GODOB JACEYL QAYBTII 5AAD

Abbaaro 8:00 fiidnim, Saafi kolkii ay hawshii oo dhan ka soo fara madhnaatay, ayey u diyaargarawday la kulanka Siciid. Habluhu badanaa cawaysinka markii ay gaadho, waxaa u

dhaqan ahayd inay ardaaga hore ee guriga harar dhigtaan, oo ay kobtaas maxaa la yidhi da hayaan. Ballantu sidii ay ahayd Saafi oo maanka ku haysa, imaanshaha iyo sanqadha Siciidna u dhag taagaysa baa ardaaga caawa keli fadhida. Caawa se, maxaa la yidhi iyo maanta maxaa ka dhacay magaaladii, inay dhagaheedu maqlaan ma rabto. Sida oo kale, caawa ma rabto inay Ina-adeerteed Caasha wehliso, cid kalena iska daa hadalkiisa ee. Muddo yar kaddib, Siciid oo aan dhag la qabto lahayn baa yimid. Oo maad ba isii sugaysay, haddii uu salaantii ka horays iiyey, waa uu salaamay Siciid, Saafi. Qosol yar oo aan dhoollacadayn dhaafsiisanayn kaddib, waa ay ka qaadday salaantii Saafi, Siciid. Siciid oo ay dani tukhaan tukhinayso baa markii uu ogaaday inay Saafi ka raali tahay hadalkiisa, u soo bandhigtay jacayl.

Murti iyo maahmaah ba waa uu ugu soo bandhigay kalgacaylka uu u qabo baaxaddiisa.

Saafi oo aan weli garanayn inay Siciid Iyo Cabdirashiid labo walaalo ah kala dhaleen, bay xishood dartiis iskugu adkaysay Siciid. Iyada oo jacayl bay isku giijisay….. Balse Siciid waa uu ugu celceliyey inuu jecel yahay wuu ku adkaystay inuu jaceyl yahay goor uu u caal wayay ayuu ugu catabay:

“Hindisiyo ardow waxa iwaday haybta guudnimo e

Hummaagiina uun baan arkee sooma hoyaneene

Hagaagiinu waa inad salan naga horkeentaane

Waa inad haasaawisan hodaney maantaase

Marse haddaan halkaan doonayiyo hagarbax kaa waayay

Oo maan hadhkii geedka iyo doonto halahayga.

 

Dhawrkaa meeris ee gabayga ah intuu dhagaha ugu riday buu ka soo tagay, Siciid. Saafi oo mar danbe isla yaabtay, khalad inay ka gashay nafteedana ogaatay baa, Siciid soo raadisay; iyada oon baal ka marayn dhaqankii gabdhaha Soomaaliyed, ayey labo cisho kaddib u soo kicitimtay Siciid gurigoodii. Waxayna xidhiidh la samaysay Sahra Cali Cismaan, oo ah Siciid walaashiis ka yar. Kaddib, farriin bay ugu dhiibtay Sahra, Siciid.

Markii ay aragtay farriintii ayey Siciid ku tidhi,

“Gabadhii la faanin jiray baa ku doonaysay oo, waxay igu tidhi, Siciid ha ii yimaado.” Waa yahay intuu yidhi buusan u tagin. Laba cisho kaddib bay Saafi haddana Sahra u timid.

Waxoogaa sheeko ah kaddib, waxay Saafi tiri,

“miyaadan u sheegin fariintii.”

“Oo miyaanu kuu imaan” bay degdeg Sahra ugu jawaabtay.

Maya, iima imaan ee walal ku adkee fariinta ayey Saafi ku tidhi. Haye, walaal ayey Sahra tiri. Sidaas ayeyna ku kala tageen. Markii uu soo xerogalay Siciid fiidkii, bay Sahra u sheegtay fariintii, mar labaad. Waa yahay buu ku yiri Siciid. Waa intuu doonayey ee markii uu ogaaday Saafi inay shabaqa caashaqa ku jirto, buu sanka taagay. Maalin saddexaadkii bay saafi ugu timid guriga isagoo jooga, waxay ku tiri

“soo tiraba labba goor faariin kuuma dhigin gurigga?”

Dabcan, waan se mashquul sanaye, caawa ayaan kuu iman walaal. Nabadgaliyo.. Haye, nabaaddiinoo..

 

Saafi sidaas ayay kusoo dheelmatay. Hadduu habeenkii u tagayna, waa la isla gartay in

jaceylka lawada sido oo aan la isku keliyeyn. Balse, waxaa Siciid la soo darsay walwal iyo walbahaar badan, isagoo maskaxdiisa waydiinayay

“tallow markay ogaato Cabdirashiid unuu walalkaa yahay maxay Saafi samayn doontaa? tallow se ma kaa yeeli doontaa mase kuu suura galayaa jaceylkan maqaarsaarka ah. Taariikhdaas Siciid iyo Saafi mar xalad badan baa soo dhex martay. Sida habeen iyagoo labadooda qudha ah ay jilayaan jaceylka bay Saafi ku tiri

“waxa baa igu leh jaceylku waa kaligaaye Siciid kuma jaceyla”.

“Waayo,?” Siciid baa ugu jawaabay

“Dee kaama muuqdaan indho jaceyl u buko” bay Saafi tiri

Siciid wuxuu yiri :

“Mirta dhexe sidii aar mirkacay Muuday kaligaye

Macaluul la jiifsaday dugsiyoo maalmo kuu qadaye

Ka mad luubay naagaha kaliyo midab haldhaaleye

Adaa maanka iga jiitayoon kuu muhanayaaye

Ma mid maahsan baad tahay rayiga waan mitamiyaaye”

“Maxaa habeen iyo maalin ikaa duldhigay haddaan jaceylku dhab iga ka hayn” buu Siciid ku yiri.

 

Qore: YAXYE YAASIIN XASAN

La soco……..

Waan soo dhaweynaynaa sheekooyinkiina iyo qoraaladiina ku soo dira akhri100@gmail.com, ama alishka5@gmail.com ama website ka https://www.akhri.so/

 

Leave a Reply