waa uu ka walwal la’aa. Ma jirin dareen sidii Cabdirashiid, hadba kusoo laba kaclaynayey qalbigiisa. Fasixii danbe markii la gaadhay, ayuu Siciid ku soo noqday reerkoodii iyo beeshii uu ka dhashay. Waxa uu yimid iska oo naftiisa la sheekaysanaya dooxo la yidhaahdo, Qowlo. Qowlo oo ahayd meel daaq fiican leh, aad na u deellanayd. Siciid waxaa loo sheegay, inayna imaanayn reerkii Saafi ka dhalatay sannadkan Ramaad. Waayo, barwaaqo ayaa ka dhacday Lama-daga, ayaa aad u deellan. Siciid talaa ku caddaatay isaga ooo leh, guul baa kuu muuqatee misaasad kaga hadhaysaa? Wuxuu waraystay dhalinyaradii, oo uu waydiiyey, wax reerkeena ah oo Lama-daga deggani ma jiraan? Dabcan, haa ayey ku dhaheen, oo waxay usheegeen geelal iyaga ah oo dhowr kadin ah, inay reerka ciid bulaale oo ah kay Saafi ka dhalatay meel u dhow galaan.

 

Siciid markii loo sheegay wuu gartay geelashii ka dibna go’aan buu gaaray. Wuxuuna u dhaqaqay Lama-daga. habeen haddii uu dhexda ku sii jiray, waxa uu aroortii danbe u tagay geelashii. Waa ay is garteen nimankii geela hayey iyo Siciid. Balse waxay uga dhigeen salaan, “Maa tii yarayd baad soo raadisay?

“Haaye, aaway reerkoodu” ayuu ugu halceliyey.

Haddii ba la is ujeeddo fahmay, waxay u tilmaameen kayn aan ka ba fogayn kobta ay geela ku hayaan, oo uu reerkooda oo qudhihi deggan yahay. Dabaddeed, waxay u xigsin liseen halo dhalay oo hareeri soodaaqay, xili barwaaqo ah. Galabtii buu soo saqaafay isgoo u daqaqamay kayntii loogu sheegay reerka , meeshu waa Lama-daga, waxay hodan ku tahay geedka la yidhaahdo galoolka: Kaas oo markaad ag marayso foodhya, dareemo daaqsinta ku wanaagsan.

Isaga oo ku dhex dhuumanaya, dareensanna, haddii la arko in saafi gaadh laga qabanayo. Ileen waatii la isku ogaa jaceylkooda ee. Nasiib wanaag, goor cadceedu dhacday, xiliguna yahay hiimse hiimse buu arkay Saafi oo geedo galool ah hoostooda xabka ka jabinaysa. Isaga oo shanqadh badan iska dhawraya buu meel gaaban kagasoo baxay, si kadis ah…! saafi markii ay aragtay Siciid, mar way naxday waayo, mayna ka filanayn inuu ugu iman laba-daga. markalena way faraxday, oo waxay u boholyawsanayd aadna u jacelayd aradtidiisa.

Qore: YAXYE YAASIIN XASAN

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

Leave a Reply