Muddo haddii ay si hoose isu jeclaayeen, oo ay siraysteen in badan, Siciid iyo Saafi jaceylkoodii waa kashifmay. Waayo, degaankii oo dhan baa laga ogaaday. Yeelka see, dadkii isku ogaaday inay is caashaqsan yihiin uma ayn joojin hadaladoodii. Mid ba midkan kale ayaa uga dhignaa adduunyadii oo dhan.Waxay saa ahaadaan ba oo ay sir iyo caad isu jeclaadaan ba, habeen kale oo ay balansanayeen buu fiidkii ugu yimid nin ay col ahaayeen, oo hadda ka hor Siciid gabadh ku diray ay sheekaysan jireen.Waxa uu arkay gogoshii ay ku fadhiday Saafi, isaga oo dhinac kaga fadhiya. Si fiicanna la isoo la jabinayo qosolka. Judhii ba Siciid waa shakiyey isaga oo u ku tuhmaya inuu Saafina ku dirayo ninkani.
Siciid: “Assalaamu calayku”?
Casayr: ?Calaykum wasalaam. Soo dhawaw”, buu ugu jawaabay.
Siciid: “Maa labbadiinna oo qudhaa?”
“Dabcan, haa waa labbadayadee soo fadhiiso”. Saafi iyo Casayr baa isku mar yidhi.
Siciid: Maya, ee iga raali ahaada. Intuu yiri buu dhaqaaqay. Saafi oo dareensan dhaqaaqa Siciid baa, ka soo daba dhaqaaqday.Dabadeed, guriga duleedkiisa ayey ku soo gaadhay.
waxay ku tiri,
“maxaa ku helay ood la noqotay, sow ballan ma aynaan lehayn?
Siciid isagoo Saafi Casayr ka fogaynaya ayuu yidhi:
“Gabadhyahay gayaan bay nu nahay guurna way galaye
Waxay galay inaan guursadaa geenyadaad tahaye
Ballankaynu wada goosanaan galiyay laabtiye
Adigaana gooyo haddana waan ku garansiine
Gabaygaan inoo tiriyayoon gees walba u jeedshay
Gufaacada dabayshiyo wuxuu galay daruurtaase
Gobtase aanu nahay gabadh hadday galin la haasawdo
Oo ay guddoon wada dhigtaan gar iyo xaajo dhan
Gunta Iyo gumburada u yimid gogol hadday siiso
Waliba ayan guulguulinine gooha maqashiiso
Mid kaloo illaah noo gartaba waan ka gudubnaa”
Saafi waa ku dhegtay Siciid, iyadoo leh, miyaad hinaastay? Ninkani wuxuu sugayay Caasha oo xafada ku maqan ee ina keen.
Wuxuu ku yiri, haddaan ku raaco waxaa loo qadanayaa nin la soo cadho celiyay ee, hadhow baan kuu imanayaye iska tag. Saafi oo hadallada Siciid ka yara shakisan baa ku tiri
“I dhaaro”
Wallaahi waan kuu imanayaa, ayuu Siciid ugu dhaartay gacalisadiisii Saafi. In cabbaar ah haddii uu ka maqnaa, Siciid waa u yimid Saafi oo uu ka tagay Casayr.
Siciid oo ah hal-abuur aftahan ah baa ku jalbeebiyey Saafi, ammaan middii ugu qiimaha badnay ee ku jirtay maskaxdiisa. Waxa uu ku yidhi:
“Gobanimo rugteedaay
Garashiyo aqoontana
Tii lagu galadayeey
Guurti iyo wax qabadeey
Guddi aan baqayneey
Garta abaheeday
Gundhig iyo xishooday
• Mabda’ iyo go’aanee
Murti gogol dhigadeey
Maguuraan xigmadaheey
Gabadhii adduunkee
Rabbigay gargaaraay
Gololoy jaceylkii
Ayu gabagabaynee
Galbi hadaladayoo
Soo gunaanad caashaqa”
Saddex bilood kaddib, Siciid oo aan ogayn baa reerkii saafi ka dhalatay guureen. Waxayna ku noqdeen dageenkii ay awal ka yimaadeen, oo ahaa lama deggaan. Deegaankoodii oo roob ku da’ay, abaartiina ka baxday bay ku soo noqdeen.
Laba habeen haddii ay ba ka sii maqan yihiin reerkii ay ka dhalatay Saafi Ciid, deegaankii uu Siciid ka dhashay ee Ramas, fasaxii dugsigunna uu u gaadhay misne ma ogaan guuridii reerkii Saafi iyo. Siciid oo ahaa nin dhalinyaradu aad u jeceshahay oo sheeko badan, aadna u xigmad badan, ka sokow da’yaridiisa, bay habeen habeennada ka mid ah wiilal dhawr ah oo ka mid ah
Kuwii xiisayjiray Siciid ku yidhaahdeen, sheekoolow
“Baryahanan kaftankii iyo sheekadaadii ma aanan maqal ee, haddii ay kaa fogaatay gacalisadaadii Saafi, maxaad noogu imaan wayday?”
Sicii oo ku halqabsanaya wiilkii su’aasha kaga nixiyey, isna leh yaan la dareemin inuu yahay maqaarsaar jacaylkaadu yidhi:
“Cabdiyow hadday guur qasdigii qabato labtaadu
Oo qirihu gabadh kaaga dhaco waa qisiyo yaabe
Anigu qaayis baan ahay intaad wadda qoslaysaane
Qulbayoo inaadeer lafahoo qawan bay hadhaye
Qalbigaygii inantaa casbaa qaaday waa hore’e
Waa quliyad iimuuqatiyo qoomka saadada’e
Jeer ay qadraay maheriyaan qaddigiyo sheekhu
Ay aniga ii qalad baxdaan qun ula haasaawo
Qancimaayo oo iga wallaanan qaayo u lahayn”.
Dhalinyaradii qosol bay la dhaceen, iyagoo ninba meel ka soo tuurayo, ileen ninku ma noola, ileen jaceylbaa dilay. kaddib waxay yidhaahdeen, jacaylkaadu goormuu kugu darnaa?
Qore: YAXYE YAASIIN XASAN
La soco……..
Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/
Leave a Reply